Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Ugu yaraan 109 Tahriibayaal ah oo ay ku jiraan 15 carruur ah, ayaa dhintay, halka ku dhowaad 116 qof oo kalena la la’yahay, kadib markii doon ay dadku ku badnaayeen ay ku degtay xeebaha Jabuuti 8-dii bishan, sida ay sheegtay hay’ad ka tirsan Qaramada Midoobay.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), dadka ka badbaaday shilka ayaa sheegay in doonta oo siday 350 qof kana soo amba-baxday Jabuuti kuna sii jeeday Yemen, ay ku degtay waqooyiga magaalada Obakh ee dalka Jabuuti.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in meydadka la helay ay ka koobnaayeen 52 rag ah, 42 haween ah iyo 15 carruur ah, kuwaas oo kala ahaa sagaal gabdhood iyo lix wiil.

In ka badan 80 qof ayaa ka badbaaday musiibada doonta, dhammaantoodna waxay ahaayeen muwaadiniin Itoobiyaan ah.

“Saboolnimada, amni-darrada iyo saameynta sii kordheysa ee isbeddelka cimilada ayaa dad badan ku qasbaya inay safarkan halista ah galaan, inkastoo xasillooni-darrada Bariga Dhexe ay sii kordheyso,” ayay tiri IOM.

Ugu dambeyn, IOM waxay ugu baaqday deeq-bixiyeyaasha iyo bahwadaagta caalamiga ah inay kordhiyaan taageerada ay siinayaan Jabuuti, gaar ahaan hawlgallada baadigoobka iyo samatabbixinta iyo gargaarka degdegga ah ee lagu badbaadinayo nolosha dadka.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More