Madaxweynaha Maamulka Somaliland ayaa sannadkii labaad kulan wayne caalami ah kaga qaybgalaya dalka Isutaga Imaaraadka Carabta. Ka qaybgalkiisa sannadkan ayaa ka duwan marka loo eego midkii 2025. Markan Cabdiraxmaan Cirro ayaa kulankan ka qaybgalaya isagoo sheeganaya inuu yahay dal la aqoonsan yahay.
Haddaba, Somali Stream waxay baahinaysaa warbixin baaritaan ah oo ay Warbaahino caalami ah ka sameeyeen sida uu ku yimid xiriirka Soomaaliland iyo ISraial, sheekooyinka qarsoonaa ee lagu karkariyay qolalkii faxshiga ee Epstein, sida uu Guddoomiyaha DP World ee u ahaa adeegee fasahaad iyo shaqaale israiail, xiriirka uu la lahaa aabaha foolxumada caalamka uu ka sheekaynayo iyo waxa ku qornaa boqolaal Email oo dhexmaray labada nin ee maleegay foolxumada dalalka Islaamka saaqday labaatankii sano ee ugu danbeeyay.
Tanni waa warbixin ka jawaabaysa maxaa xilligan loogu soo beegay aqoonsiga maxaase la gudboon dadka Soomaaliyeed, si gaar ah dadka reer Somaliland. Tanni waa warbixin ka badhax la’a ra’ayigeena, waana qoraal baaritaaneed oo Maraykanka lagu daabacay. Waa raad raac, markhaatigiiisa wata, soo dhawaada. Aan ku bilowna
Himilada ISraaiiil ee Geeska iyo Adeegayaashooda Gacanka
Imaaraadka Carabta ayaa tobankii sano ee la soo dhaafay waday qorshe iyo hami weyn oo xambaarsan himilooyin fog oo israaill ka lahayd badda Cas, kuwaas oo ay ku doonayaan gacan ku haynta iyo saamaynta gobolka ballaaran ee ku teedsan badda.
Qorshahani wuxuu ka soo bilaabmanayaa xeebahooda Gacanka Carabta ilaa Geeska Afrika, wuxuuna gaarayaa meelo ka sii fog oo ka baxsan qaaradda Afrika. Abu Dhabi waxay si gaar ah xoogga u saaraysaa gacan ku haynta Badda Cas taas oo ah marinka ugu muhiimsan ee ganacsiga adduunka iyo isku xirka qaaradaha.
Si doonista ay wakiilka yihiin ee Israa’iil u fusho, kaddib gelista Imaaraadka ee isbahaysi dhagareedka uu la yeeshay Israa’iil, isagoo ujeedkoodu yahay gacan ku dhigista marrinada muhiimka, waxayna hadafkooda usii marayaan inay aqoonsi caalami ah u raadiyaan maamulka gooni-u-goosadka ah ee ka jira Soomaaliya (Somaliland). Tallaabadan oo markiiba la kulantay diidmo xooggan oo ka timid beesha caalamka, gaar ahaan Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta, kuwaas oo u arka mid wax u dhimaysa madax-bannaanida iyo midnimada dalka Soomaaliya.
Dhinaca kale, Abu Dhabi waxay u dhaqaaqday inay sidoo kale dhisto dawlad gooni-goosad ah oo ka hanaqaada Koonfurta Yemen, si ay gacanta ugu dhigto dekedaha muhiimka ah ee ku yaalla halkaas. Hase yeeshee, isku-daygoodii waxaa fashiliyay ciidamo ay taageerayso Riyaad, taas oo keentay inuu dhasho jawi kala shaki ah oo ka dhex dhashay Imaaraadka iyo Boqortooyada Sucuudi Carabiya oo ay deris iyo xulafo yihiin.
