W/Q: Cabdinuur Maxamed Axmed
Afar maalin kahor ayaan helay martiqaadka ka qaybgalka munaasabadda caana-shubka Ugaaska Beesha Galdogob, Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed. Habeenkii Sabtida ayaa wacay saaxiibkey Xildhibaan hore Cabdirashiid Daahir Gaboobe oo casuumaadda isoo gaarsiiyay si aan ugu xaqiijiyo diyaar ahaanshahayga.
Ballan habeenimo, jarmaado arooryaad leh e, salaaddii subax markii aan tukaday ayaa dhaqaaqay. Ma sugin wicitaankiisa ee waxaan u sheegay inaan diyaar ku ahay meel aan ka fogayn afaafka hore ee Garoonka Aadan Cabdulle. Markii Saaxiibkay ii yimid, gudaha qeybta ay ka baxaan duullimaadyada maxalliga ah ayaan usii gudubnay, nus saac kaddibna waxaa u jihaysanay inaan diyaaradda fuulno.
Waxaa la gaaray waqtigii kicitaanka, duuliyihii ayaa dadka siiyay tilmaamaha safarka, diyaaraddiina waxay ilbiriqsiyo keddib la baxday baalasheeda. Asxaab badan ayaa ishaydu qabatay oo safar ah, waxaana ugu mudnaa Ugaas Maxamed Ugaas Axmed Ugaas Kayse, Ugaaska beesha Sadde iyo wafdi ballaaran oo la socday.
Muddo saacad iyo dheeraad ah markii aan hawada ku safraynay Diyaaraddii aan la soconnay waxay caga dhigatay Galdogob abbaaro 8dii aroornimo. Soo dhawayn diirran, marxabayn iyo laab galin ayaa nalagu qaabilay.
Kolonyadii waxay toos noo geeyeen hoolkii caana shubka. Intii aan jidka sii haynay, waxaan aragnay kumannaan qof oo reer Galdogob ah oo u sii lugaynayo goobta iyo dhallinyaro gabdho iyo wiilal ah oo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo amniga sugaya.
Hoolka hortiisa oo ahaa Teendho wayn oo dhisay waxaa lagu qaybinayaa biyo, caano iyo shaah. waxaa nala fariisiyay dhismayaal balbalooyin ah oo ka agdhisnaa oo lagu diyaariyay quraacdii martida. Hilib, kurus, beer, fuud iyo ceesh kale ninba kii u macaan buu afka gaarsiinayaa.
Aragaygii koowaadba, waxaa arkay quraac saf ah oo nidaamsan oo aan waxba ka dhinnayn, haddana aysan jirin buuq iyo dad isdaba maraya. Markaas ayaa hoosta ka xariiqay in munaasabadu tahay mid martisoor-san oo muwaafaqo leh. Gob iyo caadeed dheh!
Walqal Ugaas ku af-furnay, kaddibna martidii loo dareerii hoolkii. Mudan kastaba meeshiisii la fariisi. Cajiib waxaa ila noqotay in hoolka aan dumar badan soogelin, hadal ku lahayn, haddana ay sidaas raalli ku ahaayeen. Halkan kama jirin qoondada haweenka. In kooban oo mashxarad ku dhufanayay ayaa meel gees ah oo ka fog seeraha hore la keenay. Waa hawl rag oo keliya ducada hooyooyinka iyo hablaha ayaa wehelisay.
Waqti lagu dhawyahay furitaanka madasha, waxaa soo caga dhigatay diyaaradii siday wafdi Federaal ah oo uu horkacayo Guddoomiye Xigeenka Labaad ee Baarlamaanka, Senator Cabdilaahi Cali Xirsi (Tima-Cadde). Hoolkii la soo geli, hase ahaatee kuraastii maqaamkooda ahaa waa buuxday. Iyada oo la is eeg-eegayo ayaa Madaxwaynaha Puntland amray in wafdida la fariisiyo oo la siiyo mudnaantooda. Waxaa uga kacay Wasiiradii Puntland oo xafladda bannaanka uga baxay. Waxay noqotay tilmaan wanaagsan iyo tusaale muujinaya sida reer Puntland, shacab iyo maamulba, ay uga go’nayd in xafladdu ku qabsoonto jawi dagan iyo dareen suubban. Marti waa loo kacaa, Puntland-na waa milgeysay.
