Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Warbaahinta Israa’iil ee Channel 12 ayaa baahisay in Israa’iil ay amartay diyaarad ay leedahay shirkadda Ethiopian Airlines oo ku sii jeedday Tel Aviv inay dib u laabato, sababtuna ay ahayd in mid ka mid ah duuliyeyaasha diyaaradda uu u dhashay dalka Indonesia.

Sida ay warbixintu sheegtay, diyaaradda ayaa qiyaastii hal saac ku jirtay hawada, iyadoo weli aan ka dhamaan hawada Itoobiya, markii la bixiyay amarka ah inay dib u laabato.

Channel 12 ayaa sheegtay in sirdoonka Israa’iil uu maamulka garoonka diyaaradaha ku wargeliyay dhalashada duuliyaha, taasoo keentay in saraakiisha amniga iyo Wasaaradda Gaadiidka Israa’iil ay ka hor istaagaan diyaaradda inay ka degto dalkaas.

Diyaaradda ayaa dib ugu laabatay Addis Ababa, halkaas oo duuliyihii laga beddelay, ka hor inta aysan mar kale u duulin Tel Aviv oo ay gaartay.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in shirkadda Ethiopian Airlines ay dhacdada ku tilmaantay qalad, iyadoo sheegtay inaysan ogeyn in duuliyahaasi aanu xaq u lahayn inuu duulimaadyo ku tago Israa’iil.

Channel 12 ayaa sidoo kale wariyay in mas’uuliyiinta Israa’iil ay shirkadaha diyaaradaha shisheeye ku amreen inaysan shaqaalaha duulimaadyada ee u dhashay dalalka qaarkood ee aan xiriirka diblomaasiyadeed la leheyn Israa’iil u qoondeyn duulimaadyada ku wajahan dalkaas.

Dalalka la sheegay in xayiraaddu khusayso waxaa ka mid ah Afgaanistaan, Aljeeriya, Indonesia, Iiraan, Ciraaq, Kuweyt, Niger, Qatar, Sacuudi Carabiya, Soomaaliya iyo Venezuela.

Majiro wax war ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta Itoobiya ama Indonesia oo ku saabsan dhacdadan.

Tallaabadan ayaa timid kaddib isku day la sheegay in lagu afduuban rabay diyaarad ay leedahay shirkadda Flydubai, taasoo 30-kii Sebtembar ka soo duushay Dubai kuna sii jeedday Tel Aviv.

Xeer-ilaaliyeyaasha Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in kaaliye duuliye oo u dhashay Cumaan uu isku dayay inuu la wareego maamulka diyaaradda, isla markaana uu ku burburiyo garoonka diyaaradaha Ben Gurion.

Rakaabka iyo shaqaalaha diyaaradda ayaa fashiliyay isku daygaas, diyaaradduna waxay si nabad ah uga degtay magaalada Tabuk ee dalka Sacuudi Carabiya.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More