Meesha ay Abu Dhabi awooddaas oo dhan ka keentay ayaa lagu sheegay inay tahay fahamka xeeladaysan ee ah in miisaankooda awooddeeda kor loo qaado iyadoo la adeegsanayo farshaxanka iibsashada saamaynta ay ku dhex leeyihiin madaxda caalamka, gaar ahaan gudaha Washington. Halkan waa inaad xasuusanno inuu Imaaraadku balaayiin Doolar geliyo ololayaasha doorashada Maraykanka. Balse waa inaad ogaanaa inaan farsamaadaas oo dhan tahay jilliin oo cidda shaqadaas qabataa ay tahay Israa’iil taas Abu Dhabi ka dhigatay dal yare danaheeda u adeega, ayna kula jirto iskaashi istiraatiijiyadeed oo qoto dheer oo ay la leeyihiin Israa’iil, kaas oo si buuxda bannaanka ugu soo baxay markii la saxiixay Heshiiskii Abraham ee sanadkii 2020-kii.
Sheekada ku saabsan sida dawladan yar ee Khaliijka ah ay ugu dhawaatay Telaabiib weli si buuxda looma sheegin, balse xaqiiqooyinka soo baxaya ayaa tilmaamaya in Jeffrey Epstein uu kaalin muhiim ah ka ciyaaray tababaridda madaxda Imaaraadka iyo dhisidda xiriirka qarsoon ee labada dhinac.
Baaritaan gaar ah oo ay samaysay warbaahinta kalsoonida weyn lagu qabo ee Drop Site News ayaa baahisay iimaylo, qoraallo sir ah iyo sawirro gaar ah oo dhexmaray madaxda Imaaraadka iyo Jeffrey Epstein. Warbixintan waxay muujinaysaa xiriirka dhow ee uu Epstein la lahaa Suldaan Sulaym, madaxa awoodda badan ee boqortooyada maaliyadeed ee Dubai Ports World (DP World), kaas oo ah shakhsi saameyn weyn ku leh qoysaska xukuma Imaaraadka. Suldaan Sulaym wuxuu ahaa biriijka u dhexeeya danaha dhaqaale ee Dubai iyo qorshayaasha siyaasadeed ee qarsoon ee Epstein uu dhex-dhexaadinayay.
2. Aqoonsiga Somaliland iyo Doorka DP World ee Badda Cas
Bishii Diseembar 26, 2025, Israa’iil waxay noqotay dalkii ugu horreeyay ee u aqoonsada gobolka Soomaaliya ka go’ay ee “Somaliland” inuu yahay dowlad madax-bannaan. Aqoonsigan wuxuu ku yimid bayaan wadaag ah oo ay qaab teleefan ah u saxiixeen labada dhinac, kaas oo salka ku hayay “Ruuxda Heshiiskii Abraham.” Sida ay labada dhinacba xaqiijiyeen, tallaabadani ma ahayn mid lama filaan ah, in kasta oo ay haysan taageerada caalamka. Waxay ahayd shaqo soo socotay bilo badan oo ay isla agaasimeen madaxa DP World, Suldaan Sulaym, iyo saraakiil sare oo ka tirsan dawladda Israa’iil. Bishii Oktoobar ee isla sanadkaas, Suldaan Sulaym wuxuu shir caalami ah kaga faanay inay xaq tahay in Somaliland la aqoonsado, isagoo tikmaamay in boqolaal milyan oo doollar ay ku maalgashteen dekedda Berbera.
Tallaabada Israa’iil waxay ka caraysiisay Dawladda Federaalka Soomaaliya, waxayna horseedday cambaarayn caalami ah oo ka timid Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta. Aqoonsiga aan sharciga ahayn ee Somaliland wuxuu xoojinayaa joogitaanka iyo xarunta saadka ee Imaaraadka ee Berbera, halkaas oo Israa’iil ay hadda ka dhiseyso saldhig milatari. Ujeeddada saldhiggaas ayaa lagu sheegay inuu yahay mid looga difaacayo maraakiibta u raran ama ka timaada Israa’iil weerarada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalaha ee Xuutiyiinta Yemen. Dadaallada Israa’iil ay ku taageerayso maamulka Hargeysa waxay ku soo beegmayaan xilli Imaaraadku uu sii wado faragelinta badheedhka ah ee uu ku hayo Geeska Afrika, gaar ahaan taageerada uu siiyo Ciidanka Taageerada Degdegga ah (RSF) ee dalka Suudaan.
