LWarsaxafaadeed ay si wadajir ah usoo saareen Danjireyaasha iyo Wakiillada Beesha Caalamka ee ku sugan Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay gogosha uu ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud 29kii Maarso, 2025.
Qoraalka Beesha Caalamka ayaa lagu yiri “Istaraatijiyad midaysan oo loo dhan yahay ayaa lagama maarmaan u ah in laga guuleysto Al-Shabaab iyo in lasii amba-qaado arrimaha hortabinta u leh dowlad-dhisidda Soomaaliya. Waxaan soo dhoweyneynaa jawaab-celinta togan ee siyaasiyiin Soomaaliyeed ee hormuudka ah ay ka bixiyeen hindisahan.”
Warkan ayaa sidoo kale si dadban loogu duurxalay in gogosha ay sugayaan ay tahay mid ay kaalin ku yeelanayaan hoggaamiyeyaasha bulshada iyo siyaasiyiinta mucaaradka, taasoo ka dhigan in saaxiibada Soomaaliya ay doonayaan in fadhi ballaaran la qabto. Laakiin, Madaxtooyada Soomaaliya ayaa u muuqata inay dib uga guranayso dareenkii laga qabay ee ahaa in gogol aan shuruud ku xirnayn oo siyaasadda iyo doorashooyinka lagaga heshiiyo inay qabanayso.
Warsaxaafadeedkan ayaa ku boorriyay Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada, saamilayda siyaasadda iyo kuwa bulshada inay si dhakhso leh u kulmaan si loo xaqiijiyo fal-celin midaysan oo wax-ku-ool ah oo ku aaddan dagaalka socdo ee Al-Shabaab, fal-celintaas oo ah arrin mudnaan degdeg ah u leh amniga qaranka.
Warmurtiyeed ay laba maalin kahor Madaxtooyada Soomaaliya iyo saddexda Dowlad Goboleed ee saaxiibka la ah ay soo saraeen ayay kaliya ku xuseen midnimada loo baahan yahay in lagu wajaho dagaalka Al Shabaab, waxayna iska indho tireen arrimaha siyaasadda ee taagan sida muddo kororsiga maamullada iyo doorashada halka dhinac ee Dowladd Federaalka riixayso.
Hase yeeshee, Soo xoogaysiga Al Shabaab ayaa loo aanaynayaa inay ka dhalatay kala qeybsanaanta siyaasadeed ee ka jirta dalka iyo khilaafaadka siyaasiga ah ee haatan taagan taasoo u ay Beesha caalamku dooneyso in si degdeg ah xal looga gaaro.
Warar aanu ka helnay xiriir dhexmaray Safiirka Mareykanka Richard H. Riley iyo Madaxda Maamul Goboleedyada, madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayuu u xaqiijiyay inay cadaadis saarayaan Villa Soomaaliya balse dhankooda laga doonayo inay shuruud la’aan kaga soo qeybgalaan. Maamullada Jubaland iyo Puntland ayay wararku caddeynayaan inay aqbaleen dalabka Safiirka, hase ahaatee ay shardi kaga shigeen in gogosha la ballaariyo oo lagu soo daro mucaaradka.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Danjire Riley ayaa saacadaha soo socda leh kulan lagu gorfeynayo sidii gogoshan ay u noqon lahad mid guuleysata, waxaana dalabka kulankan ka yimid dhanka Safaaradda Mareykanka. Sidoo kale, wuxuu kulamo gaar ah la qaadanayaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabelle.
Shalay, fadhi ay yeelan lahaayeen Madaxwweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo Safiirka Mareykanka Richard H. Riley ayaa baaqday keddib markii ilaalada labada dhinac ay isku fahmi waayeen hannaanka baarista ee lagu galo gudaha dhismaha Safaaradda. Hase yeeshee, waxaa dib loogu dhigay inay maanta qabsoonto.