Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Dowladda Suudaan ayaa diidday dalabkii Itoobiya ee ahaa inay martigeliso oo ay fududeyso wada-hadallo loo dhan yahay oo dhex mara dhinacyada Suudaan, iyadoo su’aal gelisay dhexdhexaadnimada xukuumadda Addis Ababa.

Bayaan ay baahisay wakaaladda wararka rasmiga ah ee Suudaan ee SUNA ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu Talaadadii ku casuumay dhinacyada Suudaan inay ka qeyb galaan wada-hadallo furan oo loo dhan yahay, kuwaas oo Itoobiya martigelin leheyd.

Dowladda Suudaan ayaa sheegtay in dhexdhexaadnimada dalka martigelinaya iyo ixtiraamka madax-bannaanida Suudaan ay yihiin shuruudo muhiim ah oo lagu aqbali karo doorka dhexdhexaadinta.

Waxay mar kale ku eedeysay Itoobiya inay taageerto xoogagga RSF, isla markaana diyaaradaha aan duuliyaha leheyn ee loo yaqaan drones laga soo diray gudaha Itoobiya lagu bartilmaameedsaday Suudaan.

Iyadoo eedeymahaas cuskaneysk, dowladda Suudaan waxay sheegtay in Itoobiya aysan buuxin shuruudda dhexdhexaadnimada ee looga baahan yahay martigelinta ama fududeynta wada-hadallada.

Dowladda Suudaan ayaa Midowga Afrika iyo dhinacyada kale ee gobolka iyo caalamka ka codsatay inay ixtiraamaan mowqifkeeda, isla markaana Itoobiya laga reebo qorshe kasta oo la xiriira martigelinta ama fududeynta wada-hadallada

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa Talaadadii sheegay in Itoobiya diyaar u tahay inay martigeliso oo maalgeliso wada-hadallo qaran oo loo dhan yahay, kuwaas oo ay ka qeybgalayaan dhinacyada milatariga, siyaasadda iyo bulshada rayidka ah, si loo soo afjaro dagaalka loona gogol xaaro dhismaha dowlad midnimo qaran oo ay dhinacyadu wada aqbalaan.

Dagaalka u dhexeeya ciidamada milatariga Suudaan iyo xoogagga RSF ayaa billowday bishii Abriil 2023, kaddib markii ay isku khilaafeen qorshaha ciidanka RSF loogu biirin lahaa milatariga rasmiga ah ee dalkaasi.

Dagaalka ayaa sababay dhimashada tobannaan kun oo qof, barakaca malaayiin kale iyo burbur baahsan oo soo gaaray kaabayaasha rayidka, oo ay ku jiraan isbitaallada iyo xarumaha kale ee caafimaadka.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More