Qorshaha istiraatiijiyadeed ee Somaliland wuxuu calaamad u yahay cutub kale oo ka mid ah xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya Tellaabiib iyo Abu Dhabi. Labaatankii sano ee ugu dambeeyay noloshiisa, Jeffrey Epstein wuxuu ahaa buundo dibloomaasiyadeed oo aan rasmi ahayn oo u dhaxaysa labada dhinac. Xiriirkan ayaa u sii dhexmarayay saaxiibkiisa gaarka ah, maamulaha DP World iyo Lataliyaha Xaakimka Dubai, Suldaan Sulaym.
Epstein wuxuu xiiso weyn u qabay DP World, oo ah mid ka mid ah shirkadaha ugu weyn caalamka ee maamula kunteenarrada, taas oo gacanta ku haysa aagga xorta ah ee Jebel Ali (JAFZA) ee Dubai. JAFZA waa dekedda shisheeye ee ay ugu booqashada badan yihiin ciidanka badda ee Maraykanka, waana goob istiraatiijiyad weyn u leh amniga caalamiga ah.
3. Jeffrey Epstein iyo Saaxiibtinimada Suldaan Sulaym

Kaddib markii uu ka soo baxay xabsigiisii ugu horreeyay ee la xiriiray ka ganacsiga galmada carruurta sanadkii 2009-kii, Jeffrey Epstein wuxuu bilaabay inuu ku faano xiriirka uu la leeyahay “milkiilaha dekedda Jabuuti ee Geeska Afrika,” isagoo ugu yeeray goobtaas “janada tahriibka.” Dekedda Jabuuti waxay ahayd boosteejada kunteenarrada ee ugu weynayd ee DP World ku lahayd Afrika xilligaas, waxaana gacanta ku hayay Suldaan Sulaym.
Epstein wuxuu mar walba sheegan jiray in xiriirka uu la leeyahay Suldaan Sulaym uu ahaa mid aad u dhow, uuna isaga ahaa maskaxdii ka dambaysay heshiisyo badan oo caalami ah. Inkasta oo markii hore faallooyinka Epstein loo arkayay kuwo buunbuunin ah, haddana kaddib markii iimaylo badan oo la baahiyay ayaa xaqiijinaya run ahaanshiyaha sheegashadiisa.
Wada sheekaysiyada la baahiyay waxay muujinayaan xiriir aan caadi ahayn oo u dhexeeyay Epstein iyo Suldaan Sulaym ugu yaraan tan iyo sanadkii 2006 ilaa dhimashadiisii 2019. Xogtan oo laga helay akoonkiisii Yahoo-ga ee sirta ahaa, ayaa lagu ogaaday in Suldaan Sulaym iyo Epstein ay ahaayeen saaxiibbo aan kala harin. Inkasta oo Epstein uu ahaa saaxiib lagu kalsoon yahay oo la-taliye u ah Suldaan Sulaym, sida banaanka taallay, haddana xiriirkiisu wuxuu ahaa mid ka gudo-balaaran inta oo la ogyahay oo xataa ku fiday dhammaan qaybaha madaxda sare ee Imaaraadka. Wariye booqday guriga Epstein ee New York sanadkii 2013-kii ayaa soo bandhigay sawir ay ku wada jiraan Epstein iyo Mohammed bin Zayed (MBZ), iyagoo xidhan dharka badda, taas oo muujinaysa heerka dhowaanshaha qoyska boqortooyada iyo maal-galiyahaas fadeexadda aabaheed ahaa.
Tobannaankii sano ee ka horreeyay “caadi ka dhigista” xiriirka ee Heshiiskii Abraham, Israa’iil iyo Imaaraadku waxay si qarsoodi ah u dhisteen xiriir ballaaran oo dhinaca sirdoonka iyo ganacsiga ah. Heshiiska kaddib, xiriirkani wuxuu si buuxda uga soo baxay hooskii; duullimaadyadii tooska ahaa ayaa bilaabmay, ganacsiga labada dhinacna wuxuu dhaafay balaayiin doollar. Sanduuqyada maalgashiga ee Imaaraadka ayaa lacag badan ku maalgaliyay sirdoonka macmalka ah ee Israa’iil iyo shirkadaha difaaca. Inkasta oo Epstein uu dhintay sanad ka hor saxiixa heshiisyadan, dadaalladiisii qarsoonaa ee uu daaha gadaashiisa ka waday ayaa ka dhigay in labada dhinac ay yeeshaan aasaas adag oo iskaashi. Suldaan Sulaym wuxuu ahaa qofka xiriiriyay danaha Dubai iyo farsamada sirdoonka Israa’iil.
