Sida ku cad warqadda codsiga ee loo diray Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sucuudiga, kuna taariikhaysan 11ka Diseembar 2025, Maxamed Ammiin Sheekh Cusmaan ayaa noqonayaa Danjiraha Idman iyo Safiirka Safaaradda ee Riyaad.
Magacaabista Maxamed Amiin, oo haatan ah Agaasime Ku Xigeenka Madaxtooyada ayaa timid keddib markii Dowladda Sucuudiga ay muddo saddex bilood ah ay kasoo jawaabi wayday codsi hore oo loo gudbiyay in booskaas uu buuxiyo Danjire Cumar Idriis Sheekh Cali oo hore ugu magacawnaa dalka Eritrea.
Warqadda la diray waxaa sidoo kale lagu xusay in Danjire Maxamed Amiin uu beddelayo Danjire Aweys Xaaji Yuusuf oo dhawaan loo magacaabay inuu noqdo La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Magacaabista Danjire Amiin ayaa timid xilli bilihi ugu dambeeyay uu jahwareer maamul ka jiray Madaxtooyada Qaranka taasoo sababtay in saddex xubnood oo uu isaga kamid yahay lagu sameeyay shaqo joojin toddobaadyo ah, inkastoo markii dambe shaqada lagu soo celiyay.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa haatan xoogga saaraya inuu saaxiibadiisa ugu muhiimsan ku meeleeyo safaarado istiraatiijiga ah kuwaasoo ka gacansiin kara socodsiinta siyaasadda uu dalka ku wado, Sucuudiguna ahmiyad wayn ayuu siinayaa marka la eego saddexdii magacaabis ee u dambeysay ee uu sameeyay.

