Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Itoobiya iyo Ereteriya waxay leeyihiin taariikh dheer oo colaado, is-aaminaad la’aan ku dhisan. Inkastoo 2018 heshiis nabadeed la saxiixay, haddana xaaladda hadda jirta waa mid kacsan, khilaafna mar kale
ayuu dib u soo laba-kacleeyay.

Bilowga Khilaafka cusub ee labada dal

Kadib dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray intii u dhaxaysay 2020 ilaa 2022, xiriirka u dhexeeya Itoobiya iyo Ereteriya wuxuu galay marxalad cusub oo daciifnimo iyo is-aaminaad la’aan ah.

Intii uu socday dagaalkaas, Ereteriya waxay si toos ah uga mid ahayd xulafadii militari ee taageeraysay dowladda Itoobiya, iyadoo ciidamo u dirtay gudaha dhulka Itoobiya. Taageeradaasi waxay xoojisay iskaashigii labada dal, balse waxay sidoo kale abuurtay muran iyo shaki siyaasadeed oo mustaqbalka saameyn ku yeeshay.

Markii dagaalku istaagay, halkii laga filayay in xiriirku sii xoogeysto, waxaa soo baxay kalsooni darro cusub oo la xiriirta dhowr arrimood oo xasaasi ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin: Marka hore, heshiiskii ay dowladda Itoobiya la gashay TPLF kadib dagaalkii Tigray ayaa Ereteriya ku abuuray dareen ah in laga reebay go’aan muhiim ah, islamarkaana cadowgii ay la wada dagaallameen dib loogu oggolaaday in ay sii jiraan

Qodob kale, Itoobiya waxay aaminsan tahay in Ereteriya ay fara-gelin ku hayso arrimaheeda gudaha, gaar ahaan iyadoo tuhunsan inay si dadban u saameyso xaaladaha amni ee gudaha dalka. Sidoo kale, Addis Ababa waxay weli qabtaa walaac ah in ciidamo Ereteriyaan ah ay ku sugan yihiin qaybo ka mid ah waqooyiga Itoobiya, gaar ahaan agagaarka xuduudda.

HANJABAADAHA IYO HADALADA KACSAN

Hadda xaaladdu waa mid xasaasi ah. Labada dhinac waxay wadaan hanjabaado iyo is-eedayn joogto ah.
Itoobiya waxay si cad ugu adkaysanaysaa in ay hesho marin ay ku gaarto Badda Cas, waxaana la rumeysan yahay in jihada ugu dhow ee arrintaas laga hirgelin karo ay tahay dhanka Ereteriya. Maalmihii iyo bilihii u dambeeyay, labada dowladood waxay kordhiyeen saanadda milatari ee ay dibadda ka soo iibsadaan, iyagoo sidoo kale ciidamo dheeraad ah u diray xuduudda u dhaxaysa labada dal. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, wuxuu ku celcelinayaa muhiimadda ay Itoobiya u leedahay in ay gaarto Badda Cas. Arrintan ayaa ka dhigan in khatarta dagaal aysan fogayn, inkastoo aan la ogeyn goorta ay xiisaddu isu beddeli karto iska horimaad toos ah.

CIIDANKA Ereteriya EE ITOOBIYA KU JIRA

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa 7-dii bishaan warqad rasmi ah u dirtay dowladda Ereteriya, taas oo lagu eedeynayo in ciidamo Eritrean ah ay si sharci darro ah ugu sugan yihiin gudaha Itoobiya, gaar ahaan xuduudaha waqooyi-bari iyo waqooyi-galbeed. Warqadda ayaa lagu sheegay in ciidamada Eritrea ay sameeyeen dhaqdhaqaaqyo militari iyo iskaashi ay la yeesheen kooxo fallaago ah, arrintaas oo Addis Ababa ku tilmaamtay gardarro toos ah.

Itoobiya waxay si rasmi ah u dalbatay in Ereteriya si degdeg ah ugala baxdo ciidamadeeda dhulka Itoobiya isla markaana joojiso dhammaan taageerada ay siiso kooxaha hubeysan.

Xulfada labada dhinac

Labada dhinacba waxay leeyihiin xulufo heer gobol iyo heer caalami ah. Dhinaca Ereteriya dalalka Masar iyo Sudan (gaar ahaan dowladda dhexe) ayaa loo arkaa xulufo dhow, maadaama ay wadaagaan dano istaraatiiji ah oo ka dhan ah Itoobiya.

Dhanka Imaaraatka Carabta ayaa lagu tilmaamaa xulufo dhaqaale iyo mid amni oo muhiim ah. Sidoo kale, kooxda Rapid Support Forces (RSF), inkastoo aysan ahayn dowlad rasmi ah, haddana waxaa itoobiya kala dhexeeya wada shaqayn toos ah.

Marka laga soo tago dalalkan, waxaa jira waddamo kale oo xiriir la leh labada dhinac, balse xulufooyinka ugu muuqda ee si degdeg ah uga falcelin kara haddii dagaal dhaco waa kuwa kor ku xusan.

Marka la eego xaaladda taagan, xiisadda u dhexeysa Itoobiya iyo Ereteriya waxay u sii dhawaanaysaa marxalad dagaal hubaysan oo labada dowladood dhex mara. Sidoo kale, damaca uu Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ku muujiyay helitaanka marin uu dalkiisu ku gaaro Badda Cas ayaa sii kordhinaya suurtagalnimada dagaal dhaca.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More