Israel ayaa ku dhawaaqday Talaadadii bilowga howlgalkeedii mudada dheer ay hadal haysay ee weerarka dhulka ahaa, kaas oo ay ka wado Magaalada Gaza, iyadoo ku dhawaaqday “Gaza way gubanaysaa.” Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Israel ayaa sheegay in Ciidamada Difaaca Israel (IDF) ay bilaabeen heerka ugu weyn ee howlgalkooda dhulka ah ee Magaalada Gaza, oo ah xarunta ugu weyn ee magaaloyinka gobolka, halkaas oo Israel ay ku amartay boqolaal kun oo qof oo degan inay ka qaxaan.
Ciidamada Difaaca Israel (IDF) ayaa bixiyay faahfaahin kooban, iyagoo sheegay in ciidamadoodu ay bilaabeen ” Burburinta kaabayaasha mintidiinta ee Xamas ee Magaalada Gaza.”
“Gaza way gubanaysaa,” ayuu Wasiirka Difaaca Israel, Israel Katz, ku qoray bartiisa X. “IDF waxay ku dhufaneysaa feedh bir ah kaabayaasha argagixisada, askarta IDF-na waxay si geesinimo leh ugu dagaalamayaan sidii ay u abuuri lahaayeen xaalado lagu sii dayn karo afduubyada lagana adkaan karo Xamas.” waa siduu hadalka u dhigaye.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in duqeynta magaalada si weyn loo kordhiyay labadii maalmood ee la soo dhaafay, iyadoo qaraxyo waaweyn ay burburiyeen tobanaan guri, doomaha badda ayaa ku biiray taangiyada iyo diyaaradaha duqeynta hore uga gaysanayay xeebaha magaalada.
Tan ayaa imaaneysa xilli wadamada Islaamka ah shirar cambaareyn kusoo idlaadeyn uga socdo magaalada Doxa, iyadoo ay Doxa marti galisey weerar ka dhan ah oo israel horaantii tobodaadkan ku ekaysay. qaramada midoobey iyo quwadaha caalamka ayaa dhanka kale ka indho qarsadey weerarada joogtada ah ee lagu gumaado shacabka reer Gaza, Israel ayaana wali dhanka kale wax cadaadis ah kala kulmin xadgudubyada ay ka gaysatay gacanka Gaza.

