Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa farriintii hambalyada ee Ciidul Fitriga dhex galiyay dhambaallo qaran oo uu ujeediyay shacabka, ciidamada qaranka iyo kuwa difaaca dadweynaha, siyaasiyiinta ka aragtida duwan iyo mahadcelinta saaxiibada Soomaaliya ee caalamka.

Madaxweynaha ayaa gogol uusan xafiiskiisu faahfaahin sida loo agaasimayo, cidda ka qeyb galaysa iyo waqtiga la qabanayo u fidiyay waxa uu ku tilmaamay ‘siyaasiyiinta iyo hoggaamiyeyaasha bulshada‘ si ay uga qeyb qaataan dagaalka Khawaarijta iyo dhisamaha dowlad casri ah.

Gogosha uu fidiyay Madaxweynaha waxay soo dhaweyn ballaaran ka heshay siyaasiyiin dhawr ah oo kasoo horjeeda hannaanka uu dalka ku hoggaaminayo, inkastoo qaarkood sheegeen inay si taxadar leh uga dhursugayaan qaabka uu u maareeyo gogoshan. Haddaba, sidee siyaasiyiinta iyo xarumaha daraasaadka uga falceliyeen gogosha Madaxweynaha?

Isku-sidkanayaasha isku xisaabta ah: Shariif, Kheyre, Warsame

Madaxweynihii 7aad ee Jamhuuriyadda Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre iyo Wasiirkii hore ee Qorsheynta ahna Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa warmurtiyeed wadajir ah kusoo dhaweeyay gogosha Madaxweynaha.

Warsaxaafadeedkooda waxay lagu yiri “halista argagaxisada iyo duufaanta is-beddelka siyaasadeed ee dunida ka socota waxay nagu waajibinayaan isku tanaasul, xisaabtan caqli ku dhisan iyo waaqicinnimo, si loo badbaadiyo jiritaanka qarannimadeena.“

Hase yeeshee, qoraalka ay siyaasiyiintan soo saareen waxaa ka muuqata inay wali taxadar ka muujinayaan in hadalka Madaxweynaha ay ka maqan yihiin qodobo mudan in laga war sugo sida qaabka shirka, cidda ka qeybgalaysa iyo ajandaha rasmiga ah.

Metalaad Siman ama Midnimada oo Dhaawacanta: Madaxweyne Farmaajo

Madaxweynihii 9aad ee JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa soo dhaweeyey baaqa Madaxweynaha. Hase ahaatee waxaa uu ka istaagay dhanka Midnimada dalka, isagoo sheegay inaan talo hal dhinac ah keligeed socon karin, haddii la isku dayana ay khatar ku tahay midnimada dalka.

Marka la akhriyo sadarada qoraalka Madaxweyne hore Farmaajo, waa inuu si cad uga digayo in haddiiba ay dhacdo inaysan Puntland iyo Jubaland shirkan  kasoo qayb gelin ay tahay, in shirka ay isugu imaanayaan metaalaad hal dhinac ah kasacoto, cawaaqibkeeduna noqon karo mid dhibaato ku noqota raadinta Soomaali wadajirta.

Dhanka kale, qoraalka Farmajo waxaa ka muuqda inuu ganafka ku dhuftay inaan shirkan lagu martiqaadi karin siyaasiyiin aan xil haynin oo ay laga maarmaan tahay inay wadahadlaan Dowladda Fedeeaalka iyo Dowlad Goboleedyada oo kaliya.

Shirka Kahor Qorshaha Qeex: Sharma’arke iyo Shirdoon

Ra’iisul Wasaareyaal kale ayaa iyaguna kasoo jawaabay baaqii Madaxweynaha, waxayna si isku mid ah mujiiyeen inay soo dhaweynayaan gogosha uu Madaxweynuhu ku baaqay. Cumar Cabdirashiid C. Sharmarke oo laba jeer soo noqday Ra’iisul Wasaare iyo Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo hoggaamiyey Xukuumaddii ugu horreeysay markii kumeel gaarka laga baxay ayaa midna goonidiisa usoo dhaweeyay baaqa Madaxweynaha.

Sharmarke iyo Shirdoon waxay soo bogaadintooda raaciyeen in loo baahan yahay in shirku leeyahay ajande iyo qorshe lagu wada qanacsan yahay.

Shirdoon waxaa intaas u dheer in gogosha ay ka muhiimsan tahay sida Villa Soomaaliya ay uga go’an tahay in xal laga gaaro tabashooyinka arrimaha dastuurka iyo doorashooyinka oo ay Madaxtooyadu hore kaligeed isugu cabbirtay.

