Xulka difaacanaya koobka ee Argentina ayaa caawa ku wajihi doona Spain kulanka kama dambaysta ah ee Koobka Adduunka FIFA 2026, iyadoo tartankii socday 39-ka maalmood lasoo gaba-gabrynayo caawa.
Kulankan oo ka dhacaya gobolka New Jersey wuxuu noqon doonaa mid isha lagu wada hayo oo xiisa gaara leh, sababtoo ah wuxuu u dhexeeyaa weerarka ugu awoodda badan iyo difaaca ugu adag tartanka. Argentina ayaa inta tartankan socday dhalisay goolasha ugu badan oo ah 19, halka Spain laga dhaliyay hal gool oo keliya.
Final-kan wuxuu sidoo kale isu keenayaa horyaallada Koonfurta Ameerika iyo Yurub markii ugu horreysay ee Koobka Adduunka muddo 60 sano ah.
Waxa kale oo uu noqonayaa xifaaltan u dhexeeya laba jiil: waa Lamine Yamal oo 19 jir hoggaaminaya Spain, iyo geesigiisii carruurnimada, Lionel Messi oo 39 jir ah, kaasoo horkacaya Argentina.
Yaa loo saadaalinayaa inuu ku guuleysto?
Saadaasha ugu badan waxey sheegeysaa in Koobka caawa ay la hoyan doonaan Spain, walow Argentina mar walba ay dib usoo laabasho cajiib ah sameyso, sida laga arkay kulamadiidii u danbeeyay
Waxaa la leeyahay 59.46% waxaa caawa guuleysan doona Spain, halka Argentina ay heysato saadaasha 40.54% fursadaha ay ku difaacan karto koobkii ay qaaday 2022.
Halkee lagu ciyaari doonaa final-ka?
Final-ka waxaa lagu qaban doonaa MetLife Stadium, oo ay isticmaalaan labada kooxood ee NFL-da Mareykanka: New York Giants iyo New York Jets. Inta uu socdo Koobka Adduunka, garoonka waxaa si ku meel gaar ah loogu bixiyay magaca New York–New Jersey Stadium.
Garoonkan oo la dhisay sanadii 2010 wuxuu qaadaa ilaa 82,500 daawadayaal ciyaaraha kubadda cagta. Waxa kale oo lagu qabtay final-ka Koobka Kooxaha Adduunka ee FIFA 2025 iyo labada kulan ee nus-dhammaadka.
Taariikhda kulanada labada xul Spain vs Argentina:
* Waxey kulmeen 16 jeer
* Spain ayaa badisay 6 jeer
* Halka Argentina badisay iyaduna 6 jeer
* 2 Goorna Barbaro ayey galeen
Labadan xul hore ma isugu arkeen Koobka Adduunka?
Haa, laakiin hal mar oo keliya.
Waxay ku kulmeen wareegga guruubyada Koobkii Adduunka ee 1966 lagu qabtay England, halkaas oo Argentina ay ku badisay 2–1.
Spain waxay ku hartay wareegga guruubyada, halka Argentina ay ku hartay wareegga siddeedda (quarterfinals).
Koobabka ay ku guuleysteen
Spain
* Koobka Adduunka: 1 jeer (2010)
* Koobka Yurub (Euro): 4 jeer (1964, 2008, 2012, 2024)
Argentina
* Koobka Adduunka: 3 jeer (1978, 1986, 2022)
* Copa América: 16 jeer, kii ugu dambeeyayna waxay qaadeen 2024.
Waa kuwee Ciyaartoyda muhiimka ah ee Spain
Mikel Oyarzabal ayaa ah gooldhaliyaha ugu sarreeya Spain tartankan isagoo dhaliyay 5 gool, oo uu ku jiro midkii ay ku garaaceen France nus-dhammaadka.
Rodri ayaa laf-dhabar u ahaa khadka dhexe, isagoo bixiyay baasaska ugu badan tartanka (648 baas).
Lamine Yamal, inkastoo uu ciyaarahiiss kusoo beegmeen isagoo dhaawacyo kasoo kacay , wali muusan soo bandhigin ciyaarihii lagu yaqiinay, balse wali wuxuu halis joogto ah ka yahay garabka midig.
Ciyaartoyda muhiimka ah ee Argentina
Lionel Messi ayaa ah xiddiga ugu weyn kooxda, isagoo leh 8 gool iyo 4 caawin, taasoo ka dhigeysa musharraxa ugu weyn ee kabta dahabka (Golden Boot), hadii uu caawa goolal kale dhaliyo, maadaama Mbabe uu ka sareeyo 2 Gool.
Messi wuxuu dhaliyay gool kulan kasta ilaa wareegga 16-ka, halka caawimihiisuna ay door weyn ka qaateen guulihii quarterfinal-ka iyo semifinal-ka.
Lautaro Martínez (3 gool) iyo Enzo Fernández (2 gool) ayaa sidoo kale door muhiim ah ku lahaa weerarka Argentina.
Waxa ay kulanka caawa ka yiraahdeen tababarayaasha iyo ciyaartoydu
Luis de la Fuente (tababaraha Spain):
“Waxaan aaminsanahay in Spain iyo Argentina ay soo bandhigi doonaan ciyaar ay hibada iyo kubadda cagta quruxda badan ka sarreeyaan wax kasta.”
Rodri (kabtanka Spain):
“Kooxdan iyo jiilkani waxay doonayeen inay taariikh sameeyaan… hadda waxaan gaarnay final-ka Koobka Adduunka. Waan ku faraxsanahay safarkeenna, laakiin halkaas kuma joogsaneyno; hammigeennu aad buu uga weyn yahay.”
Lionel Scaloni (tababaraha Argentina):
“Aad ayaan ugu faanayaa Messi, waayo waa ciyaaryahanka ugu fiican taariikhda kubadda cagta. Inuu da’da 39 jir ku gaaro final sidan oo kale ah waa wax cajiib ah.”
Emiliano Martínez (goolhayaha Argentina)
“Mararka qaar si qarsoodi ah ayaan u ooyaa markaan ka fikiro wixii aan gaarnay. Waxaan isku dayayaa inaan ku raaxeysto waqtigan, sababtoo ah mararka qaar ciyaaryahannadu ma garwaaqsadaan halka ay marayaan xirfaddooda. Fariinteydu waa inaan wajiyadeenna dhoolla-caddeyn ku diyaar garowno oo aan ku raaxeysanno xilligan, waayo waa wax aan waligeen xusuusan doonno.”
Maxaa dhacaya haddii ciyaartu barbaro ku dhammaato?
Haddii 90-ka daqiiqo ay barbaro ku dhammaadaan, waxaa la ciyaari doonaa waqti dheeri ah oo laba qaybood ah, min 15 daqiiqo. Haddii weli barbaro lagu sii jiro, rikoorayaal (gool-ku-laadyo) ayaa lagu kala bixi doonaa.

