Dib u curashada xanuunka Ebola ee badhtamihii sanadkan ka qarxay wadanka DRC,
ayaa Bariga Africa ka abuurtay walaac caafimaad oo xoogan, xanuunkan ayaa ku
fiday in ka badan Sagaal gobol oo kamid ah DRC oo ah halka uu xanuunkani ka
dilaacay, arinka walaaca xoogan abuuray ayaa ah in xanuunkani ka gudbay
xuduudaha DRC Congo, uuna gaadhay Uganda, france iyo Kenya oo October 6, 2026
shaacisay in kiiskedi ugu horeeyey soo gaadhay gudaha Kenya.
DRC Congo ayaa 16ki may 2026 si rasmi ah u shaacisay in Ebola Virus Disease EVD
ka dilaaacay wadnkaas (outbreak), ka dib markii shaybaadh lagu xaqiijiyey in
Bundibugyo virus ka dilaacay gobolka Ituri, tan oo ka dhigaysa markii 17aad ee xanuunka
Ebola ka dilaaco DRC Congo.
5 October 2026, CDC-da Maraykanka ayaa xaqiijisay in tirada dadka uu xanuunkani
ku dhacay ay gaartay 8,603 kiis oo la xaqiijiyey iyo 4,148 dhisamsho ah, tan ayaa ka
dhigaysa outbreak-kii labaad ee ugu weynaa tariikhda Ebola ee abid la diiwaangeliyo,
sidoo kale waxay muujinaysaa in cudurkani si degdeg ah u fidayo.
Uganda, oo bilowgii horeba uu xanuunkani soo gaadhay waxay xaqiijisa 20 kiis oo la
xaqiijiyey iyo dhimashada 3 Kiis. Kiiskii ugu dambeeyay ee laga soo sheegay halkaas
waxaa la xaqiijiyay 21-kii Juun, taas oo la macne ah in aysan hadda jirin bukaano la
tacaalaya xanuunka Ebola gudaha Uganda. Si kastaba ha ahaatee, dadka badan ee u
kala goosha dalalka gobolka iyo safarrada xuduudaha ayaa weli kordhinaya fursadda
uu cudurku ugu gudbi karo dal kale.
Dhacdada ugu muhiimsan ee saamaynta ku yeelan karta Somalia ayaa ah in 6-dii
bishaan October, 2026, Dowladda Kenya xaqiijisay kiiskii ugu horeeyey ee
Bundibugyo Virus (Ebola) soo gaadhay wadankeeda. Qofka uu xanuunkani ku dhacay
oo ahaan Kenyan muddo ku noola wadanka DRC. wuxuu safar dhulka ah kuso galay
Uganda, kadibna safar diyaaradeed ugu gudbay Nairobi Kenya. bukaankan ayaa ka
gudbay badhitaanada caafimaad ee Airportka kenya, ugu dambayna qoyskiisu ay ka
qadeen halkaas. bukaankan oo lahaa calaamada ay ka mid yihiin, Qandho, Madax
xanuun, Dhiigbax maqaarka hoostiisa ah, ayaa ugu dambeyn la dhigay Hospital ku
yaal Nairobi, halkaas ayuuna ugu dambayntii ku geeryooday.
dowladda kenya ayaa xaqiijisay inay karantiil gelisay 28 qof oo 8 kamid ah ay yihiin
bukaanka qoyskiisa, waxaana la baafinya 23 qof oo ah dadkii lasoo safray bukaanka
iyo shaqaalihi diyaaradaas.
Maxay tani uga dhigan tahay Soomaliya?
