Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa la filayaa inuu 21-ka bishan booqasho rasmi ah ku tago magaalada Abu Dhabi, halkaas oo uu kulan kula yeelan doono hoggaamiyaha Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan.
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in kulankaasi diiradda lagu saari doono xiriirka istiraatiijiga ah ee Faransiiska iyo Imaaraadka, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha iyo xoojinta saameynta labada dal ay ku leeyihiin Geeska Afrika.
Itoobiya waa dalka kaliya ee qaaradda Afrika ee Faransiiska iyo Imaaraadku si wadajir ah uga howlgalaan , iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu labadan dal u arko tiirar muhiim ah oo uu ku gaari karo damiciisa ku aaddan helitaanka marin Biyoodka Badda Cas.
Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli gobolka Geeska Afrika uu wajahayo loolan siyaasadeed iyo mid istiraatiijiiyadeed oo u dhaxeeya Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta taasoo ka dhalan karta saameyn toos ah oo ku timaadda dalalka deriska, gaar ahaan kuwa ku yaalla Badda Cas.

