Sidee bulsho dowlad laβaan ku jirtay uga soo kabatay burburkii 1991? Maxaase laga baran karaa maanta?
Soomaalidii hore kuma ay guuleysan dhisidda qaran mideeya, ha-yeeshee bulsho ahaan waxa ay ahayd dad; adag, dhiirran, caqli badan, iyoΒ caaddifad xoogganna leh.
Howlkar, dulmi-diid ah gartiisana dhacsada, ayaa ay ahayd tilmaanta nin walba ku taamayay in u uu ku sifoobo. Taas ayaa isbareysay qaxarka iyo qofka Soomaaliga ah, madaama uu si joogto ah xarbi ugu gelayay xorriyadda naftiisa, xaqa qoyskiisa, iyo xeerka tolkiisa.
Inkasta oo dowladdii Soomaaliyeed duntay 1991dii, haddana bulshada Soomaaliyeed si buuxda uma burburin. Iyada oo hayadihii dowladdu maqanyihiin ayaa qeybaha bulshadu dhexda u xirteen dib u dhiska akhlaaqda, anshaxa, kalsoonidii bulshada iyo nidaamkeedii.
Qormadani waxa ay lafagureysaa burburkii 1990-meeyadii iyo geeddi-socodkii soo kabashada, iyadoo u dhabbagaleysa fikirkii iyo dhaqankii Soomaalida, iyo doorkii tognaa ee ay qaateen Culimada, dhaqanka reeraha, oo loo geeyay bahda ciyaaraha, aflaanta, iyo warbaahintu.
Inta aynaan u gelin soo kabashada, bal aan si kooban u milicsanno goorta burburku billowday iyo waxa innaga dumay.
Jabkii dagaalkii 1977β78 kadib, hubkii faraha ka baxay, abaaro iyo colaado sokeeye ayaa ku fiday dalka. Intii lagu jiray 1980-meeyadii, jabhado hubeysan, aargoosi qabiil iyo dowladdii oo isku dirka reeraha u arkaysay hab ay ku sii jirto ayaa sii huriyay colaadaha. Isla mar ahaantaana hayβadihii dowliga ahaa, dhaqaalihii iyo qaab-dhismeedkii maamulka ayaa si tartiib ah u daciifay. Sida uu tilmaamay Abdi Ismail Samatar, burburka dowladdu wuxuu ka dhashay isku dhafka kalitalisnimo siyaasadeed, daciifidda hayβadaha dowliga ah iyo burburka nidaamka dhaqaalaha (Samatar, 1989). Sida uu sheegay Max Weber, dowladnimadu waxa ay ku dhisantahay sharciyad iyo nidaam maangal ah; marka sharciyaddaasi lunto, hayβadihii dowladdu si tartiib ah ayaa ay u kala daataan.
Xitaa ka hor marxaladihii ugu dambeeyay ee burburka, hana-qaadkii kacaanka oo lagu xasuusto waxqabad xoog leh, waxaa barbar socday dagaal qaraar oo ay dowladdu la gashay qaar ka mid ah hormuudkii bulshada β culimada, dhaqanka qabiilka iyo aqoonyahanka.
Dil, xarig iyo musaafurin ayaa waxgaradkii ka miiray bulshada. Culimadii, aqoonyahankii, xirfadlaydii iyo dabaqaddii dhexe intoodii badnayd waa ay ka hayaameen dalka.
Sida uu sheegay Arnold Toynbee, xadaaraduhu waa ay fashilmaan marka la waayo βcreative minorityβ β koox hoggaan iyo hal-abuur leh oo bulshada hoggaamisa.
Ciidamada jabhadihii talada la wareegay waxa ay u badanaayeen dhallinyaro hubka ku soo barbaartay iyo reer miyi colaadaha qabiilka kusoo gubtay. Waqtigaas tiirarkii bulshada β diin, dhaqan iyo aqoon β horay ayaa ay u wiiqmeen, waxaana shaqaynayay hal awood oo keliya: qabiilka. Sidaas ayaa dumistii dowladdu ugu beegantay kala deyoowga bulshadii muddada daciifineysay.