4. Fadeexaddii DP World ee Maraykanka iyo Bilowga Iskaashiga Cusub
Bilowgii sanadkii 2006, hoggaanka sare ee Imaaraadka Carabta ayaa si weyn loo bahdilay markii siyaasiyiin Mareykan ah ay ka hor istaageen shirkadda DP World inay la wareegto lix dekedood oo waaweyn oo ku yaalla gudaha Mareykanka. Tallaabadan ayaa isu beddeshay fadeexad weyn oo amniga qaranka la xiriirta, iyadoo shirkadda lagu qasbay inay ka laabato qorshaheeda. Sheikh Mohammed bin Zayed Al-Nahyan wuxuu xilligaas ku dhaartay in Imaaraadku uu si fiican ugu diyaargaroobi doono siyaasadda Mareykanka si looga fogaado ceeb kale. Kaddib fadeexaddaas, Suldaan Sulaym wuxuu bilaabay inuu raadiyo dad saameyn ku leh Washington oo gacan ka siin kara dhisidda xiriirro cusub, halkaas ayuuna ka soo galay Jeffrey Epstein.
Suldaan Sulaym wuxuu iimayl u diray Jeffrey Epstein si uu ugu diyaariyo kulan ka dhaca New York bishii Nofeembar 2006. Epstein, oo markaas ahaa nin albaabbada Washington iyo Tellaabiib u furan yihiin, wuxuu ku cadaadiyay Suldaan Sulaym inuu si degdeg ah u yimaado. Sanadkii xigay, markii Suldaan Sulaym loo magacaabay Guddoomiyaha DP World, shirkaddu waxay bilowday ballaarin caalami ah oo degdeg ah. Xiriirka u dhexeeya Suldaan Sulaym iyo Epstein wuxuu ka baxay kaliya mid ganacsi, wuxuuna isku beddelay mid shakhsi ah oo saaxiibtinimo qoto dheer leh. Bishii Nofeembar 2007, xitaa markii Epstein lagu soo oogay dacwado galmo, xiriirkoodu ma hakan.
Wada-hadallada iimayllada ayaa muujiyay in Suldaan Sulaym uu Epstein u diray farriimo ay ka muuqato is-faham dhow. Faxshiga labada nin dhexmaray waxaa soo bandhigay mid kamid ah cadaymaha la soo bandhigay, xilli uu Epstein saaxiibkii Suldaanka waydiiyay inuu mudadii uu xirnaa uu maqlay hadal-hayn suuqeed ku saabsan sheeko dhexmartay Sulaym iyo qof dumar ah oo ay isla garanayeen. Jawaabta uu bixiyay Suldanka DP world ayaase afkala qaad noqotay waxayna bannaanka keentay fal xumada xukunka Imaaraadka. Iyadu waxay rabtay xoogaa ganacsi ah, ana waxaan doonayay in yar oo galmo ah” waa hadal qowsaar oo xishoodkii laga fayday.

Jawaabta Epstein waxay ahayd mid dhiirrigelinaysa hab-dhaqankaas, isagoo ku yiri, “Ilaahay baa mahad leh, weli waxaa jira dad adiga oo kale ah.” Macnaha danta laga leeyahay galmo lagaga dhammaysan karo.
Epstein sidoo kale wuxuu gacan ka geystay tarjumaadda buugga hoggaamiyaha Dubai, isagoo siinayay Suldaan Sulaym talooyin ku saabsan sida loo soo jiito dadka ku hadla luuqadda Ingiriisiga. Xiriirkan wuxuu gaaray in Suldaan Sulaym uu noqdo qofka kaliya ee uu Epstein ku sifeeyay mid “isaga lamid ah oo doqon waalan ah inuusan arkin.”
