Sannadihii ugu dambeeyey, Soomaaliya waxay si mug leh u garowsatay muhiimadda ay leedahay xoojinta iyo dardargelinta dakhliga gudaha. Waqtigan aan joogno, waxaa marxalad gabagabo ah marayaa geeddi-socodka sharci-dejinta dhismaha Hay’adda Dakhliga Qaranka (Somali Revenue Authority – SRA), oo ka gudbay ansixinta Golaha Wasiirrada iyo labada aqal ee Baarlamanka Soomaaliya. Marka la dhammaystiro geeddi-socodka sharci-dejinta, SRA waxay noqon doontaa bog cusub iyo tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka horumarka. Si gaar ah, waxay shidaal u noqon doontaa dadaallada loogu jiro sidii loo heli lahaa nidaam dakhli oo xooggan, hufan, isla markaana wax-ku-ool ah.
Dhismaha Hay’adda Dakhliga Qaranku wuxuu sidoo kale qayb ka yahay barnaamij ballaaran oo lagu hagaajinayo maamulka maaliyadda guud ee dalka. Hindisaha dhismaha hay’addan muhiimka ah wuxuu si dardar leh u bilowday kaddib ansixintii Sharciga Canshuurta Dakhliga (Income Tax Law) ee sannadkii 2025. Sidaas darteed, Hay’adda Dakhliga Qaranku ma aha qorshe si kedis ah ku yimid, ee waa qayb ka mid ah dadaallo muddo dheer socday oo dib-u-eegis loogu samaynayey hab-maamulka iyo qaab-dhismeedka maaliyadda dalka, si loo xoojiyo dakhliga gudaha, loogana shaqeeyo qorshe iyo safar dheer oo lagu gaadhayo sidii ay Soomaaliya u noqon lahayd dowlad isku filan oo aan u baahnayn kaalmada caalamiga ah ee ay hadda si xad-dhaaf ah ugu tiirsan tahay.
Si kastaba ha ahaatee, Hay’adda Dakhliga Qaranku (SRA) waa hay’ad dowladeed oo ka ballaaran sida ay qayb ka mid ah dadweynuhu u arki karaan, oo ah inay tahay hay’ad loogu talagalay oo keliya inay xoojiso ururinta canshuuraha. Waa hay’ad muhiim u ah dowladnimada; haddii sida loo baahan yahay loogu shaqeeyo, waxay inoo suurtagelinaysaa inaan helno nidaam maaliyadeed oo awood leh, adeegyo tayo leh oo ay helaan canshuur-bixiyeyaashu, nidaam isla-xisaabtan oo xooggan, iyo in dowladdeennu awood buuxda u yeelato inay bixiso adeegyo dadweyne oo ballaaran.
Hay’adda Dakhliga Qaranka (SRA) laguma qiimayn doono xaddiga canshuur ee ay soo ururiso, ee waxaa lagu qiimayn doonaa: sida ay nidaamka canshuuraha uga dhigto nidaam hufan oo cad oo uu qof kasta si fudud u fahmi karo; sida ay u hagaajiso adeegyada canshuur-bixiyeyaasha; sida ay u xoojiso fulinta shuruucda canshuuraha si caddaalad ah; iyo sida ay u dhisto kalsoonida ka dhexaysa hay’adda iyo muwaadiniinta.
Maqaalkan waxaan si qoto dheer ugu eegi doonaa doorka ay Hay’adda Dakhliga Qaranku ku yeelan doonto mustaqbalka dowladnimada Soomaaliya. Waxaan diiradda saari doonaa caqabadaha hadda haysta dakhliga gudaha, doorka ay SRA ka qaadan karto xoojinta dakhliga gudaha, casharrada laga baran karo hay’adaha dakhliga ee dalalka deriska ah ee Bariga Afrika, iyo shuruudaha muhiimka ah ee
loo baahan yahay si ay SRA u noqoto hay’ad guulaysata oo si dhab ah uga qayb qaadata horumarka dalka.
Waa Maxay Hay’adda Dakhliga Qaranka Soomaaliyeed?
