Kulan dhexmaraya Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madasha Mucaaridka ayaa goor dhaw ka bilaabanaya xarunta Madaxtooyada Soomaaliya. Is-araga laba dhinac ayaa yimid kaddib markii Madaxweynaha Soomaaliya uu codsaday inuu si gaar ah u arko Madasha Samatabixinta.
Kulamo dhawr ah oo ay is la qaateen Mucaaridku ayaa lagu goβaamiyay inay la fariistaan Madadaxweynaha.
Xog aan ka helnay Madasha Samatabixinta ayaa inoo xaqiijiyay inay isku raaceen in Madaxweyanaha ay hordhigaan 4 qodob oo keliya, kuwaas oo kala ah.
1- in laga noqdo dastuur baddalkii Madaxweynuhu ku sameeyay 4 cutub oo kamid ah dastuurka Kumeel Gaarka ah.
2- in laga heshiiyo nooc doorasho oo lagu wada qanacsan yahay. Madaxtooyada iyo Mucaaridka ayaa halkan isku soo dhow, iyaga oo isku waafaqsan inaan doorashadii dadbanayd ee 2022 aan lagu laaban.
3- in la kala diro Guddida Doorashada ee hadda shaqaysa, lagana heshiiyo guddi cusub oo dhex ah.
4- in Madaxtooyada Soomaaliya ay fasaxdo doorashada Maamullada dalka, isla markaana ay doorashadooda qabsadaan si madaxbanaan.
Madaxweyanha Soomaaliya ayaa si wayn u riixaya inuu ajandihiisa ku qanciyo Madasha Samatabixinta, si uu helo nafis uu uga baxsado cadaadiska caalamka iyo kan siyaasiyiinta Soomaalida.
Inta badan xubnaha Madasha ayaa kulanka qayb ka ah, waxaana maqan labada Gudddoomiye Xigeen ee Cabdi Faarax Shirdoon iyo Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan, sidoo kale waxaa maqan Shariif Xasan Sbeekh Aadan iyo Cabdriaxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah xubnaha Madashada Samatabixinta.