5. Dhexdhexaadinta Ehud Barak iyo shirkadaha sirdoonka Internetka

Farriimaha laga helay akoonnada Yahoo ee Jeffrey Epstein waxay muujinayaan in xiriirka u dhexeeya isaga iyo Suldaan Sulaym uu si gaar ah u xoogaystay sanadkii 2010. Epstein wuxuu bilaabay dadaal qorshaysan oo uu ku xoojinayo xiriirka ka dhexeeya hoggaamiyeyaasha sare ee Israa’iil iyo kuwa Imaaraadka. Marar badan, Epstein wuxuu diyaariyay kulamo u dhexeeya Ehud Barak, oo ahaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee Israa’iil, iyo Suldaan Sulaym. Epstein wuxuu Barak u sheegay in Suldaan Sulaym uu yahay “gacanta midig ee Maktoum, Xaakima Dubai” uuna yahay qofka u furi kara albaabada Dubai iyo guud ahaan gobolka.
Sanadkii 2013, Epstein wuxuu isku dayay inuu fududeeyo heshiis uu Suldaan Sulaym ku maalgelinayo kaabayaasha saadka ee gudaha Israa’iil. In kasta oo Barak uu markii hore u arkay inay tahay arrin degdeg ah, haddana wuxuu ku dhiirrigeliyay Epstein inuu sii wado horumarinta xiriirka.
Sanadkii 2018, Suldaan Sulaym wuxuu Epstein u diray iimayl ku saabsan shirkadda Carbyne, oo ah shirkad Israa’iili ah oo ku takhasustay amniga internetka (cybersecurity), taas oo uu Epstein maalgeliyay, Ehud Barakna uu madax ka ahaa. Suldaan Sulaym wuxuu doonayay in farsamadan loogu adeegsado amniga Dubai iyo dekedda Jebel Ali ee ay maamusho DP World.
Xiriirkii uu Epstein dhexdhexaadiyay wuu sii xoogaystay, waxaana markii dambe soo baxday in maalgeliyeyaasha Imaaraadku ay si xawli ah ugu biireen Carbyne kaddib saxiixii Heshiiskii Abraham. Sannadkii 2024 iyo 2025, lacago badan oo ka yimid sanduuqyada maalgashiga ee Dubai iyo Abu Dhabi ayaa lagu shubay shirkaddan sirdoonka. Bogga maalgeliyeyaasha ee Carbyne hadda waxaa ka muuqda magaca Yuusuf Al Cutaybi, oo ah Safiirka Imaaraadka ee Mareykanka. Tani waxay caddayn u tahay in Suldaan Sulaym uu ahaa hormuudka isku xirka danaha amniga ee labada dal, isagoo tababar kasoo qaatay Epstain iyo qolalka xidhan ee jasiiradiisa la magac baday hoyga fasaadka.
6. Taariikhda Madow ee BCCI iyo Koritaanka Maaliyadeed ee Dubai

Laga bilaabo 1980-meeyadii, Imaaraadka Carabta wuxuu noqday xarun weyn oo loo sii maro badeecadaha sharci-darro ah ee adduunka. Isbeddelkan waxaa udub-dhexaad u ahaa Bangiga BCCI, oo lagu aasaasay raasamaal ka yimid qoyska Al-Nahyan. BCCI wuxuu sumcad ku helay inuu ahaa bangiga ay adeegsadaan hay’adaha sirdoonka iyo kooxaha dambiyada abaabulan si ay u qariyaan dhaqdhaqaaqyo sharci-darro ah sida tahriibinta hubka iyo daroogada. Intii lagu jiray koritaanka bangigan, Suldaan Sulaym wuxuu bilaabay inuu kaalin muhiim ah ka qaato horumarinta kaabayaasha maraakiibta iyo saadka ee Dubai.
Sanadkii 1985, Suldaan Sulaym waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha Aagga Xorta ah ee Jebel Ali (JAFZA). Meeshan waxay noqotay mid si weyn looga dhoofiyo badeecadaha sharci-darrada ah ee Afrika u socda, maadaama aysan marin kormeerka Qaramada Midoobay. Hubka, tubaakada, iyo dheemanka ayaa si joogto ah uga gudbi jiray dekedaha uu maamulo Suldaan Sulaym. 1990-meeyadii, ganacsadaha hubka ee Ruushka ah, Viktor Bout, wuxuu adeegsaday aagagga xorta ah ee Imaaraadka si uu hub ugu geeyo jabhadihii ka dagaallamayay Angola.