Marka laga hadlayo hay’ad dakhli (Revenue Authority), waxaa jira qeexitaanno tiro badan oo loo sameeyey, laakiin aragtidayda qeexitaanka ugu faahfaahsan waa kan ay bixisay madasha OECD, oo u dhigma sidatan: hay’adda dakhligu waa hay’ad dowladeed oo mas’uul ka ah maamulka canshuuraha iyo dakhliga kale ee dalka. Shaqadeedu kuma koobna ururinta canshuuraha oo keliya, ee waxay kaloo qabataa shaqooyin aad u muhiim ah, oo ay ka mid yihiin diiwaangelinta canshuur-bixiyeyaasha, kor u qaadista adeegyada iyo wacyigelinta canshuur-bixiyeyaasha, qiimaynta canshuuraha, ururinta dakhliga, hubinta u hoggaansanaanta shuruucda canshuuraha, maaraynta khataraha, fulinta sharciga, iyo adeegsiga nidaamyada dhijitaalka ah.
Waxaa muhiim ah in la kala saaro laba shaqo oo inta badan la isku khaldo, kuwaas oo kala ah Siyaasadda Canshuuraha (Tax Policy) iyo Maamulka Dakhliga (Revenue Administration). Siyaasadda canshuuraha waa mas’uuliyadda golayaasha kala duwan ee dowladda; iyaga ayaa go’aamiya waxa la canshuurayo, xaddiga canshuurta ee la soo rogayo, iyo canshuur-dhaafyada ama ka-dhaafitaannada la oggol yahay. Halka maamulka dakhliga, oo ah ururinta canshuuraha iyo dakhliga kale ee dalka si hufan, caddaalad ah, oo waafaqsan sharciga, uu yahay mas’uuliyadda hay’adda dakhliga.
Waqtigan xaadirka ah, hawlaha iyo shaqooyinka dakhliga gudaha ee Soomaaliya waxay ku dhex jiraan wasaaradaha maaliyadda ee Dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka. Taasi waxay culays dheeraad ah saartay wasaaradaha maaliyadda, oo ay u taal hawlo ka ballaaran maamulidda dakhliga oo keliya, waxayna sidoo kale ka dhigtay hab-maamulka dakhliga gudaha mid aan sidii loo rabay u gudan waajibaadkiisa iyo shaqooyinkiisa. Qaab-dhismeedkan qadiimiga ah ayay dalalka deriska la ah Soomaaliya, sida Kenya, Rwanda iyo Tanzania, ka guureen 1990-meeyadii, waxayna dhiseen hay’ado dakhli iyagoo mideeyey waaxyihii hore ee canshuurta dakhliga, canshuurta iibka iyo kastamka, dhammaantoodna hoos geeyey hal hay’ad oo madax-bannaan.
Tusaale ahaan, Hay’adda Dakhliga Tanzania (TRA) waxaa la aasaasay sannadkii 1996-kii, waxaana loo dhisay in hal hay’ad lagu mideeyo Waaxdii hore ee Canshuurta Dakhliga, Waaxdii Canshuurta Iibka, iyo Waaxdii Kastamka iyo Canshuuraha Badeecadaha. Sida ay sheegeen maamulka hay’addu, tallaabadaasi waxay suurtagelisay dhismaha nidaam maamul dakhli oo casri ah, horumarsan, isla markaana leh isla-xisaabtan xooggan.
Sidaas darteed, geeddi-socodka dhismaha Hay’adda Dakhliga Qaranka Soomaaliyeed wuxuu raacayaa waddo ay hore u mareen hay’ado dakhli oo badan oo caalamka ah, oo ay ku jiraan kuwa dalalka deriska la ah Soomaaliya. Laakiin arrinta muhiimka ah ee la rabo in aad loogu dhug yeesho waxay tahay in aan si indho la’aan ah loo soo minguurin qaab-dhismeedka iyo falsafadaha hay’adaha dakhliga ee caalamka,
ee si qoto dheer looga fekero sidii hay’adda looga dhigi lahaa mid la jaan-qaadi karta xaqiiqada ka jirta dalka iyo hab-dhaqanka bulshada Soomaaliyeed.
Maxay Soomaaliya Ugu Baahan Tahay Hay’ad Dakhli oo Madax-bannaan?
Doodda ku saabsan dhismaha Hay’adda Dakhliga Qaranka Soomaaliyeed (SRA) waxay salka ku haysaa xaqiiqooyin dhaqaale oo aan la iska indho tiri karin. Soomaaliya waxay la daalaa-dhacaysaa caqabado iyo dulduleellooyin waaweyn oo ka jira qaab-dhismeedka iyo hannaanka maamul maaliyadeed ee dowladda. Haddii aan eegno Miisaaniyadda Dowladda Federaalka ee 2026, waxaa la saadaaliyey in dakhliga guud ee dalku uu noqon doono ku dhowaad $1.36 bilyan, iyadoo $879 milyan oo lacagtaas ka mid ah la qiyaasayo inay ka timaaddo deeqaha iyo kaalmada caalamiga ah, halka dakhliga guduhu uu noqon doono qiyaastii $479 milyan oo keliya.