Soomaliya weli lama xaqiijin in Ebola virus soo gaadhay, sidaas darteed dhacdada
ama kiiska laga diiwaangelliyey Kenya waxay xoojinaysaa muhiimadda ay leedahay
in Somalia si degdeg ah u xoojiso u diyaargarowga dabgalka iyo lasocodka
dhaqdhaqaaqa xanuunkan, sababta ugu weyn waa in isusocdka labada dal yahay mid
aad u sareeya, iyada oo qiyaasti 40 dulimmad isbuuc kasta u kala goosho Nairobi iyo
Mogadishu.
khatarta ugu weyn ee Somalia waxay noqon kartaa in qof cudurkan qabaa uu Kenya
ama dal kale kaso galo Somalia ka hor inta aan calaamada xanuunku si sax ah ugaso
muuqan. tan ayaana muhiim ka dhigaysa in Airport-yada iyo magaalooyinka
xuduudaha ku yaal laga hirgeliyo goobo baadhitaan iyo xarumo karantiin oo degdeg
ula tacaali kara xaalad kasta oo timaada taas oo fududaynaysa in xanuunka xili hore
laga hor tago (Early detection).
WHO waxay tilmaamaysa in meelaha laga soo galo dalalka sida Airports-ka
Dekedaha iyo xuduudaha dhulka, ay yihiin difaaca ugu horeeya ee looga hortago
faafidda cudurrada faafa.
Waxaa muhiim ah in la xuso in Ebola aanu ahayn xanuun si fudud ku faafa sida
hargabka ama cudurada ku faafa hawada. Bundibugyo Virus disease wuxu inta badan
ku faafa taabasho (direct contact) lala yeesho dhiiga ama dheecaanada qofka qaba
cudurka ama waxyaalaha uu wasakheeyey sida dharkiisa iyo gogoshiisa oo la taabto.
Hay’adda caafimaadka aduunku (WHO) waxay kaloo sheegtay in hadda aysan jirin
talaal (vaccine) ama daawo si gaar ah loogu ansixiyey in lagu daaweeyo Bundibugya
virus disease. sidaas darteed dhacdada kenya waxay Somalia uga dhigan tahay
DIGNIIN iyo fursad loogu diyaar garoobi karo oo looga hortagi karo Ebola Virus.
Somalia waxay u baahan tahay in ay xoojiso baadhitaanada (surveillance-ka)
xuduudaha iyo Airport-yada, sidoo kale in la diyaariro lana tababaro shaqaala
caafimaad oo leh awood baadhitaan (Laboratory testing), xarumo takoor (isolation
facilities), iyo dabagalka dadka ka ag dhawaaday bukaanka (contact tracing). waxaa
kaloo muhiim ah in Dwladda Somalia la shaqayso WHO, Kenya, Xarumaha Africa ee
Xakamaynta iyo kahortagga cudurrada (Africa CDC),iyo hay’adaha kale ee gobolka,
maadaama Ebola uu yahay cudur aan xuduudaha siyaasiga ah ku ekeyn.
Marka lasoo koobo: Ebola hadda wuxuu si weyn ugu faafay wadanka DRC congo,
kiiski ugu dambeeyey ee meel ka baxsan wadankaasna waxaa laga diiwaangeliyey
Kenya, tan ayaana muujinaysa in cudurkani awood weyn u leeyahay inuu ka gudbo
xuduudaha isaga oo raacaya dhaqdhaqaaqa dadka.
Somalia weli lagama diiwaangelin kiis Ebola ah, taas macneheedu ma aha in uusan
cudurkani soo gaadhi karin dalka, sidoo kale isku xidhnaanta Somalia iyo Kenya
waxay dallka ka dhugaysa mid u nugul. arinka ugu muhiimsan ay tahay in Dowaladdu
xooga saarto ayaa noqonaya in la xoojiyo early warning, border surveillance,
laboratory capacity, isolation centers, contact tracing, iyo regional coordination.
ujeedada ugu weyn waa in hadii kiis Somalia soo galo, lagu ogaado d=saacadaha ama
maalmaha ugu horreeya, lana joojiyo faafitaanka ka hor inta uusan noqon outbreak
gudaha dalka ah.
Dr Abdisalam Kalluun
Physician/ MBBS / MPH