Casabiyaddu (isla-duubnida iyo wadajirka dad) waa awoodda isku-duubnida ee bulsho u dhista qaran iyo ilbaxnimo; laakiin marka ay kusoo ururto qabiil, waxa ay burburisaa wadajirka guud ee bulshada (Ibn Khaldun). Markaa casabiyaddii qabiilku, reer ku duul iyo iska difaac mooyee dowlad ma keenin oo markii horeba doonis qaran kuma imaan.
Jahawareer (Anomie) iyo Isbeddelka Dhaqanka Magaalada
Sharcigii dowliga ahaa, aqoontii, iyo badi tiirarkii kale ee bulshadu markii ay jabeen, waxaa sidoo kale si tartiib ah u dumay ilbaxnimadii magaalada.
Ciyaalka xaafaddeennu, inta aynaan iskuul cag dhigin, ayaan kala barannay hubka noocyadiisa. Alaabaheenna cayaartu waa; bambooyin, qoryo hallaabay, mararka qaarna rasaas xaafadaha laga soo xaday oo aan dab ku dhex ridno. Carruurteenna oo keliya ma ahayne, barbaartuna camal iyo cilmi nama dheereyn. Hormuudka ay ku dayanayaan, bare iyo barbaariye midna ma ahan ee waa; darawallada tiknikada, gaandheriga iyo hoggaamiyeyaasha maleeshiyaadka, kuwaas oo aan kaliya magac ku lahayn xaafadda, ee sidoo kale haystay haasaawaha iyo hadalheynta dumarka.
Sida Emile Durkheim tilmaamayo, marka xeerarkii wadajirka ahaa burburaan, waxaa dhasha jahawareer bulsho (anomie). Xilligaas, Xamar iyo magaalooyin badan xilkas ma joogin; oo qabri iyo qax midkood ayuu ku maqnaa. Xeer warkii daa, xishoodna ma jirooβxaaraantii iyo xalaalshii ayaan la kala aqoon.
Soo Kabashadii
Sooyaalku sida uu ka marag kacayo, dowladuhu waa ay burburaan; se waa dhif in markaa bulshadu si buuxda u baabaβdoβwaase haddii qiyamka, dhaqanka iyo damiirka bulshadu ay weli nool yihiin.
Colaaddii sokeeye xal ma noqon. Xoogag badan oo markii hore la jiiray ama difaaca tolkooda dantu ku qasabtay, ayaa si tartiib ah u soo miyirsaday.
Markaas ayay culimadii, odayaashii dhaqanka iyo aqoonyahanno aan badneyni u dhaqaaqeen hawl aad u adkayd: dhayidda iyo kabka bulshadii walaahowday.
1. Doorka Culimada: Dib-u-dhiska Anshaxa Bulshada
Culimadii bartamihii 1990-meeyadii ayaa billaabay olole ka dhan ah dagaallada, dhaca, muqaadaraadka iyo ficilladii qarribnaa ee mooryaanta. Doorkoodu ma ahayn keliya cambaareyn; waxa ay u qumeen dib-u-habeyn qiyam iyo qaab nololeed bulsho, iyaga oo dib u dhiska dhowr tiir si gaar ah xoogga u saarayay.
Masβuuliyadda shakhsiga iyo xisaabta aakhiro
Ficilka aadamaha ayaa Culimadu aad ugu celcelinayeen, in uusan ku koobnayn xeer tol iyo xafiis dowladeed oo keliya; balse uu jiro xukun Eebbe iyo xisaab aakhiro.
Maalinle ayaa la isu xasuusin jiray diiwaanka Raqiib iyo Catiidβmalaaβigta qoraysa camalka aadamahaβiyo in fal kasta qaan-sheegad ka dambeeyo:βQof walba waxa uu u qoolan yahay wixii uu kasbadayβ (At-Tuur 52:21).