Qorshaha Medium-Term Revenue Roadmap (MTRR) ee Soomaaliya, oo ay taageerto Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF), wuxuu dejiyey yool ah in saamiga dakhliga gudaha marka loo eego wax-soo-saarka guud ee dalka (GDP) lagu kordhiyo 0.3 boqolkiiba (percentage points) sannad kasta, iyadoo ujeeddada ugu dambaysa ay tahay in dakhliga guduhu si buuxda u daboolo kharashaadka hawlgalka dowladda marka la gaaro sannadka 2027. Laakiin waxaa muuqata in masaafada u dhaxaysa xaqiiqada kobaca dakhliga gudaha iyo yoolka uu dejiyey qorshaha MTRR ee IMF ay aad u ballaaran tahay.
Daraasado kala duwan oo la sameeyey ayaa muujinaya in deeqaha caalamiga ah ay u egyihiin inay hoos u dhigaan dhiirrigelinta dowladda ee ah inay kordhiso dakhliga gudaha. Waxay tilmaameen in mar kasta oo dowladdu dareento culays kaga yimaada dhanka daboolidda kharashaadka hawlgalka dowladda, iyadoo aan ku xisaabtamayn kaalmo dibadda ah, ay taasi si joogto ah u dhiirrigelin karto dardargelinta dadaallada ay dowladdu ku kordhinayso dakhliga gudaha.
Dhanka kale, dhaqaalaha iyo ganacsiyada dalka oo aan nidaamsanayn (Informal Economy), hoos u dhaca kalsoonida iyo u hoggaansanaanta canshuur-bixinta (uneven taxpayer compliance), dakhliga furdooyinkeenna oo u nugul dhibaatooyinka dhaqaale ee caalamka ka dhaca, maadaama aan si weyn ugu tiirsannahay wax-soo-dhoofsiga (Imports), iyo caqabado dhaqaale oo kale oo waaweyn ayaa sabab u ah kobaca yar ee dakhliga gudaha ee dalka.
Dib-u-eegisyadii ugu dambeeyey ee IMF ku sameeyey barnaamijka Soomaaliya waxay xuseen in dowladdu arrimahan uga jawaabi karto tallaabooyin isugu jira: hirgelinta buuxda ee Sharciga Canshuurta Dakhliga; ballaarinta canshuurta iibka si loogu daro adeegyada ay ka mid yihiin isgaarsiinta iyo korontada; casriyaynta maamulka furdooyinka; iyo daabacaadda warbixinta sannadlaha ah ee ugu horreysa ee hanti-dhowrka canshuuraha Soomaaliya sannadka 2026. Dhismaha hay’ad dakhli oo madax-bannaan wuxuu saldhig adag u noqon doonaa fulinta iyo dardargelinta hawlahaas baaxadda leh ee looga fadhiyo dowladda Soomaaliya.
Qaran Horumarsan Wuxuu Ka Bilowdaa Dakhli Gudaha oo La Xoojiyo
Helitaanka dakhli gudaha oo xooggan oo la isku hallayn karo wuxuu abuuraa awood maaliyadeed (fiscal capacity) oo weyn. Awood maaliyadeed oo weyni waxay suurtagelisaa in dowladdu si joogto ah u daboosho kharashaadkeeda, ayna maalgeliso kaabayaasha dhaqaalaha iyadoo aan dhaqaale ka sugayn dalal shisheeye. Horumarinta kaabayaasha dhaqaaluhuna waxay dhiirrigelisaa maalgashiga gudaha iyo kan dibaddaba, taasoo kobcinaysa dhaqaalaha waddanka, dhinaca kalena kor u qaadaysa dakhliga gudaha. Tani, mabda’ ahaan, waa wareeg wanaagsan (virtuous cycle). Laakiin dhinaca kale, waxay noqon kartaa wareeg dabin adag ah oo ragaadiya dakhliga gudaha iyo dhaqaalaha waddanka, waana dabinka hadda haysta waddankeenna. Maxaa yeelay, caqabadaha haysta dakhligeenna gudaha waxay naga hor istaageen inaan horumarino kaabayaasheenna dhaqaale. Taasi waxay saamayn taban ku yeelatay ganacsiga iyo maalgashiga waddanka; dhinaca kalena waxay keentay in awoodda dhaqaale ee dowladdu hoos u dhacdo, waxayna sabab u noqotay ku tiirsanaanta xad-dhaafka ah ee deeqaha caalamka.
