Afar khabiir oo Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqda aadanaha ayaa cambaareeyay xannibaaddaha badeed ee Maraykanku saarey Venezuela, iyaga oo ku tilmaamay weerar ciidan oo sharci-darro ah, islamarkaana ugu baaqay Kongareeska Maraykanka inuu arrinta farageliyo.
Khabiiradan oo kala ah Ben Saul, oo ah weriye gaar ah oo ka shaqeeya ilaalinta xuquuqda aadanaha inta lagu jiro la-dagaallanka “argagixisada”; George Katrougalos, oo ah khabiir ku takhasusay horumarinta nidaam caalamiga ah ee dimuqraadi ah, Surya Deva, oo ah khabiir arrimaha horumarinta iyo Gina Romero, oo ah weriyaha gaar ah ee u qaabilsan xuquuqda isu-imaatinka nabadeed iyo ururrada ayaa bayaan ay si wada jir ah u soo saareen ku yidhi “Ma jiro wax xaq ah oo oggolaanaya in cunaqabateyn hal-dhinac ah lagu fuliyo xannibaad hubeysan,”
Maraykanka ayaa ku daabulay ciidan milatari oo ballaadhan Badda Caribbean-ka, wuxuuna hakiyay maraakiib shidaal ah, taasoo qeyb ka ah xannibaad badeed oo ka dhan ah maraakiibta Venezuela oo uu u arko kuwo hoos yimaada cunaqabateynta.
Khubaradu waxayna intaas ku dareen in xannibaaddu noocani ay tahay isticmaal ciidan oo mamnuuc ah marka loo eego Axdiga Qaramada Midoobay.
“Waa isticmaal awood ciidan oo aad u culus, taasoo si cad loogu aqoonsaday weerar hubeysan oo sharci-darro ah sida ku cad Qeexitaanka Weerarka ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee sanadkii 1974,” ayay yidhaahdeen.
“Isticmaalka sharci-darrada ah ee xoogga, iyo hanjabaadaha la xidhiidha adeegsiga xoog kale oo badeed iyo mid dhul ah, waxay si halis ah khatar ugu yihiin xuquuqda nolosha iyo xuquuqo kale oo ka jira Venezuela iyo guud ahaan gobolka.”
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku eedeeya Venezuela inay shidaalka – oo ah kheyraadka ugu weyn ee dalalka Koonfur Ameerika – ay u adeegsato maalgelinta waxa uu ugu yeedhey “narcoterrorism| ka ganacsiga dadka, dilal iyo afduub”.
Venezuela ayaa si cad u diiday eedeymahaas, waxayna sheegtay in Washington ay doonayso inay xukunka ka tuurto Madaxweyne Nicolas Maduro si ay ula wareegto keydka shidaalka Venezuela, oo ah kan ugu weyn dunida.
Tan iyo bishii Sebtembar, ciidamada Maraykanka ayaa fuliyay weerarro cirka ah oo tobaneeyo ah oo lala beegsaday doomo ay Washington ku eedeysay inay sideen daroogo, hase yeeshee ma aysan soo bandhigin wax caddeyn ah. Weerarradan ayaa la sheegay inay ku dhinteen in ka badan 100 qof.
Waxay sidoo kale khuburadu ugu baaqeen dalalka caalamka inay qaadaan tallaabooyin lagu joojinayo xannibaadda iyo dilalka sharci-darrada ah, isla markaana dembiilayaasha cadaaladda lagu horkeeno.