Markii cunaqabatayn lagu soo rogay dheemanka, Suldaan Sulaym wuxuu aasaasay Dubai Multi Commodities Center (DMCC) sanadkii 2002. DMCC waxay noqotay goobta rasmiga ah ee lagu shahaadeeyo dheemanka, taas oo u oggolaatay Dubai inay gacanta ku dhigto ganacsiga macdanta qaaliga ah ee ka timaada Afrika. Jeffrey Epstein qudhiisu wuxuu markii dambe ku faanay inuu hantidiisa ka helay hub iyo dheeman. Markii gurigiisa la baaray 2019-kii, waxaa laga helay dheeman badan oo la qiimeeyay intii u dhaxaysay 1998 ilaa 2004, xilli uu xiriir dhow la lahaa Suldaan Sulaym iyo dekedaha Dubai.
7. Isbahaysiga JPMorgan, Jho Low iyo Maalgelinta Qarsoon

Sanadkii 2009, Jeffrey Epstein wuxuu gacan ka geystay dhisidda xiriir dhow oo u dhexeeya Suldaan Sulaym iyo bangiga weyn ee JP Morgan. Epstein wuxuu diyaariyay kulammo u dhexeeya Suldaan Sulaym iyo Jes Staley, oo ahaa madax ka tirsan bangigaas, si JPMorgan uu u helo joogitaan xooggan gobolka Khaliijka.
Epstein wuxuu si dhow ula socday kulammadaas, isagoo Suldaan Sulaym u fududeeyay inuu helo saameyn maaliyadeed oo caalami ah. Isla xilligaas, Yuusuf Al Cutaybi, oo ah saaxiibka Suldaan Sulaym, wuxuu ku lug lahaa fadeexaddii 1MDB ee dalka Malaysia, isagoo la shaqeynayay Jho Low.
Iimaylo la baahiyay ayaa muujiyay in Otaiba uu amray in malaayiin doollar laga wareejiyo bangigiisa Swiss-ka loona wareejiyo JPMorgan. Lacagahan ayaa la aaminsan yahay inay qayb ka ahaayeen hantidii laga xaday dalka Malaysia. Otaiba iyo Suldaan Sulaym waxay ka wada shaqeynayeen sidii Imaaraadka loogu rogi lahaa xarun maaliyadeed oo aan la baari karin. Dhanka kale, Epstein wuxuu sii waday dhisidda xiriirka u dhexeeya shirkadaha sirdoonka Israa’iil iyo madaxda Imaaraadka, isagoo adeegsanaya xiriirka uu la leeyahay bangiyada caalamiga ah.
Safiirka Otaiba wuxuu sidoo kale gacan ka geystay inuu Israa’iil siiyo “dabool Carbeed” intii uu socday khilaafkii nukliyeerka ee Iiraan. Wada-shaqeynta qarsoon ee dhexmartay Otaiba, Suldaan Sulaym iyo saraakiisha Israa’iil waxay muujisay in danta guud ay tahay mid ka weyn siyaasadda muuqata. Markii Netanyahu uu khudbadda ka jeedinayay Congress-ka, xiriirka dhow ee labada dhinac wuxuu ahaa mid hore u hanaqaaday, in kasta oo uu ahaa mid qarsoon. Suldaan Sulaym wuxuu qayb muhiim ah ka ahaa isku-xirka dhaqaale ee ka dambeeyay isbeddelladan siyaasadeed.