Maxaan Ka Baran Karnaa Dalalka Deriska ah sida Kenya, Rwanda iyo Tanzania?
Sida caadiga ah, marka la dhisayo hay’ad dakhli waxaa jira fikir aan sax ahayn, kaas oo ah in hay’ad dakhli oo xooggan loo fahmo hay’ad si adag oo aan dabacsanaan lahayn u dhaqan-gelisa shuruucda canshuuraha. Hase yeeshee, waayo-aragnimada dalalka deriska ah waxay muujinaysaa sawir iyo fikir sidaas ka duwan kana ballaaran, isla markaana dowladdeenna u noqon kara cashar muhiim ah oo wax badan ka tari kara dhismaha iyo qaab-dhismeedka Hay’adda Dakhliga Qaranka.
Hay’adda Dakhliga Kenya (Kenya Revenue Authority – KRA), oo la aasaasay sannadkii 1995 xilli ay jireen cadaadisyo deeq-bixiyeyaal oo la xiriiray dib-u-habaynta hay’adaha iyo la-dagaallanka musuqmaasuqa, waxay bixisay cashar muhiim ah. Daraasad cilmiyeed lagu sameeyey waxqabadka KRA ee sannadihii u dambeeyey ayaa muujisay in, inkastoo hay’addu markii ugu horreysay taariikhdeeda dhaaftay ururinta KSh 2 tiriliyan sannad-maaliyadeedkii 2021/22, haddana kalsoonida dadweynuhu ay weli hoosaysay. Taas waxaa loo fasiran karaa in waxqabadka hay’adda iyo kalsoonida dadweynuhu aysan si toos ah isugu xirnayn.
Sida laga soo xigtay isla cilmi-baaristaas, horumarka dhabta ah ee KRA ka samaysay dhinaca ururinta dakhliga waxaa si weyn u horseeday hoggaan firfircoon oo dhisay iskaashi iyo xiriirro shaqo oo ballaaran, halkii uu xoogga saari lahaa dhaqan-gelinta sharciga oo keliya. Arrimahaas waxaa ka mid ahaa machad tababar oo gaar ah, KESRA, oo ay aqoonsan tahay Ururka Caalamiga ah ee Kastamyada (World Customs Organization), iyo Barnaamijka Wadajirka ah ee Tababarka Tababarayaasha Sare oo lala sameeyey hay’adda iskaashiga caalamiga ah ee Japan (JICA). Waxaa sidoo kale wax fiican laga qabtay horumarinta tayada guud ee hay’adda, iyadoo gobollada intooda badan laga furay xafiisyo si adeegga loogu soo dhoweeyo dadweynaha. Waxay kaloo shaqo fiican ka qabteen fududaynta hab-bixinta canshuuraha iyagoo adeegsanaya nidaamyo dhijitaal ah sida iTax, iyo samaynta guddi madax-bannaan
oo ka shaqeeya xallinta khilaafaadka canshuuraha, halkii si joogto ah loogu tiirsanaan lahaa maxkamadaha oo keliya.
Hay’adda Dakhliga Rwanda (Rwanda Revenue Authority – RRA), oo la aasaasay 1997-kii xilli Rwanda ay ka soo kabanaysay dagaalkii sokeeye, waxay tusaale u tahay cashar kale oo muhiim ah oo dhammaystiraya kan Kenya: xukuumadda iyo madaxda sare ee Rwanda waxay xoogga saareen inay bulshada u gudbiyaan farriimo si cad u qeexaya xiriirka ka dhexeeya canshuuraha iyo horumarka dalka.
Madaxweynaha Rwanda ayaa si shakhsi ah u taageeray halkudhiggii lagu aasaasay RRA, ee ahaa “Canshuuro Horseed u Noqda Horumarka iyo Kobaca Dalka” (“Taxes for Growth and Development”). Taasi waxay keentay in toban sano gudahood dakhliga Rwanda uu ka kordho qiyaastii 9.5 boqolkiiba wax-soo-saarka guud ee dalka (GDP), noqdana in ka badan 13 boqolkiiba.
Waxaa xusid mudan in xubnaha guddiga maamulka (Board of Directors) ee RRA aan lagu koobin wasaaradda maaliyadda oo keliya, ee lagu daray xubno ka socda wasaaradda ganacsiga iyo maalgashiga, si looga dhigo ganacsiga iyo hay’adda dakhliga saaxiibo is war haya oo mar walba wada shaqeeya.