Kitaabka midig ama bidix lagaaga dhiibi doono maalinka qiyaame ayaa afka culimada iyo dhegaha caammada ku badnaaβAkhriso kitaabkaaga; maanta naftaada ayaa kuugu filan xisaabiyeβ (Al-Israa 17:14). Fikraddan, oo si xikmad leh usii buuxinaysay doorkii maqnaa ee dowladda, ayaa dad badan ku beertay awood is-xakamayn (moral self-restraint)βtaas oo qofka ka ilaalinaysay inuu xadka dhaafo xitaa marka aysan jirin cid si toos ah ula xisaabtamaysa.
Diinta ayuu sheegay Γmile Durkheim in ay leedahay awood hagta damiirka qofka iyo moralka guud ee bulshada marka uu dhaco jahawareer-bulsho (Durkheim, 1912). Sidaas ayaa ay diintu ugu noqotay bulshada xeer anshaxeed iskii u shaqeeya, marka xukunkii dowladdu maqnaaday.
Qoyska
Culimadu waxa ay xoogga saareen muhiimadda guurka iyo xasiloonida qoyska, si negaasho iyo nidaam reer loogu helo bulshadii dagaalladu kala irdheeyeen. Waxa ay carrabka ku adkeeyeen mudnaanta qoyska muslimka ah, masuuliyadda waalidka ka saaran tarbiyada carruurta, ilaalinta akhlaaqda, iyo dhismaha jiil mustaqbalka bulshada qaadi kara. Nabigu (NNKH) wuxa uu yiri: βKulligiin waxaad tihiin masβuuliyiin, mid walbana waxaa la weydiin doonaa waxa loo dhiibay.β (Bukhari & Muslim)
Ixtiraamka waalidka, sheekha iyo macallinka
Martabadii iyo ixtiraamkii hormuudka bulshada ayaa dib losoo nooleeyay. Waalidka, macallinka iyo culimada ayaa mar kale loo arkay tiirarka hagaya bulshada.
Sharafta shaqada iyo diidmada shaxaadka
Culimadu waxa ay si cad u cambaareynayeen ku tiirsanaanta dadka kale, waxa ayna dhiirrigelinayeen shaqo, ganacsi iyo isku-filnaansho. Waxaa joogto la isu fari jiray in sharafku ku jiro noqoshada βgacanta sare ee wax bixisaβ.
Musiibada Jahligga iyo Mudnaanta Aqoonta
Culimadu waxa ay si xooggan u adkeeyeen in jahligu yahay mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee burburka bulshada. Weeraha aan dhegaheyga mogaan jirin waxaa ka mid ahaa: βAqoonta raadsada xataa haddii ay Shiinaha jirto,β iyo βDhabta hooyo ilaa dhafoorka ciidda la idiinkaga dhigo, aqoonta raacdeeya.β Waxaa kale oo suuqyada yaallay, in xataa saaxirkaβinkastoo sixirku yahay dunuubta ugu waaweyn ee Eebbe laga galoβhaddana jaahilku ka liito saaxirka. Waxaa loo daliishan jiray in saaxiriintii Fircown cilmigooda ku garteen in Fircown been sheegayo halka jaahiliintii rumeysteen. Sidaas darteed, xilligaas jahligu wuxuu noqday waxa ugu qallafsan ee qof lagu caayo.
Barashada diinta iyo aqoonta maaddiga ah labadaba, ayaa la isu tusiyay jidka keliya ee bulshada ka saari kara mugdiga. Kitab-raacashada, u kallahista duruusta iyo aqoon raadinta ayaana sidaas darteed noqoday hiigsi cusub.
Casharrada joogtada ahaa ee masaajiddaβsiiradii Nabiga (NNKH), qisooyinka anbiyada iyo noloshii saxaabadaβayaa dhallinyarada ku beerayay hammi sare iyo yeelashada ujeed nololeed.
Masaajidda iyo dugsiyadu waxay noqdeen meelaha dhifka ah ee bulsho kala qabiil iyo aragti ah ku kulmi karto, taas oo si tartiib ah u soo celisay is-aaminaaddii iyo kalsoonidii bulshada.
