Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Cumar Cabdulqaadir Cartan oo Soomaali ah ayaa loo doortay inuu ka mid noqdo 18-ka garsoore ee rasmiga ah ee garsoori doona tartanka Koobka Adduunka ee FIFA ee ciyaartooyda ay da’doodu ka hooseyso 21 sano ee 2025, kaas oo ka dhici doona dalka Chile.

Garsoore Cartan ayaa si wayn caan uga noqday saaxadda kubadda iyo tartamada ciyaaraha ee heer qaaradeed iyo caalam, waxuuna noqonayaa Soomaaligii ugu horreeyay ee heerkaas gaara tan iyo qaranjabkii. Waa guul iyo taariikh naadir ah oo ay adagtahay inuu sameeyo shaqsi Soomaaliyeed oo duruufo adag nololeed iyo amni ku koray, marka laga qiyaas qaato xaalka dalka Soomaaliya.

Waa kuma Cumar Cartan?

Garsoore Cumar Cabdiqaadir Cartan, oo caan ku ah magaca Cartan, waa Soomaaligii ugu horreeyay ee noqda Garsoore kubadeed oo caalami ah tan iyo 1991.

Garsoore Cartan ayaa ku dhashay Magaalada Caasimada ah Muqdisho, sanadkii 1995. Xilli hore oo ka mid ah dhallinyarnimadiisii ayuu ka mid noqday dadka sida gaarka ah u xiiseeya garsooridda kubadda cagta, waxaana uu la soo ifbaxay hibo hoggaamineed oo garoonka dhexdiisa iyo bannaankiisaba ah, taas oo jiilka kubadda cagta Soomaaliyeed ugu cugteen inuu noqdo dhexdhexaadiye kubadeed oo kalsooni wayn agtooda ka haysta. Dhiirigelinta uu jiilkiis ka helay ayaa u horseeday inuu hibadiisa kusoo bandhigo garoomada banooniga ee Afrika.

Sanadkii 2020 ayuu si rasmi ah uga mid noqday liiska garsoorayaasha FIFA, wuxuuna tan iyo markaas kasoo muuqday ciyaaro muhiim ah oo caalami ah, oo ay kamid yihiin kulammo ka tirsan Koobka Horyaallada Kooxaha Afrika ee CAF, CAF Super Cup iyo ugu dambeyn tartankii Qaramada Afrika ee ka dhacay dalka Ivory Coas 2023–2024.

Guulaha Shaqisyeed uu gaaray

Garsoore Cartan waxaa loo diiwaangeliyay dhawr guulood oo shaqsi ah marka loo eego dalkiisa Soomaaliya. Ku biiristiisa garsooyaasha FIFA ee sannadkii 2020 ayaa ahayd taariikh gaar ah maadaama uu noqday Soomaaligii ugu da’da yaraa ee abid noqda Garsoore ka tirsan FIFA.

Taariikh shaqsi ah oo kale uu leeyahay ayaa ah inuu dhexdhexaadiyay ciyaaraha kama damabaysta ah ee Koobka ugu magaca wayn Qaaradda Afrika ee AFCON, 2023/2024 ee ka bilowday Janaayo, 2024 dalka Ivory Coast.

Cartan, ayaa markale dhigay diiwaan cusub markii uu  garsoore ka noqday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee CAF Champions League 2024/2025.

Arbacadii la soo dhaafay ayaa Cabdiqaadir Cartan loo doortay inuu kamid noqdo 18ka Garsoore ee dhexdhaxaadin doono Koobka Adduunka ee dhallinta da’adoodu ka yartahay 20ka jirrada, sannadkan 2025 ka qabsoomayya dalka Chile. Waa safar kale oo guul u ah hayaanka Cumar Cartan ee garsoornimada heerka caalami ah.

Guulaha uu gaaray Cumar Cartan waxa ay u yihiin Soomaaliya farriin iftiin ah oo rajo iyo dhiirrigelin u leh dhallinyarada Soomaaliyeed. Marka laga soo tago heerka sare ee xirfaddiisa, Cartan wuxuu sidoo kale u yahay tusaale togan oo muujinaya in Soomaalidu ay awood u leedahay inay gaarto masraxyada caalamka marka fursad la siiyo. Ka qeyb-galkiisa tartamada heerka FIFA iyo CAF waxa ay sare u qaadday sumcadda Soomaaliya ee ciyaaraha, wuxuuna door muuqda ku leeyahay isbeddelka garsoorka kubadda cagta dalka Soomaaliya.

Dowladda, bahda ciyaaraha, iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa si isku mid ah u arka Cumar Cartan inuu yahay halyey qaran oo taariikh cusub u dhigay magaca Soomaaliyeed ee garsoorayaasha caalamka.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More