Si kastaba ha ahaatee, qiimayn madax-bannaan oo lagu sameeyey mashruuca RRA waxay muujisay caqabado badan oo jiray, oo ay ka mid tahay in RRA ay xoogga saartay oo keliya canshuur-bixiyeyaasha waaweyn, iyadoo aan tixgelin fiican siin ganacsiyada yaryar oo ah laf-dhabarta dhaqaalaha Rwanda.
Khibradda Tanzania, oo hay’addeeda dakhligu dhisan tahay muddo 30 sano ah, waxay iyaduna muujinaysaa cashar saddexaad: kalsoonida dadweynuhu ku qabaan hay’adda kuma iman karto oo keliya in la dejiyo shuruuc canshuureed oo adag, ee waxay ku imaan kartaa in si joogto ah looga shaqeeyo horumarinta adeegyada canshuur-bixiyaha iyo casriyaynta nidaamka dakhliga.
Dukumentiyada TRA ee dib-u-eegista 30-kaas sano waxay muujinayaan taxane joogto ah oo nidaamyo casri ah oo kala duwan lagu soo kordhiyey, kuwaas oo ay ka mid yihiin qalabka elektaroonigga ah ee maareeya canshuurta iibka, nidaam isku dhafan oo maamulka canshuuraha ah, nidaam otomaatig ah oo xogta kastamyada lagu maareeyo, iyo Single Electronic Window. Nidaamyadan badankooda waxaa la hirgeliyey muddo ku siman saddex toban sano, iyadoo sidoo kale la sameeyey wada-tashi iyo xiriir joogto ah oo lala yeeshay ururrada ganacsiga, sida Mu’assasada Qaybta Gaarka ah ee Tanzania (Tanzania Private Sector Foundation) iyo Isbahaysiga Warshadaha Tanzania (Confederation of Tanzania Industries).
Hay’adaha caalamiga ah, oo ay ka mid yihiin IMF iyo Bangiga Adduunka, ayaa sidoo kale ku xusay dib-u-habayntan horumar la taaban karo oo laga sameeyey dakhliga gudaha. Dhanka kale, wakiillada ganacsatada iyo ururrada bulshada rayidka ah waxay si joogto ah ugala doodaan TRA caqabadaha gaarka ah ee dhinaca maamulka, sida dib-u-dhaca soo celinta canshuurta VAT, baaritaannada
canshuuraha ee isku dhaca ama is-dulsaaran, iyo habraacyada kormeerka furdooyinka. Tani waxay muujinaysaa in shaqada iyo dadaallada lagu horumarinayo hay’ad dakhli aysan dhammaad lahayn.
Maxay Soomaaliya Ka Baran Kartaa?
Saddexdan tusaale waxaa ka dhexeeya hal qodob oo muhiim ah: waxqabadka maamulka dakhliga kuma xirna dhaqan-gelinta sharciyada oo keliya. Soomaaliya waxay ka faa’iidaysan kartaa shan mabda’ oo isku xiran:
- Horumarinta adeegyada canshuur-bixiyaha, si loogu fududeeyo muwaadiniinta inay waajibaadkooda canshuur-bixinta u gutaan si dhib yar.
- In si nidaamsan loo dhijitaaleeyo diiwaangelinta canshuur-bixiyeyaasha, gudbinta canshuur-celinta, iyo bixinta canshuuraha.
- In la dhiso xirfadda iyo aqoonta shaqaalaha, iyadoo la siinayo tababarro joogto ah, ha ahaadaan gudaha ama dibadda dalka.
- In aan hal doon la wada saarin dhammaan canshuur-bixiyeyaasha, ee la kala saaro kuwa ka soo baxa waajibaadkooda, oo u baahan dhiirrigelin, iyo kuwa aan sidii la rabay uga soo bixin waajibaadkooda, oo u baahan in si gooni ah loola socdo.
- In la xaqiijiyo in nidaamka canshuuruhu noqdo mid hufan, caddaalad ah, oo si fudud loo fahmi karo. Haddii aan arrimahan la helin, xitaa haddii hay’addu farsamo ahaan dhisan tahay, way adkaanaysaa in la dhiso kalsoonida dadweynaha, sida aan ka baranayno khibradda KRA.
Maxaa SRA Ka Dhigi Kara Hay’ad Guulaysata, Maxaase Ay Tahay Inay Ka Fogaato?