Munaasabada oo ahayd mid dhaqan, waxaa halhaysaa u ahaa labadii ragu ka ballami jiray Nabad iyo Caano. Ma qarsoonayn baahida Mudug iyo Galdogobba u hayeen Raxmad Eebbe iyo Nabad ay kuwada daaqaan. Dadkii ka qaybgalayna waa la jeclaayeen. Waa sababta caana shubka kelmad kasta oo laga jeediyay ay ugu jirtay, Nabad, Heshiis, Duco, Iskaalmaysi, Mudug, Galmudug, Beelaha oodwadaagta ah ee Sacad iyo Leelkase. Waa halka isoo jiidatay oo aan qalinka ugu qaatay qormadan.
Geesi waa kii garta goorta/goobta looga baahan yahay
Nabadda ayaa ahayd wixii loo duubay Ugaaska, caanashubkiisa ayaana ahaa dhawaaq nabdeed oo marag loo sameeyay. Inkasta oo isim kasta nabad loo duubo marka dhaqanka Soomaalida la hiddo raaco, haddana haan guntaa laga tolaa. Ammintan la joogay Ugaas Cabdiraxmaanna cimaamadkiisu waxaa uu weel qaadayay nabadda reerkiisa, si gaar ah tan Leelkase iyo Sacad.
Inkasta oo munaasabaddu ku koobnayd caanashubka iyo ducada Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed iyo hambalyada loo dirayay Beelaha Leelkase oo casuumay ergada faraha badan, haddan dhawr jeer waxaa dareenka loo weeciyay in masuuliyadda culus ee Ugaaska cusub saaran ay tahay sidii nabad loogu soo dabbaali lahaa Gobolka Mudug oo ay Sacad iyo Leelkase kamid yihiin beelaha mudan in si degdeg ah colaaddooda loo dhammeeyo.
Dhanka Beesha Sacad, waxaa ka joogay wafdi culus oo dhaqan iyo siyaasiba lahaa. Senator Cabdiqaybdiid, Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad oo laba Mudane Baarlamaan Federaal ah, Siyaasi Liibaan Axmed Xasan (Shuluq) iyo Suldaan Cabdinaasir Seed oo si codkarnimo leh meesha uga khudbeeyay ayaa fadhiyay. Joogistoodu waxay ahayd muujinta ehelnimo iyo nabad-doonimo ee labada beelood ka dhaxeeya.Ka sakoow, martida joogtay Galdogob oo aan sheegay, waxaa jiray magac aan joogin oo haddana muuqday; Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.
Maqaawiirtii meesha ka hadashay oo isugu jiray siyaasiyiin iyo dhaqanka waxay mar walba afka ku dhufanayeen magaca Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo goobta ka maqnaa inuu kaalintiisa nabadda qaato. Dadka qaar waxayba moodayeen inuu joogaba. Xitaa xiriiriyihii munaasabadda, Wasiir hore Cabdirashiid Khaliif Xaashi, wuxuu Madaxwaynaha Puntland ugu yayeeray Madaxwaynaha Galmudug (Waa la wada qoslay), waloow uu uga dabbaashay in maanta lagu dhaqmayo xeer uu u bixiyay Hab-mamuuska galdogob (Galdogob Protocol), kana cudur daartay hadalkaas carrabku xaday. Carrabku wuxuu qiraa waxa laabta ku jira!
Madaxweyne Qoorqoor muuqiisa waa ka maqnaa hoolka caleemasaarka, balse waa joogay marka la eego dareenka iyo ruuxda dadkii halkaa joogay iyo hamuunta loo qabay ka qeybgalkiisa xafladdan taariikhiga ah. Waxaase marag ma doonta ah, guud ahaan Puntland iyo gaar ahaan reer Galdogob inay muujiyeen in Axmed Qoorqoor oo kaalin muuqata ka qaatay in colaaddii magaalada Galkacyo ka jiri jirtay loo baddalay fursad is dhexgal, is aaminaad iyo wax wada qabsi.
