Sanado badan oo burbur iyo colaad ah kaddib, Soomaalidu waxay sanadkii 2004-tii shirkii Embagathi ee Nairobi ku heshiisay in dib loo yagleelo dowladnimo ku dhisan nidaamka federaalka.
Madashaas waxaa isugu yimid qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, inkasta oo ay door muuqda ku lahaayeen hoggaamiyeyaashii kooxaha hubeysan,—dagaal oogayashii dalka—haddana, waxaa goob joog ka ahaa, madaxdii Dowladdii Kumeelgaarka ahayd, qaybaha kala duwan ee bulshada riyadka. Ujeeddada shirku waxay ahayd in la helo nidaam dowladeed oo awoodda qaybiya, kana hortaga kali-talisnimadii lasoo arkay mid lamid iyo soo noqoshada dagaalladii sokeeye ee ka dhashay. Muhiimadda ugu weyn waxay ahayd in Soomaalidu is aaminto oo jabka gaaray laga soo kabto.
Deddaal badan kaddib, waxaa ka amaamuday dowlad kumeelgaar ah oo caasimadda saldhigata, caalamku la shaqeeyo, Soomaaliduna u hanqaltaagayso, walow ay duruufo badan ay ku xeernaayeen, haddana waxaa muuqday horusocod gaabis ah oo la isla ogol yahay. Dowladaas kumeelgaarka ahi, waxaa saldhig u ahaa Axdi aan rasmi ahayn oo hay’adaha dowladda kala haga.
Markii la soo gaaray, sanadkii 2012-kii, waxaa la ansixiyay dastuur federaal ah oo ku meel gaar ah, kaas oo saldhig u noqday dhismaha hay’adaha dowliga ah iyo nidaamka dowladnimo ee casriga ah. Inkastoo kushaqaynta dastuurka horumar weyn laga sameeyay, oo intiisa badan dhaqangal noqdeen marka la joogo xayndaabka shaqada hay’adaha dowladda dhexdooda, haddana waxaa si joogto ah u dhacayay ku xadgudubyo ka dhan ah dastuurka, kuwaas oo ka imaanayay dhanka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, iyadoo mararka qaar ay dhinac walba ka hormarinayeen danahooda gaarka ah maslaxadda guud ee qaranka. Iyagoo adeegsanaya fasiraado iyo akhris u gaar ah, maadaama madaxdii dalka soo martay ay ka gaabiyeen dhismaha hay’adihii garsoorka iyo dastuurka.
Sikastaba, Soomaaliya waxay maanta kujirtaa marxalad halis badan, waxaa muuqata in hay’adihii dastuuriga ahaa ay daciifeen ama aysan u shaqaynayn si hufan. Baarlamaanka oo ay ahayd inuu noqdo ilaaliyaha koowaad ee dastuurka, wuxuu mararka qaar u muuqdaa mid hoos imanaya saameynta laanta fulinta. Dhinaca kale, qaar ka mid ah dowlad goboleedyada ayaa u dhaqma si ka madax-bannaan nidaamka federaalka, taas oo sii kordhisay kala fogaanshaha siyaasadeed iyo tafaraaruqa gudaha.
Arrintan waxay dhashay marxalad halis ah oo gaarsiisay in awooddii dowladeed loo adeegsado iska horimaadyo hubaysan oo gudaha dalka ah, halkii loo isticmaali lahaa ilaalinta midnimada iyo badbaadada shacabka. Waxaa si murugo leh loo arkaa ciidankii qaranka oo loo adeegsanayo loolanka gudaha, taas oo dhaawacaysa kalsoonida dadweynaha iyo rajadii laga qabay dowladnimo taam ah.
Waxaa intaas dheer, dalkeena oo weli ka soo kabanaya burbur dheer, isla markaana awood ahaan nugul, inuu wajahayo halis weyn oo uga imanaysa dalalka deriska ah ee ciidamadoodu gudaha dalka joogaan, iyadoo ay weliba taagan yihiin muranno xuduudeed oo xasaasi ah.
Xaaladdan oo kale waxay dalka u nugleynaysaa cadaadis dibadeed, waxaana fududaanaysa in laga faa’iidaysto kala qaybsanaanta gudaha, taas oo sii wiiqaysa madax-bannaanida iyo jiritaanka qarannimada. Sidoo kale, maanta ma jiro is-afgarad dhammaystiran oo ku saabsan nooca doorashada, habka loo qabanayo, iyo cidda hoggaaminaysa habraacaas. Xaalad lagu kala fogaaday, hubna la isu adeegsaday, ma ahan jawi munaasab ah oo lagu gorfeeyo dastuur ama lagu go’aamiyo masiirka doorashooyinka. Ka hadalka arrimahaas iyadoo aan la helin kalsooni iyo midnimo siyaasadeed waxay sii fogeynaysaa xal kasta oo waara.
Marka xaaladdu heerkaas marayso, waxaa caddaan ah in dagaal uusan xal horseedayn, in dhinac lala safto aysan dhibaatada dawaynayn, iyo in lagu adkaysto aragti gaar ah oo aan la wadaagin aysan marnaba xal noqonayn.
Xalka dhabta ah wuxuu ku jiraa in waxgaradka Soomaaliyeed isa saxaan, is maqlaan, kana gudbaan is-aamin darrada iyo kala shakiga ragaadiyay muddada dheer. Waxaa lagama maarmaan ah in la isugu yimaado shir qaran oo loo dhan yahay, lagana fogaado doodaha kala qaybinaya iyo ku amar-taaglaynta siyaasadeed, si diiradda loo saaro aayaha dalka, adkaynta midnimada, iyo dib u dhiska kalsoonida luntay.
Maanta, Soomaaliya waxay u baahan tahay wada-hadal dhab ah, isu-tanaasul, iyo aragti fog oo ka weyn dano kooxeed. Haddii aan si degdeg ah loo qaadin jidkaas nabadda iyo is-qaddarinta leh, khatarta soo socota waxay noqon kartaa mid ka xanuun badan wixii hore loo soo maray oo dhan. Dhaxalkeena Soomaaliyey, si gaar ah waxgaradka dalkow, ma quruxsannaa? Mise taariikhda ayaa ku qornaa dhacdooyin aan inoo naxiirsanayn dhallaankeenana uga taga uurku taallo ay la dhintaan?

