Tiirka aasaasiga ah ee dowladnimo kasta oo hanaqaad ah waa dhismaha garsoor madax-bannaan oo ka hufan hadhka siyaasadda, Soomaaliya oo kujirtay xaalad dowlad dhis oo gaabis waxay la tacaalaysay muddooyinkii ugu danbeeyay nuglaanta Garsoorka. Inkasta oo habacsanaanta cadaalada Soomaaliya kala mid ahayd hay’adaha kale ee dowladda, haddana mudadii uu xafiiska hayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa soo shaac-baxay sawir muujinaya in caddaaladdu ay dhexda kaga jirto loolan saameyn iyo faragelin ah.
In kasta oo sharcigu yahay marjaca u sarreeya qaranka, haddana dhacdooyinka is-daba-joogga ah ee dalka ka dhacay 4-tii sano ee ugu danbeyay waxay dhaawac weyn u geysteen kalsoonidii lagu qabi lahaa dhexdhexaadnimada maxkamadaha, iyadoo ay muuqato in go’aannada sharciga ahi ay marar badan u janjeeraan jihada ay u dhacayso dabeysha siyaasadda ee madaxtooyada.
Warbixintan, waxaa ku eegaynaa Saddax kiis oo Maxkamadaha dalka ka dhigay kuwa magacooda aan ammaan loo haynin.
1. Curyaaminta Xukunnada iyo Is-khilaafka hay’adaha dowladda
Sumcadda hay’adaha garsoorka waxay wajahday tijaabadii ugu horreysay ee uga adkayd markii si cad la isaga indha-tiray xukunnadii ka soo baxay Maxkamadda Gobolka Banaadir ee ka dhanka ahaa xubno ka tirsan Hay’adda Sahan Research.
In kasta oo lagu helay Sahan iyo kooxdeeda eedeymo culus oo la xiriira sirdoon iyo faafinta sirtii qaranka, laguna xukumay xabsi muddo dheer ah, haddana casuumaaddii heerka madaxtooyo ee loo fidiyay Rashiid Abdi mid ka mid ah eedeysanayaashaas xilligii caleema-saarka madaxweyne Xasan Sheek May, 2022 waxay muujisay in rabitaanka fulintu uu ka awood badanyahay go’aanka garsoorka.
Tani kaliya ma duminin haybaddii maxkamadda, balse waxay fariin niyad-jab ah u dirtay muwaadiniinta, iyadoo muujinaysa in xiriirka dhow ee madaxtooyadu aad la leedahay uu ka dhigan yahay gaashaan lagaga badbaado seef-qaadka sharciga.
2. Aaladaynta Sharciga iyo Danaha Siyaasadeed
ka laabashada degdegga ah ee waarankii xarigga ee laga soo saaray Madaxweynaha dowlad-goboleedyka Juvaland Axmed Madoobe, waxay xoojisay shakiga laga qabo in garsoorku uu noqday aalad loo adeegsado cadaadiska ama soo xero-gelinta siyaasiyiinta ka horjeeda nidaamka.
Isbedbedelka go’aannada maxkamadeed ee ku xiran hadba halka ee ku qotomo jacaylka siyaasadeed ee Villa Somalia waxay hoos u dhigtay miisaankii sharciga, iyadoo garsoorka u muujisay inuu yahay qayb ka mid ah farsamada gorgortanka siyaasadeed halkii uu ka ahaan lahaa darbiga difaaca xaquuqda iyo sinnaanta.
3-Luminta dhexdhexaadnimada iyo Khatarta Dumitaanka Garsoorka
Fal gabi ahaanba dhabar-jab ku ah anshaxa garsoorka ayaa ah markii madaxda ugu sarreysa ee dhowritaanka sharciga, sida Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ay si toos ah uga soo muuqdaan fagaarayaasha iyo shirarka siyaasadeed ee lagu go’aaminayo masiirka dalka ama laga leeyahay ujeedooyinka iska soo horjeeda.
Ka qaybgalka madaxdaas ee doodaha siyaasiga ah ee muranku ka jiro waxay burburinaysaa sawirkii dhexdhexaadnimo ee looga baahnaa garsoorka, taasoo horseedaysa in shacabku u arkaan hay’addii caddaaladda mid u adeeggq dano kooxeed ama mabda’ gaar ah.
Sikastaba, haddii garsoorku uusan ka madax-bannaanayn faragelinta madaxtooyada, dalku wuxuu wajahayaa khatar ah inuu u xuub-siibto nidaam ku dhisan rabitaanka shaqsi halkii uu ka ahaan lahaa nidaam ku dhisan sarreynta sharciga. Burburka kalsoonida ee u dhaxeysa shacabka iyo hay’adaha caddaaladdu waa bilowga daciifnimada dowladnimada, waxaana lagama maarmaan ah in dib loo soo celiyo xurmadii iyo madax-bannaanidii uu lahaa garsoorka si loo xaqiijiyo mustaqbal ay dadku u siman yihiin sharciga hortiisa.