Mudadii xafladdu socotay, waxaa jirtay mar uu codka naga go’ay korontada oo tagtay awaadeed, waa markii aan si gaar ah u xasuustay, waxqabadka aan la sheegin ee Qoorqoor. Aan dib kuu celiyo e, xilligii lagu qabanayay Madashii Aragti Wadaaga Machadka Heritage magaalada Dhuusamareeb ayaan fursad u helay inaan 5 sano keddib ku laabto caasimadda Galmudug. Markan waxaa tegayaa aniga oo shacab ah, xil hayn, socodkaygu xadidnayn, magaaladana aan marti ku ahayn.
Waxii koowaad ee aan arkaba waxay ahayd, diyaaradda oo caga dhigatay Garoonka diyaaradeed oo dhammeystirmaya, jidad dhawr ah oo dhisme ku socdo oo gebogebo ah, Xarun Madaxtooyo oo casri ah iyo Aqal Barlamaan oo si heersare ah loo qaabeeyay, loona qalabeeyay. Markii ay korontada ka tagtay Hoolka caana shubka oo ay mararka qaar sameecadaha shaqayn waayeen waxaan dib usoo xasuustay sameecadihii iyo makarafoonadii Xarunta Barlamaanka Galmudug oo si casri ah loo hagaajiyay.
Maalinkaas filan waa ayay igu noqotay shaqada uu Qoorqoor ka qabtay Galmudug ee dhanka casriyeyta magaalada sida dhismaha xarumo dowladeed, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo dhanka horumarinta nabadda. Waa tii uu hore u yiri “qoryihii, yaanbo ayaan ka tumannay.” Allaylehe, horumar muuqda ayuu u jiheeyay Galmudugta cusub!
Hadal-haynta QoorQoor ayaa faalladaas kore igu celisaye, dhab ahaanse nin maqan tebistiisu waa nin jooga ceebtiis ayaa hore loo yiri, tani se saas ma ahayn. Waxay ahayd qiraal iyo baaq Axmed Kaariye loo dirayo. Nabadda Mudug gacantii Galdogob inay diyaar u tahay ee dhankiisa la sugayo.
Dhab ahaantii, haddii uu Qoorqoor Galdogob imaan lahaa, waxay sii adkayn lahayd hal-hayskiisii ahaa “Waayo-arag isku wadi karo,” oo haatan fahamkiisu dhaboobay, lagana qiray Galdogob, Galkacyo ilaa Gobolka Sool. Cajiibse waxaa ahayd in maqnaanshihiisu uu noqday “Maqane-Jooga” oo ka muuq dheer madaxdii fadhiday ee ku ayniga ahayd waayo “meel bannaan nin baa ka muuqda, meel buuxdana magac baa ka muuqda.” Hadal-haynta Isimada iyo waxgaradkii afka ku hayay waxay marag u tahay miisaankiisa hoggaamineed. Haddii uu dhab ahaan uga shaqeeyo filashada laga qabo, waxaa hubaal ah in magaca uu maqnaanta ku sameeyay ay sii joogistiisa Galmudug sii dheeraynayso, Galmudugna ay haatan u muuqata goobta qura ee lagu soo afjari karo goolaaftan siyaasadeed ee ka dhex jira Xukuumadda Federaalka iyo Madasha Mustaqbalka, sidii 5 sano kahorba loogu xalliyay culeysyadii siyaasadeed ee dalka ka jiray. Geesi waa kii yaqaan goorta loo baahan yahay.
Gunaanad iyo Duco
Aan cudurdaarto e, waa kaaga mahadcelin haddii aad halkan ila soo gaartay. Ma dhammayn karo dhacdooyinkii Galdodogob, ee aan u safray, hase ahaatee intan aan kusoo xirno socdaalkeenii. Waxaa maamuus iyo milgo mudan Reer Galdogob oo muujiyay in “guri kasta martidiisu iska leedahay,” martisoor iyo maamuusna ay ku sifoobeen.
Waxaan Allaah uga baryaynaa Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed inuu xilka ku asturo, uuna noqdo kii dadka iyo dalkaba ku haga nabad iyo barwaaqo. Ururiye, Uur iyo Af-san Eebbe haka dhigo.Gobolka Mudug iyo guud ahaan Soomaaliyeey, waxaan idiin rajaynaynaa wadajir iyo barwaaqo waarta. Wadijira oo Is-weheshada Walaalayaal.
Waa inoo markale iyo madalkale.