Is-aaminaaddaas iyo boorrinta shaqada ayaa dhanka kale, firfircooni gelisay ganacsigii, oo noqday mid ka mid ah tiirarkii ugu muhiimsanaa ee soo kabashada bulshada.
Sida uu Max Weber ku sharraxay buuggiisa The Protestant Ethic and the Spirit of Capitalism, anshax diimeed ku dhisan masβuuliyad iyo is-xakamayn ayaa abuuri kara kalsooni iyo nidaam bulsheed awood u yeesha dhismaha hayβadaha iyo dhaqaalaha (Weber, 1905/2002).
Ugu dambayn, culimadu waxa ay dhaqan ahaan βbaadiyeeyeenβ mooryaanka, ma-shaqeystaha iyo jaad-cunuha; sumcaddii bulshaduna waxa ay u wareegtay qof diin, ammaano iyo nabad ku suntan.
Doorka Qabiilka
Odayaasha dhaqanka oo qaarkood markii hore dagaalka ku milmay, halka kuwo kalena colaadaha baahay ay doorkoodii shiiqiyeen ayaa markaan dib hananaya kaalintoodii. Qabiillo badan ayaa is abaabulay oo goβaansaday in ay ka hortagaan dilalka, dhaca iyo isbaarooyinka, iyaga oo dejiyay xeerar dhaqameed kala nidaamiya xiriirka dhexdooda iyo kan ay la leeyihiin qabiillada jaarka ah.
Doorka Iskuullada
Xamar iyo magaalooyin kaleba waxaa ka curtay iskuullo caadi ah iyo kuwo gaarka ah ee luqadda iyo xirfadaha. Inkastoo dhaliillo in manaahij qalaad lagu dhiganaayay ka mid tahay ay jireen, haddana xilli adag ayaa ay iskuulladu abuureen jawi waxbarasho oo dhallinyarada ka jeediyay rabshadaha, isla markaana ku beeray hammi waxbarasho sare iyo rajada mustaqbal wanaagsan.
Xarumaha xirfadaha ee lagu baran jiray kombiyuutarka, teebka, saxaafadda, caafimaadka iyo luqadaha ayaa, marka laga soo tago shaqo-abuurka ay soo biiriyeen, sidoo kale kor u qaaday qaddarinta bulshadu u haysay aqoonta luqadaha iyo xirfadahaa kala duwanaa.
Aflaanta iyo Kubadda Cagta
Bartamihii 1990-meeyadii, koobabkii banooniga ee ay bahda ciyaarahu qaban jireen sida horyaalka Janaral Daaβuudβayaa magaalada geliyay nashaad iyo firfircooni cusub. Taageerayaasha kooxaha Elman, Qodxaaleey, STS iyo John Carla (Dekedaha) ayaa ka iman jiray xaafadaha fog ee Madiina, Waaberi iyo Kaaraan, halka kuwa Towfiiq, Midnimo iyo Banaadirβoo ka ag dhawaa garoonka cayaaraha Muqdishoβiyaguna buux dhaafin jireen gegida cayaaraha.
Xiiso xooggan oo ay dhallinyarada iyo carruurtu u qaadeen kubbadda cagta ayaa mgaalada ku baahay. Naadi la taageero, kooxo xaafadeed iyo xiddigo lagu daydo oo aan qabiil ku xirneyn ayaa soo baxay. Waxaa weli xusuus mudan farsamadii xidigihii caanka ahaa ee waagaas sida Cabdullaahi Yariisoow, Cabdi Baaskit iyo Taffarre. Dadweynaha oo farshaxankooda la ashqaraarsan ayaa sacab la sarakici jiray halka qofkii nasiib u yeesha in uu laacibiintaas magaalada ku arkana sheekada jardiinku habeenkaas isaga u shidnaan jirtay.
