Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo (DRC), Joseph Kabila, ayaa ku biiray Jabhadda M23, taas oo ka dhigaysa inuu ku biiro jabhad hubaysan oo duurka kujirta.
Kabila oo dalka DRC xukumayay intii u dhaxaysay sannadkii 2000 ilaa 2019, ayaa xukunka ku wareejiyay Felix Tshisekedi, oo ah madaxweynaha hadda talada haya. Tshisekedi, oo la sheegayo inuu muddo-kororsi wado, si uu xukunka u joogo wixii ka danbeeya 2029 oo waqtigiisu dhammaanayo, ayaa ku khasbay Kabila inuu aado waddada jabhadaynta si uu xukunka mar kale ugu soo laabto.
Dhanka kale, Soomaaliya oo ka mid ah dalalka ay adag tahay in madaxweynayaashu ay xilka si fudud uga degaan, waxaa xilkiisa sharciga ahaa dhammaaday Madaxweyne Xasan. Waxaana xilka madaxweynaha ee soo socda u taagan madaxweynayaal hore. Arrintan ayaa dhalinaysa su’aal ah, Ma laga yaabaa inay iyaguna ku biiraan mucaaradka hubaysan ama aasaasaan jabhado hubaysan si ay xukunka mar kale u qabsadaan?

