Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki oo wareysi dheer oo dhawr qeybood ah bixiyay ayaa ku weeraray Dowladda Imaaraadka Carabta, isaga oo ku tilmaamay mid khatar ku ah jiritaanka madaxbannaanida Soomaaliya, ayna UAE tahay dal horgal u ah Israel oo doonaysa inay gacanta ku dhigto saameynta dalalka dhaca marinka Badda Cas.
Isaga oo ka hadlayay qeyb labaad oo wareysi dhinacyo badan taabanaya ah oo ku saabsan dagaallada Suudaan, laguna faafiyay shabakadda Shabait ee Dowladda, ayuu Afwerki dhawr jeer soo hadal qaaday sida Imaaradaka Carabtu uu lid ugu yahay danaha gobolka, wuxuuna ku eedeeyay in Abu Dhabi ay gabbaad ka dhiganayso horumarinta dekadaha iyada oo balaayiin doollar ku shubaysa dekedo ay kamid tahay Berbera oo Somaliland ah. Wuxuu intaas raaciyay in mashruucan oo lagu sheegay in la maalgelinayo dekedo laga soo bilaabo Kanaalka Suez, Muqdisho, Daara Salaam ilaa meelo ka fog uu yahay mid dano gurracan laga leeyahay.
Afwerki ayaa dood galiyay sharciyadda faragelintan lagu soo dhuumanayo maalgelin dekedeed. “Dekedaha cid leh ma jirto miyaa? Ma xukuumado ayaan ka jirin meelahaas? Ma dad maalgashado oo dhiso kaabeyaashan ayaa la waayay?”
Madaxweynaha Eritrea ayaa ku sifeeyay UAE in aysan hawshan kali ku ahayn, balse ay jiraan xoogag shisheeye oo ay wakiil uga tahay, iyada oo ay muuqdaan ajandeyaal juquraafi-siyaasadeed oo loogu adeegayo Israel. Wuxuu ka digay in ujeedada hawshan ay tahay in laga sameeyo saldhigyo militari iyo lala wareego maamulka loojistikada iyo isu gudbinka badeecadaha ee marinnada ciriiriga ah sida Gacanta Cadmeed.
Somaliland oo laga dhiganayo marmarsiyo
Isaias Afwerki waxa uu intaas ku daray in qadiyadda Somaliland loo adeegsanayo marin-habaabin, isaga oo ku tilmaamay in laga dhiganayo arrintan in Soomaaliya lagu waxyeelleeyo si loo gaaro hadafyo istiraatiiji ah.
“Maxay u beegsanayaan oo u buunbuuninayaan arrinta Somaliland? Maxay tahay ujeedada laga leeyahay faragelinta Soomaaliya.” Ayuu yiri. Wuxuu arrintan ku qeexay in ay tahay xagal daacin iyo mu’aamarad ballaaran oo loogu gogol xaarayo in la abuuro jawi u fududeynaya in ay Israel ciidamo keento oo ay xulafo ku yeelato gobolka.
Dekadaha iyo Damaca Wakaaladeed
Madaxweyne Afwerki oo hadalkiisa sii wata ayaa ku dooday in heshiisyada dekedaha Somaliland, Jabuuti, Suudaan iyo Yemen in aysan ahayn hindisayaal horumarin dhaqaale— waxa u uku macneeyay tallaabooyin lagu jaangooyay damacyo istiraatiijiyadeed. Wuxuu tusaale u soo qaatay Dowladda Jabuuti oo baabi’isay heshiisyadii dekedaha ee ay la gashay DP World, kiradii xilli hore ay ku qaateen dekedda Casab balse ay iskaga tageen iyo saldhigyada militari ee kusoo dabanaya Badda Cas iyo Jasiiradaha ku dhaw.
Tallaabooyinkaas ayuu ku sheegay Afwerki in aysan ahayn kuwa ay si madax bannaan u dhaqangalinayso Abu Dhabi, isaga oo ku adkaystay in UAE ay fulinayso istiraatiijiyad ballaaran oo loo qorsheeyay in lagu sameeyo hannaan si dadban loogu maamulo marinnada ganacsiga, oo ay qeyb ka tahay Israel, si loo wiiqo madaxbannaanida dalalka Geeska Afrika.
Qulqulka Hubka Sharci Darro ah
Dhanka kale, Madaxweyne Afwerki ayaa dareen ka muujiyay sida ay Imaaraadku ugu lug leeyihiin isu gudbinta hubka sharci darrada ah ee Geeska Afrika, iyada oo ay jiraan in hub iyo saanad militari laga dajiyay magaalooyinka Addis Ababa, Bahir Dar iyo Debre Zeyt oo dalka Itoobiya ah kuwaas oo ka yimid Imaaraadka Carabta. Waxaa intaas dheer oo wareysigiisa uu ku caddeeyay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay si qarsoon uga shaqeeyaan gobolka, hub sharci darro ah lasoo galinayo, ciidamana laga qortay dalalka gobolka.
“Kuwani waa faragelin ballaaran oo loogu soo dhuumanayo dib-u-heshiin, waxayna sii hurin kartaa mushkiladda. Yaa la heshiisiinayaa? Maxay tahay dib u heshiisintan?”
Madaxweynaha Eritrea ayaa ku tiimbareeyay UAE in ay qeyb ka tahay qorshe khatar ku ah gobonnimada dalalka gobolka Geeska Afrika; qorshe uu ku tilmaamay mid ay gadaal ka riixayaan quwado shisheeye, isaga oo u adeegsanaya UAE in ay hannaan wakaaladeed hawshan u qabanayo, wuxuuna Afwerki hawshan u arkaa mid lid ku ah jiritaanka dalkiisa iyo dhammaan gobolka.