Haddaba, marka laga soo tago madadaalada, cayaaruhu waxa ay abuureen goobo is-dhexgal bulsho, heyb aan qabiil ahayn. Cayaaraha ayaa sidoo kale noqday meel bulshadu ku barato wax wada-lahaanshaha, xallinta khilaafaadka iyo is-qabadsiinta tartanka iyo wadajirka.
qodobadaaas kore waxaa xoojinaayaa aragtida Robert Putnam ee social capital, oo tilmaamaysa in howlaha bulshada sida cayaaraha iyo ururrada madaniga ahi ay abuuraan kalsooni, wada-shaqayn iyo xiriir ka gudba xeyndaabyada kala qeybiya bulshada (Putnam, 2000).
Sidoo kale Emile Durkheim ayaa tilmaamay in dhaqdhaqaaqyada wadajirka ahi ay xoojiyaan isku-duubnida bulshada (social solidarity), dibna u dhisaan xiriirka dadka marka ay bulshadu soo marto jahawareer ama burbur (Durkheim, 1893/1997).
Dhanka kale, Alfaghi iyo istuudiyayaashii kale ee filimaanta turjumi jiray, iyo shaleemooyinkii faraha badnaa ee xaafadaha Muqdisho, ayaa abuuray dhaqan bulsheed dhiirrigelinaya reer-magaalnimada. Inkasta oo shaleemadu lahayd cillado u gaar ah, haddana waxa ay si weyn dhallinyarada uga jeedisay qallafsanaanta, qoqobka iyo rabshadaha, waxa ayna qurxisay aragtida ilbaxnimada magaaladaβlabbiska, hadalka iyo hab-dhaqanka dabacsan ee bulshada madaniga ah.
Aragtida Norbert Elias ee civilizing process ayaa tilmaamaysa in madadaalada iyo is-dhexgalka bulshadu ay qayb ka qaataan kobcinta akhlaaqda iyo xakamaynta rabshadaha (Elias, 1939/2000). Sidaas ayay cayaaraha iyo goobaha kale ee madadaaladu usoo boorqaadeen noloshii caadiga ahayd ee bulshada, ka hor inta aan dowladnimo dib loo dhisin.
Idaacadaha FM-ka: Wacyi-Qaran iyo Soo Celinta Miyirka Bulshada
Qiiqii colaadaha sokeeye oo yaraaday, isla markaana magaaladu dib u baraneyso nolosha ilaa xad xasishay, ayaa hawada magaalada waxaa kusoo kordhay codad cusubβwaa idaacadihii FM-ka ee Horn Afrika, STN iyo Shabeelle ay ugu horreeyeen. Waxa ay dib u kiciyeen xusuustii sooyaalkii hore, dowladnimadii la tebay iyo halgankii qaranka, iyaga oo isla mar ahaantaana bulshada ku baraarujinayay xaddiga burburka dalka iyo xayawaannimada mooryaanta.
Doorkan warbaahineed waxa si fiican loogu fahmi karaa aragtida JΓΌrgen Habermas ee public sphere: goob ay bulshadu ku kulanto, ku falanqayso arrimaheeda guud, isla markaana ku dhisto isla-xisaabtan siyaasadeed (Habermas, 1989).
Barnaamijyada raadka igu yeeshay ee Horn Afrika ka bixi jiray waxaa ka mid ah βWaxaan u soo joogay, Dagaalladii 77, Sooyaalka Soomaalida iyo Hiddaha iyo dhaqanka. Waxa ay u shaqaynayeen sidii muraayad ay bulshadu mar ka dhugato wejigeedii hore oo la qurxiyay, mar kalena ka daawato suuradda foosha xun ee maanta.
Suugaanta waddaniga ah ee ka baxaysay idaacaduhu waxa ay dib u kaagicineysay xusuus qarannimo iyo halganka jiilkii hore. Sida uu sheegay Benedict Anderson, qaranimadu waxa ay ku dhisantahay xusuus iyo sheekooyin wadaag ah oo bulshada ku dhex abuura dareen-wadareedβimagined community (Anderson, 1983).
