WQ: Xasan Mudane
Siyaasadda asalkeedu ma ahan shar iyo wax xun laakiin waa sida middi labo af leh, mar waxaa lagu burburin karaa bulsho dhan marne waa awood lagu abaabulo shacabka si loo dhiso mustaqbal wadajir ah. Marka ay siyaasaddu wanaagsanaato waxa ay abuurtaa jawi degan oo sahlaya in fikraduhu si nabad ah la isku weydaarsado, muwaaddin walba cabbiri karo heerkulka dareenkiisa, sidoo kale saameyn ku yeelan karo siyaasadda.
Dalkeenna waxa uu u baahan yahay hoggaamiye aragti dheer leh oo ka caafimaad qabo qabyaalad iyo xoolo uruursi. Wuxuu kaloo u baahan yahay dhallinyaro geesiyaal ah oo mustaqbalka isku diyaariya, siyaasaddane ka leh ujeeddooyin cad cad. Haddii kale waxaa siyaasadda ku badan doono kuwii uu Professor Paul Collier ku tilmaamay in ay yihiin maafiyo ku qafiiftay lacag iyo xukun jacayl.
Maqaalkan uma qorin in dhallinyarada aan ka niyad jabiyo ka mid noqoshada siyaasadda, balse waxaan u qoray in ay ku indho-furtaan, sidoo kale ay noqdaan kuwo u madaxbannaan fikirkooda, maskaxdanna aan laga qabsan. Si kale u dhig, waxaan ugu talaggalay in dhallinyarada ku cusub siyaasadda ee hamiga sare leh uu u noqdo xirsi xir siyaasadeed (political amulet), kaas oo ka buufiya nacabka.
Labada Sheydaan
Tobankii sano ee la soo dhaafay waxaan si dadban iyo si toos ahba ugu soo dhex jiray
siyaasadda. Waxaan ka mid ahaa dhallinyaradii masraxa is keentay ee ka qayb qaadatay ololihii doorashada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Waxaan ka bartay casharro siyaasadeed oo dib u qaabeeyey noloshayda. Intii aynu ku guda jirnay ololana waxaan indhahayga ku arkay dhallinyaro badan oo aad u xamaasadeysan, niyad sami leh, kuna rejo weynaa in la isku qiimeyn doono kartida, dadaalka iyo waxqabad.
Laakiin waxaan bartay oo aalt ogaaday in doorashada ka dib wax walba isbeddelayaan. Kuwii shalay xoqan jiray kaarka khibradda iyo odaytinimada ayaa markii Villa Somalia la tegay wejiga beddeshay, mujaamaleyn yo been been bilaabay.
Sidaas oo ay tahay, haddane weli ma qabo in laga niyadjabo siyaasadda laakiin waa in qofku cashar ka bartaa. Godkii shalay lagugu qaniinay mar kale ha u laaban.
Kuwii shalay beenta kuu sheegay ee jaranjarada kaa dhigtay mar kale yeesan ku sirin. Cagligu ha ku hoggaamiyo markan, caaddifaddana meel iska dhig.
Waxaan ku doodayaa in siyaasadda maanta ka jirta Soomaaliya maanta ay go’aaminayaan
labada sheydaan ee kala ah: qabyaalad iyo lacag.
Ololeyn vs Xukun
Waa muhiim in qofka dhallinyarada ah kala fahmo in farqi weyn u dhexeeyo marka bannaanka la joogo oo ololeyn lagu jiro iyo marka xukunka la helo (campaigning vs governing). Kuwa maanta ololeynta ku jira iyaga dhan waa wada faylasuufyo ka aqoon badan Plato, Aristotle, Karl Marx, iyo Ibnu Khaldun laakiin markay kursiga ku fadhiistaan waa kuwo kale.
Weji beddelashadu caadi ayay ka tahay siyaasadda dalkeena. Bal dhinac kale aan kaa tuso. Aragtida iyo qaddiyadda runta ah ee uu rumaysan yahay qofka aad u ololeyneyso waxay
bannaanka u soo bixi kartaa markuu xukun iyo awood helo. Inta ka horreysa waa iska sheeko.
Dhanka kale, talada ugu fiican ee aan ku sin karo waa in falashadaada aad yareyso. Ha ku tashan ballangaad kasta oo aad horay u heysatay xilligii doorashada, kuna taloggal in aad la kulmi doonto wax la dhaho “ha igu soo dhisin” iyo hebel ma isa soo aragteen.
Ugu dambeyn, qormada xigta waxaan kaga hadli doonaa in dhallinyarada aysan soo istaagin safka hore xilliga ololeynta doorashooyinka. Kuma qasbanid in aad bannaanka is keento oo aad dharka dhigato. Qofku waa in uu bartaa sida daaha gadaashiisa wax looga maamulo.
Xasan Mudane waa bare jaamacadeed oo ku takhsusay cilmiga siyaasadda. Waxa uu aasaase iyo agaasime guud ka yahay Machadka BPoL Academy oo lagu barto hoggaaminta siyaasadda. Kala xiriir: Mudanep5@gmail.com

