Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

W/Q: Kornayl  Cabdullaahi Daahir 

Qof kasta oo mas’uul ah, ha ahaado hoggaan sare ama mid heer hoose, waxaa waajib ku ah inuu fahmo in dowlad kasta lagu dhiso ama lagu burburin karo hal eray: Caddaalad. Wax kasta oo dunida yaal waxay maraan labo waddo midkood: in ay kobcaan ama ay burburaan, marka laga reebo caddaaladda. Caddaaladdu waa tiirka kaliya ee joogto ah; iyadu waxay horseed u tahay xasillooni, barwaaqo, iyo badbaado qaran.

Marka aad si dhab ah u eegto xaaladda maanta ee dowladaha Muslimiinta, waxaad si cad u arkaysaa in inta badan ay burbursan yihiin. Burburkaa uma dhicin awood darro ee waxaa keenay caddaalad la’aan.

Shaykhul Islaam Ibn Taymiyyah (رحمھ الله) wuxuu yiri:
”إن الله ینصر الدولة العادلة ولو كانت كافرة، ولا ینصر الدولة الظالمة ولو كانت مسلمة“
“Ilaahay wuu u gargaaraa dowlad caddaalad ah xitaa haddii ay gaal tahay, umana gargaaro dowlad dulmi ku dhisan xitaa haddii ay Muslim tahay.”

Dardaaran ku Socda Dowladda Federaalka

Shacabkeenna Soomaaliyeed wuxuu la daalaa dhacayaa dagaal adag oo ay kula jiraan kooxaha argagixisada ee Al-Shabaab, kuwaas oo dilaya dadka iyaga oo aan kala soocayn; waayeel, carruur, dumar, culimo iyo arday ba. Shacabkan dhibban ha u ugu sii darina dulmi kale oo caddaalad la’aan ah.

Haddii dowladdu rabto in Ilaahay la garab galo dagaalka ay kula jirto argagixisada, waa in ay caddaaladda hormuud ka dhigtaa. Haddii kale, Ilaahay uma kala hiilin doono labada dhinac, Argagixiso dhiigga shacabka daadinaysa iyo dowlad aan caddaalad falin.

Waxaa hubaal ah in hadii aan cadaladda laga shaqaynin ilaahay in uusan u kala hiillin doonin laba qolo oo midina caddaalad darro ka shaqeenaysa midna ka shaqeenaysa miirashada dhiiga shacabka iyo boobka hantida masaakiinta Soomaliyeed ee Baadiyaha iyo Magaaloyinka ku nool.

Dowlada si uu ilaahay ugu hiilliyo waa inay saxdaa oo ay hadda ka shaqaysaa cadaaladda. Caddaaladu ma ahan in wax wayn la qabto ama wax wayn laga fikiro ee waxa yar ee aad haysato ayaa caddaalad loo sameeyaa xitaa laba qof Alle haka dhigee caddaalad ayaa lagu kala xukumiyaa sidaa awgeed Dowladda waa inay Hadaf ka dhigataa caddaaladda si Alle ugu hiilliyo, ugana adkaato Argagixisada arxanka daran ee Al Shabaab.

Imaam Al-Ghazali (رحمھ الله) wuxuu si cajiib ah u tilmaamay sida ay caddaaladdu u tahay tiirka ay dowladnimadu ku taagan tahay:

Dowlad hogaamiye la’aan ma jirto. – لا دولة بلا إمارة“

Hogaaminnaa ciidan la’aan ma shaqeyso.ولا إمارة بلا جند
Ciidanna hanti la’aan ma shaqeeyo. ولا جند بلا مال
Hantina ganacsi la’aan lama helayo.ولا مال بلا تجارة
Ganacsina lama helo haddii caddaalad la’aan jirto. ولا تجارة بلا عدل

Aas-aaska dowladnimo waa caddaalad

Tusaale kale oo muhiim ah ayaa kasoo horjeeda waqtigii Cumar bin Cabdulcasiis (RC ) markaas oo mid ka mid ah wakiilladiisii gobollada uu warqad u soo diray isaga oo ka cabanaya tuugada ku badan magaalada. Wuxuu codsaday in uu dhiso gidaarro difaac ah. Cumar wuxuu ugu jawaabay: ”حصنھا بالعدل لا بالحجارةKu difaac magaaladaada caddaalad, ha ku difaacin dhagax.” Caddaaladdu waxay keentaa xasillooni, amni, iyo barwaaqo. Balse xoolo, ciidan iyo xeer kastaba ma keenaan caddaalad haddii hoggaan la’aanta iyo dulmigu ay joogaan.

Ilaahay wuxuu Qur’aanka ku sheegay: وَضَرَبَ ٱللَّهُ مَثَلًا قَرْيَةً كَانَتْءَامِنَةً مُّطْمَئِنَّةً يَأْتِيهَا رِزْقُهَا رَغَدًا مِّن كُلِّ مَكَانٍۢ فَكَفَرَتْ بِأَنْعُمِ ٱللَّهِ فَأَذَٰاقَهَا ٱللَّهُ لِبَاسَ ٱلْجُوعِ وَٱلْخَوْفِ بِمَا كَانُواْ يَصْنَعُونَ. Alle wuxuu tusaale u soo qaatay tuulo nabad ah oo xasilloon, rizqi badanna uga iman jiray meel walba…”
(Surat An-Nahl: 112). Qaran aan xasillooni iyo caddaalad lahayn, barwaaqo ma helo.

Gunaanad:

Waa waajib saaran dowladda iyo mas’uul kasta in uu ilaaliyo caddaaladda si uu u helo barakeynta Alle, kalsoonida shacabka, iyo guul siyaasadeed. Caddaaladdu waa tiirka nolosha. Haddii ay lunto, waxaa luma dowladnimada, amniga, iyo aayaha jiilka cusub.

Kornayl Cabdalla Daahir Cabdullaahi waa sarkaal sare iyo khabiir amni oo muddo dheer kasoo shaqeynayay arrimaha amniga iyo la dagaallanka argagixisada.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More