Dhanka wararka caalamka, dad badan ayaa xasuusta barnaamijkii Xogwarran ee ay soo jeedin jireen Nadaara iyo Bare-sare Qaadi, kaas oo ka warrami jiray dagaallada Afqaanistaan iyo Ciraaq. Inkasta oo barnaamijkaas iyo kuwa la mid ahi door weyn ka geysteen beerista miraha xagjirnimada, haddana waxa uu kicinayay dhiigga dhallinyarada, isaga oo abuurayay dareen difaac iyo wacyi ku saabsan is-muquuninta ka socota dunida. Arrinkaan ayaa aragtidayda, qeyb libaax ku lahaa diyaarinta jiilkii geesinimadooda lala yaabay ee ciidankii faraha weynaa ee Xabashada ka xoreeyay Soomaaliya.
Barnaamijyada gudaha dalka ayaa Iyana kaalin cajiib ah cayaarayay, oo idaacaduhu waxa ay noqdeen sida daaqad ay bulshadu ka fiirsato waxa ka socda hareeraheeda. Dagaallada reeraha iyo dirirta hoggaamiye-kooxeedyada ayaa si toos ah loo tebin jiray, wareysiyo iyo doodo ayaana lala geli jiray qabqablayaasha dagaalka. Warbaahintu waxa ay feydeen daboolkii cabsida, iyaga oo aan bannaanka soo dhigin kaliya gaboodfallada dagaal-oogeyaasha ee sidoo kale muujinayay aragti-laβaantooda.
Waxaa fikrad la yaableh ahaa, arnaamijkii Hoodi-Hoodi ee Alle ha u naxariistee Mahad Axmed Cilmi, oo noqday makarafoon ay bulshada ku hadasho. Subax kasta ayaa shacabka xaafadaha kala duwan ee Muqdisho ka warrami jireen waxa xaafaddooda ka socda. Halkaas waxaa ka muuqanaysay laba arrimood: bahalnimada mooryaanta iyo geesinimada shacabka u bareeraya soo gudbinta gaboofalka dariskoodu geysanayo!
Xasuusteyda kama goβin, nin maalin ka warramay rag deriskiisa ahaa oo nin ay madax-furasho u afduubteen uu geeriyooday, kuwaa oo haddana diiday dhiibista meydkii silcintooda u dhintay iyaga oo dalbanayay madax-furasho laga siiyo raqda meydka. Dhacdooyinkaas naxdinta leh aya ay idaacaduhu mararka qaar ka sameeynayeen sheekooyin dhab-ka-awaal ahβsida Dhagax-kariye, Kaligii-duul iyo Zeben-la-seexdeβoo aad moodaysay in jilayaashoodu si toos ah u metelayaan qabqablayaashii dhabta ahaa.
Sidaas aya ay idaacadihii FM-ku ugu noqdeen bulshada cod toosiya: meel ay bulshadu ku maqasho dhawaaqeeda, ku falanqayso xanuunkeeda, kana hesho dareen wadajir.
Gebogebadii, burburkii dowladnimada ee dhammaadkii 1980-meeyadii iyo bilowgii 1990-meeyadii inkasta oo uu wiiqay hayβadihii dowliga ahaa, haddana ma uusan tirtirin awooddii bulshada Soomaaliyeed iyo sifaadkii adkaysiga ee ku duugnaa dhaqankeeda. Dowladdu way duntay, se bulshadu ma burburin.
Soo kabashadu waxa ay ka bilaabatay gudaha bulshada lafteeda. Culimadu waxa ay dib u soo nooleeyeen anshaxii, damiirkii iyo martabooyinkii bulshada; iskuullada ayaa mar kale shidaayay hammigii aqoonta; halka odayaasha dhaqanku ku aadeen kala celinta iyo heshiisiinta reeraha, qoysaska iyo shaqaaqooyinka xaafadaha. Dhanka kale, cayaaraha, shaleemooyinka iyo idaacaduhu waxa ay noqdeen meel ay bulshadu ku soo ceshato is-dhexgalkii, wacyigii iyo dareenkeedii wadajirka.