Cilmi-baaris isbarbardhig ah oo lagu sameeyey hay’adaha dakhliga ee Afrika iyo Latin Ameerika, taas oo ku salaysan daraasado laga sameeyey Kenya, Mexico, Peru, Koonfur Afrika, Uganda iyo Venezuela, ayaa muujisay in hay’adaha dakhliga ee leh madax-bannaani dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo dhab ah ay gaareen horumar la taaban karo. Daraasaddu waxay sidoo kale muujisay in waxa ugu muhiimsanaa horumarkaas uu ahaa dib-u-habaynta shaqaalaha, iyadoo si joogto ah loo horumarinayo xirfaddooda, loona xoojinayo hufnaanta iyo anshaxa shaqaalaha.
Iyadoo laga duulayo caddayntan, iyo sidoo kale waayo-aragnimada dalalka Bariga Afrika ee aan kor ku soo xusay, dhismaha Hay’adda Dakhliga Qaranku wuxuu u baahan yahay in la qaado tallaabooyinkan muhiimka ah ee hoos ku xusan:
- Waajibaadka, awoodaha iyo mas’uuliyadaha SRA waa in si sax ah loogu qeexo hindisaha sharciyeed ee hay’adda, si looga fogaado khilaafaad mustaqbalka ka dhex dhasha SRA, Wasaaradda Maaliyadda ama dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.
- SRA waa inay yeelataa madax-bannaani dhinaca shaqaalaysiinta, miisaaniyadda iyo habaynta gudaha, iyadoo isla markaasna si joogto ah warbixin u siinaysa Baarlamanka, madaxda sare ee dalka, Hanti-dhowrka Guud iyo dadweynaha.
- Shaqaalaha SRA waa in lagu xusho karti iyo tartan furan, lana sameeyo baaritaan ku filan oo ku saabsan hufnaantooda iyo anshaxooda. Waxaa sidoo kale muhiim ah in la sameeyo iskaashi tababar oo nidaamsan oo lala yeesho hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya horumarinta dakhliga gudaha.
- Waa in la dhiso nidaam dhijitaal ah oo isku xiran, laga bilaabo diiwaangelinta canshuur-bixiyeyaasha, Lambarka Aqoonsiga Canshuur-bixiyaha (TIN), gudbinta canshuur-celinta, bixinta canshuuraha, habraacyada kastamyada iyo falanqaynta xogta.
- SRA waa inay mudnaanta siisaa wacyigelinta, waxbarashada canshuuraha, adeegyada canshuur-bixiyeyaasha iyo fududaynta habraacyada u hoggaansanaanta sharciga, halkii ay ganaaxyada ka dhigan lahayd habka ugu weyn ee ay isticmaasho.
- SRA waa inay sidoo kale xoojisaa iskaashiga iyo is-dhaafsiga xogta ee ka dhexeeya Dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.
- Rabitaanka muwaadiniintu u qabaan inay canshuur bixiyaan kuma xirna oo keliya cabsida ay ka qabaan ganaaxyada dowladda, balse wuxuu sidoo kale ku xiran yahay kalsoonida ay ku qabaan in lacagta ay bixinayaan loo isticmaalo si hufan oo mas’uuliyad ku dheehan tahay, iyo inay helaan adeeg dadweyne oo tayo leh.
Waxa Ay Tahay Inay SRA Ka Fogaato
SRA waa inaysan noqon:
- hay’ad ku kooban oo keliya kordhinta ururinta dakhliga;
- hay’ad ku tiirsan oo keliya dhaqan-gelinta ganaaxyada si muwaadiniintu ugu hoggaansamaan shuruucda canshuuraha;
- hay’ad nugul oo hoggaankeeda ay si fudud u saamayn karaan xaaladaha siyaasadeed, gaar ahaan xilliyada kala-guurka;
- hay’ad ganacsiyada yaryar ku kordhisa kharashaad iyo culaysyo, halkii ay ka taageeri lahayd sidii ay waajibaadkooda si fudud u gudan lahaayeen.
Ugu dambayn, Hay’adda Dakhliga Qaranku (SRA) waxay u baahan tahay inay noqoto hay’ad isku dheellitirta ururinta dakhliga, adeegga canshuur-bixiyaha, hufnaanta, isla-xisaabtanka, xirfadda shaqaalaha, madax-bannaanida hawlgalka, iyo iskaashiga hay’adaha dowladda.
W/Q: Maxamuud Cabdi Dhagamadow

