Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Itoobiya ayaa dhaqan-gelisay amar ku saabsan mamnuucida soo dejinta gawaarida caadiga ah ee ku shaqeeya shidaalka iyo naaftada, taasoo ka dhigaysa iney noqoto dalkii ugu horreeyay adduunka ee qaata tallaabo noocan oo kale ah.

Go’aankan ayaa qeyb ka ah qorshe ballaaran oo dowladda Itoobiya ay ku doonayso inay ku yareyso lacagaha badan ee doolarka ah ee ku baxa soo dejinta shidaalka, isla markaana ay dardargeliso adeegsiga tamarta korontada. Sida ku cad habraacyada cusub, hay’adaha dowladda ee ka howlgala xuduudaha ayaa joojiyay fasaxa soo dejinta Gawaarida caadiga ah ee aan korontada ku shaqeyn.

Dalal badan oo caalamka ah ayaa qorsheynaya inay mustaqbalka joojiyaan isticmaalka Gawaarida shidaalka ku shaqeeya, walise meysan ku dhiira , balse Itoobiya ayaa tallaabadan si degdeg ah u dhaqan-gelisay.

Si kastaba, sharciyada cusub ee arrimahan quseeya ma saameynayo mashiinnada culus, gaadiidka gurmadka degdegga ah iyo noocyada gaadiidka gaarka ah ee aan weli laga helin beddel koronto ku shaqeeya.

Go’aankan ayaa sidoo kale ganacsatada Gawaarida soo dejisa ku qasbaya inay u weecdaan suuqa baabuurta korontada ku shaqeeya. Khubarada warshadaha ayaa sheegaya in loo baahan yahay horumarinta xarumaha lagu farsameeyo Gawaarida korontada iyo xarumaha korontada ee magaalooyinka si loo hirgeliyo isbeddelkan.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More