17kii bishii hore ee Maarso ayeey ahayd markii Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xamse Cabdi Barre uu soo saaray wareegto uu xilka ugu kala baddalay qayb kamid ah Golahiisa, halka uu laba Wasiir oo cusub ku soo daray xukuumadda uu hoggaamiyo.
Inkasta oo ay isku shaandhayn kooban ahayd, haddana waa tii ugu balaadhnayd ee uu sameeyo Ra’iisul Wasaare Xamse, waxaana ay taabatay 5 wasaaradood oo 3 la isku baddalay, laba kalana Wasiiraddii joogay shaqada laga eryey.
Xamse ayaa isku baddalkan kooban u sameeyey dhawr sababood oo isa saaran kuwaas oo ay ugu muhiimsanayd inuu Wasaaradda Gaashaandhiga ka qaado Wasiir Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), kaas oo aan weli xilkii wareejin.
Haddaba waxaaa dood wayn ka taagan tahay sabbabta keentay in Wasiir xilka laga qaaday uusan muddo 20 cisho ah xilka wareejin, waxaana soo baxaya dhawr sababood oo tallaabada uu qaaday Wasiir Jaamac keentay.
Sidii la arki jiray, mas’uulka xilka laga eryo ama laga wareejiyo waxay qaadataa in xil wareejin uu sameeyo muddo ku siman saddex berri, haddii aysan jirin duruuf gaar ah. Hore uma dhicin in Wasiir uu xilka iska sii haysto muddo dhan 20 maalmood sida Wasiirka xilka laga qaaday ee Gaashaandhiga Soomaaliya, kaas oo kursiga sii fadhiya maalmo ka badan kuwii uu xil la wareegistii Madaxweynaha Soomaaliya ay qaadatay.
Maxaa sababay inay shaqeyn wayso Wareegtada Ra’iisul Wasaaraha?
Waa dhacdo ugub ah in Wasiir xilkii laga wareejiyay uu iska sii haysto muddo saddex toddobaad ah, Wasiirkii loo igmaday shaqadaasna uu bannaanka xafiis la’aan ku yahay kaddib markii laga soo wareejiyay Wasaaraddii uu hayey ee Ganacsiga oo xilwareejinteeda la dhammeystiray.
Layaab ayay dad badan ku noqotay inaysan dhaqan gelin muddada intaas la eg wareegtadii uu saxiixay Ra’iisal Wasaare Xamse, waxaase layaab kale noqotay inuusan Ra’iisul Wasaaruhu uusan wax tallaabo ah ka qaadin fulin la’aan amarkiisa.
Xilligii uu u asteeyay Xafiiska Ra’iisal Wasaaruhu inay ku dhacdo xil wareejinta labada Wasiir, waxaa si ku tala gal ah u dib dhigay Wasiir Jaamac sida ay noo xaqiijiyeen xubno kamid ah qabanqaabadii Xafladda Xilwareejinta. Baaqashada munaasabaddan ayaa lagu sheegay inay ka timid Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wargaliyay Xamse in Wasiir Jaamac uu xilka sii hayo ilaa uu soo dhammeeyo hawlo qabyo ah oo ay Madaxtooyada u dirtay. Hawlaha qabyada ah ayaa dib laga ogaaday in Madaxweynuhu ula jeeday safarkiisii Turkiga ee 27kii Maarso isago sita magaca Wasaaradda Gaashaandhigga.
Ashtakada Wasiirka cusub ee Difaaca
Wasiirka magacaaban ee Gaashaandhiga Xildhibaan Jabriil Cabdirashiid, oo bannaan joog ah 20 berri ayaa cabasho rasmi ah u gudbiyey Xafiiska Wasiirka koowaad maalinimadii Isniinta, waxaana ilo xog ogaal ah ay xaqjiinayaan in 48 saacadood gudahood uu amray Ra’iisul Wasaaraha, oo ka bilaabanaysa berri oo Sabti ah inay xilwareejintu ku dhacdo.
Wasiirka Xilka ku magacaaban ee Gaashandhiga ayaa barihiisii bulshada ku qortay xilka uusan xafiiskiisa tegin ee Gaashaandhigga, halka Wasiirkii xilka hayana uusan beddelin shaqadiisii hore. Arrinta ayaa ka dhigan in Soomaaliya ay leedaya laba Wasiir oo isku shaqo ah sida ay muujinaya xogaha shaqsiga ee tixraacyada cinwaannadda baraha bulshada ee labada Wasiir.
Hore waxaa u adkaatay in lagu dhaqaaqo xilka qaadista Wasiir Jaamac oo muddo dheer soo jiitamaysay, waxaana xilligan ka sii adkaatay xil wareejintiisa, waxaana la ogayn waxa cusub oo keenay dib udhaca, waxaana hadda su’aal la iska waydiinayaa awoodda Ra’iisal Wasaaraha oo kari la’ in Wasiir uu xilka ka qaaday uu xafiiska ka wareejiyo.
Isku beddelka Wasaradaha ayaa ku yimid ogolaanshaha Madaxweynaha kaddib culays uu kala kulmay dalalka taageera Ciidanka Soomaaliya. Hase ahaatee waxaa la ogayn muhiimadda Wasiir jaamac u leeyahy Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Madaxtooyadaba, inkastoo Wasiirka lagu baddalay uu kaga fara dhuudhuuban yahay arrimaha amniga iyo difaaca.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddo xilleedkiisii hore si cad uga horyimid isku shaandhayn kooban oo saamaysay wasiiro saaxiib la’ ahaa, waxaana khilaafkii ka dhashay isku beddelkaas uu galaaftay in meesha laga saaro Ra’iisul Wasaarihii xilligaas Dr. Cabdiweli Sheekh Axmed iyo xukuumaddiisiiba. Balse, isbadalladan ayaa ka duwan oo ka dhashay cadaadis ay Madaxtooyadu kala kulantay dalal uu Mareykanku hormuud u yahay.
Si kastaba, haddii mar kale la baajiyo xilwareejintan, waxaa hubanti ah in sii joogista Wasiirka ee Wasaaradda Gaashaandhigga ay su’aal galinayso awoodda qalinka Ra’iisul Wasaaraha, sii xoojinayso dareenka haatan jira ee ah in Madaxtooyada iyo Wasiirka ay ka dhaxayso hawlo dhaafsan shaqada qaranka, ayna gaarsiin karto Xamse Cabdi Barre, oo hore tabashooyin uga qabay in awooddiisa loo gacan dhaafo, inuu heer kulkiisu cirka isku shareero.