Xoogaggaas kala duwan markii la isu geeyay, waxa ay si tartiib ah dhanka togan u jeediyeen sifaadkii ku Soomaalidaβee geesinimada, casabiyadda iyo dulmi-diidnimada oo ay kasoo weeciyeen wadiiqadii qalloocneyd ee tamrtaas lagu maalayay. Sidaas ayayna mar kale u soo kabatay; kalsoonidii, kala dambayntii iyo isku-duubnidii bulshadu.
Bulshadaas dib isu abaabushay ayaa dhalisay midowgii Maxkamadaha, kolkaas oo shacabku iska dulqaaday heeryadii mooryaanta. Muddo kooban gudahood ayay dib ugu soo celiyeen Muqdisho nidaam iyo kala dambayn, waxayna markii dambe ka hortageen duullaankii Xabashadaβiyaga oo muujinaya sifaadkii dhaqanka Soomaaliyeed ee geesinimada, naf-hurnimada iyo casabiyad ka baxsan qabiilka.
Si kastaba ha ahaatee, guushaasi ma sii waarin. Qaar ka mid ah hoggaankii maxkamadaha ayaa u leexday xagjirnimo iyo dagaallo aan lahayn yool qaran. Dhanka kalena, dowladihii ka dhashay marxaladahaas ayaa si foolxun ugu guuldarreystay in ay sii wadaan himiladii ummadda. Adeeg dadweyne iyo horumar ha joogtee waxaa maaro waa, bulshadu qabatintay noqday caddaaladdarrida, takrifalka iyo awoodsheegashada hayadaha iyo saraakiisheeda dowaldda. Karti-xumada hoggaankii nasoo maray ayaana keenay in kob cidla ah aan ku meereysanno dhowr iyo toban sano.
Guuldarrada dowladuhu waxa ay mar kale dib u abuurtay kala-qaybsanaan, kalsooni-darro iyo jahawareer bulsho. Dabaqaddii dhexe iyo dhallinyaradii ayaa haddana mar kale ka hayaamaya dalka, iyadoo quusta dadka ku soo korortay ay mararka qaar u muuqato in sawirku dib ugu laabtay dhammaadkii 1980-meeyadii.
Taasi waxa ay ina hor dhigaysaa suβaal culus: haddii aan mar kale jabnoβha noqoto burbur gudaha ah ama duullaan shisheeyee Β weli ma nooshahay awooddii bulshada Soomaaliyeed ee mar hore u suurtogelisay inay ka soo kacdo burburkii hore? Maxaa ka nool sifaadkii soomaaaliyeed ee dulmi-diidnimada, lahaydna adkaysiga, geesinimada iyo casabiyadda?
Dhanka kale, sidee ayuu maanta yahay doorkii culimada, dhaqanka, bahda waxbarashada, fanka iyo suugaanta?
Tixraacyada
Anderson, Benedict. 1983. Imagined Communities: Reflections on the Origin and Spread of Nationalism. London: Verso.
Durkheim, Γmile. 1893. The Division of Labor in Society. New York: Free Press.
Durkheim, Γmile. 1912. The Elementary Forms of Religious Life. New York: Free Press.
Elias, Norbert. 1939. The Civilizing Process. Oxford: Blackwell.
Ghalib, Ahmed Mohamed. 1995. The Cost of Dictatorship: The Somali Experience. New York: Lilian Barber Press.
Habermas, JΓΌrgen. 1989. The Structural Transformation of the Public Sphere. Cambridge: MIT Press.
Hussein, Abdirazak Haji. 2017. My Role in the Foundation of the Somali Nation-State: A Political Memoir. Minneapolis: University of Minnesota Press.
Putnam, Robert D. 2000. Bowling Alone: The Collapse and Revival of American Community. New York: Simon & Schuster.
Samatar, Abdi Ismail. 1989. The State and Rural Transformation in Northern Somalia, 1884β1986. Madison: University of Wisconsin Press.
Weber, Max. 1905. The Protestant Ethic and the Spirit of Capitalism. London: Routledge.
W/Q: Dalmar Faafaale