Isbahaysiga istaraatiijiyadeed ee u dhexeeyay Imaaraadka iyo Israa’iil wuxuu yeeshay dhinac shakhsi ah markii Jeffrey Epstein uu gacan ka geystay in qoyska Suldaan Sulaym ay daryeel caafimaad ka helaan gudaha Israa’iil. Intii u dhaxaysay 2014 iyo 2017, Suldaan Sulaym wuxuu Epstein ka codsaday inuu ku xiro dhaqaatiir heer sare ah oo Israa’iili ah si loogu daweeyo gabadhiisa oo xanuunsatay. Epstein wuxuu u fududeeyay xiriirka uu la leeyahay dhakhtar neerfaha ah oo la yiraahdo Shai Efrati, kaas oo ku takhasusay daaweynta ogsijiinta cadaadiska sare.
Iimaylo la sii daayay sanadkii 2025 ayaa muujiyay in Suldaan Sulaym uu helay adeegyo caafimaad oo isaga iyo qoyskiisa loogu sameeyay Isbitaalka Shamir ee Israa’iil. Tani waxay muujinaysaa heerka sare ee kalsoonida ee u dhexaysay Suldaan Sulaym iyo Jeffrey Epstein.

Saaxiibtinimadan waxay gaartay in Suldaan Sulaym uu talo ka weydiiyo Epstein xitaa sida uu ula dhaqmi lahaa Donald Trump markii la doortay. Dhamaadkii nolosha Epstein, xiriirka uu la lahaa Suldaan Sulaym wuxuu ahaa mid dhinac walba taabanaya—ganacsi, amni, iyo arrimo qoys.
Dhimashadii Jeffrey Epstein kaddib, xiriirka uu abuuray ee u dhexeeya Dubai iyo Tellaabiib wuxuu noqday mid rasmi ah. Heshiiskii Abraham wuxuu ahaa mid midho-dhal u ah shaqadii uu Epstein mudada dheer ka qabanayay daaha gadaashiisa.
Maanta, DP World iyo Suldaan Sulaym waxay sii wadaan ballaarinta saameynta Imaaraadka iyagoo garabsanaya sirdoonka iyo farsamada Israa’iil, taas oo beddeshay khariidadda siyaasadeed ee Geeska Afrika iyo bariga dhexe. Xiriirkan qarsoonaa ee hadda soo shaac-baxay wuxuu sawir ka bixinayaa sida awoodaha caalamiga ah loogu dhisay saaxiibtinimo iyo dano qarsoon.
Sikastaba ha ahaatee, Warbixintan oo caddaymo wadata oo diyaariyay Drop Site news iyadoo caddaymo badan wadata waxay daaha ka rogtay xiriir madow oo ka dhashay saaxiibtinimo dhexmartay Suldaan Sulaym iyo ninka lagu tilmaamo hoggaamiyaha fasahaadka adduunka ugu weyn, Jeffrey Epstein. Xiriirkan oo ka soo bilowday wasakh iyo faxshi, wuxuu markii dambe isu beddelay isbahaysi istiraatiijiyadeed oo si dadban ugu adeegayay dawladda Israa’iil, kaas oo saameyn weyn ku yeeshay masiirka dhulka Soomaaliyeed.
Maamulka Somaliland ayaa si aan ka fiirsi lahayn u galay heshiisyo dhinac kasta ah, iyagoo shacabka ka qariyay xaqiiqada dhabta ah ee ka dambeysa maalgashiga DP World (Dubai Ports World) iyo aqoonsiga ay Israa’iil ballan qaadday.
Waxaa caddaatay in heshiisyadaas aysan ahayn kuwo horumar dhaqaale oo keliya ku qotoma, balse ay ahaayeen qorshe ballaaran oo ay dabada ka riixayeen shakhsiyaad iyo hay’ado caalami ah oo u adeegayay danaha Tellaabiib ee Badda Cas.
Sidoo kale, doorka Yuusuf Alcutaybi iyo saaxiibadiisa ku lug leh fadeexadaha maaliyadeed ee caalamiga ah, waxay muujinaysaa in go’aannada masiiriga ah ee Geeska Afrika ay qayb ka yihiin shabakad ku lammaan lacag-dhaqid iyo is-daba-marin.
Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool deegaannada maamulka Somaliland, waxaa laga qariyay in masiirkooda loo gacan geliyay shirkado iyo dad xiriir dhow la lahaa dambiilayaal caalami ah oo ku eedaysan xumaan kasta oo ku qoran qaamuuska luqadaha adduunka oo dhan.