Qanaaco Bilaa Shuruud ah: Rooble

Maxamed Xuseen Rooble oo ahaa Ra’iisul Wasaarihii soo hoggaamiyay doorashadii dadbanayd ee u dambeysay ayaa bogaadiyay tallaabada Madaxweynaha, wuxuuna muujiyay inuu gogoshaas soo dhawaynayo shuruud la’aan.

Intaad Qabto Baan Aniguba Qabaa: Axmed Madoobe

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa dhankiisa ka hadalay gacan-dhiibashada Madaxweyne Xasan. Madoobe falcelintiisu waa ka duwanayd siyaasiyiinta aan xilka haynin. Fasirka hadalkiisa ayaa ahaa mid la dhigasho ah, maadaama uu dhankiisa isku gar siiyey inaan jiho kaliya ku filnayn culeysyada ka jira dalka, Soomaaliduna u baahan tahay midnimo iyo wada-tashi. Waa hadal lamid ahaa kii Madaxweyne Xasan Sheekh.

Inkasta oo uu muujiyey dareen ah in Soomaalidu xilligan ay u baahan tahay Isu-tanaasul, haddana kama muuqan khudbaddiisa wax soo dhowayn ah oo toos u taabanaysa soojeedintii Madaxweynaha.

Hoggaanku Waa Talo ku Nool: Fahad Yaasiin

Taliyihii hore ee Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin ayaa soo dhaweeyay farriinta Madaxweynaha, wuxuuna ku tilmaamay khudbadda Madaxweynaha mid “macquul ah oo dhiirigelin mudan,” wuxuuna intaas ku daray in Madaxweynaha siduu wax u rabo loogala shaqeeyo.

Fahad ayaa saddex cisho kahor qoraal uu soo dhigay bartiisa X ku sheegay in Madaxweynuhu iska daayo isku dhexyaaca oo uu dadka siyaasadda dalka wax kaleh la tashado. Lama garan karo inay Fahad ka ahayd taladan mid si dhab ah uga soo maaxatay iyo inuu sii akhriyay xaaladaha siyaasadeed oo uu filaayay in Madaxweynuhu kasoo laaban doono jidka soo xirmaya ee ‘loo joojin maayada ah.’

Hoggaamintaada Dadka ku Midee,: Xarumaha Cilmi Baarista ee FPS iyo BPoL

Waxaa baaqa Madaxweynaha sidoo kale si togan uga falceliyay Xarumaha Cilmi Baarista ee Foresight For Practical Solutions (FPS) iyo Baraarug Academy for Political Leadership (BPoL) oo labaduba muujiyay in maanta la haysto fursad dalka lagu mideyn karo, dagaalka Shabaab iyo Daacishna guul looga keeni karo.

Agaasimaha Xarunta FPS Dr. Aadan Aw Xersi ayaa ku tilmaamay Khudbadda Madaxweynaha ee hambalyada Ciidul Firtiga mid “Taariikhi ah“ oo timid xilligii loog baahida badnaa.

“FPS waxay soo dhaweynaysaa casuumaadda taariikhiga ah ee ee uu Madaxweynuhu u fidiyay hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo kuwa bulshada sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen hiigsiga iyo dadaalka la xiriira dagaalka Al Shabaab iyo xoojinta dhismaha dowlad casri ah oo dimuqraadi ah.“ Ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay FPS.

Dhanka kale, Agaasimaha BPoL Xasan Mudane ayaa qoraal uu ku faafiyay baraha bulshada ku sheegay inay ku faraxsanyihiin inuu Madaxweynuhu qaatay talooyinkii ay usoo jeediyeen, iyadoo uu tilmaamay ahmiyadda ay leedahay siyaasadda gacan-galinta (Handshake politics) xilligan adag oo ay dowladnimadu caqabado ku gudban yihiin.

“Go’aan geesinino leh oo hoggaamineed ayuu qaatay Madaxweynaha, waana sidii aynu horay ugu sheegnay warbixinteennii ku aaddaneyd in la joogo waqtigii la tijaabin lahaa siyaasadda gacan is galinta, lagana guuro tii ahayd loo joojin maa.“

Si kastaba ha ahaatee, gogosha uu fidiyay Madaxweynaha ayaa heshay taageerada siyaasiyiinta, bulshada rayidka ah iyo bahda qalinleyd, waxaana haatan il gaar ah lagu eegayaa sida uu Madaxweyne Xasan Sheekh uga dhabeeyo ballanqaadkiisa oo wali siyaasiyiinta qaar kamid ah ka muujinayaan inaan sidii miro barde duuduub lagu laqi karin.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More