Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa isku shaandheyn taabatay ilaa 5 Wasaaradood ku sameeyay Golihiisa Wasiirada.
Wasiirada Gaashaandhiga Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jama), Ganacsiga Jibriil Cabdirashiid Xaaji, Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Maxamuud Axmed Aadan (Geesood) ayaa loo kala wareejiyay xilalkooda, halka Wiisarada Duulista iyo Gadiidka Cirka Fardoosa Cismaal Cigaal iyo Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Barre Maxamed xil ka qaadis lagu sameeyay.
Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo ah Wasiirkii ugu muddada dheeraa taniyo dib u yagleeliddii Dowladda ee Shirkii Carta ayaa xilka laga wareejiyay, balse wuxuu wali haystaa furaha sirta kasii mid ahaanshaha Maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh isagoo lagu maslaxay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.
Inkastoo ay isku shaandhayntani ay timid maalmo uun kaddib Safarkii uu Madaxweynuhu ku tegay Imaaraadka, waxay kulmisay in shanta isku bedel ee uu sameeyey Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sidaan afar fariimood oo kala ah; fullinta balamaha Imaaraadka, mudnaan siinta xidhiidhka Turkiga iyo dhaqangelinta Baaqii Ankara iyo iskushaandhayn kale oo jidka kusoo jira.
Sidoo kale tallaabadda uu qaaday Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ku jabisay saami qaybsiga Beesha Shanaad iyo awoodsiinta haweenka ee Golaha Xukuumadda.
Fullinta Ballamaha Imaaraadka
Tegistii safarkii aysan ilaa iyo hadda Madaxtooyadu war kasoo saarin ee Madaxweynuhu ku booqday Imaaraadka, waxaa uu kala hadlay dalkaas sidii loo soo celin lahaa taageeradii dhaqaale ee ay siin jireen maamulkiisa.
Sida ilo war-gal ah ay sheegayaan, Dowladda Imaaraadka oo hore u hakisay tageerada dhaqaale ee ciidamada kala duwan keddib dhacdadii Xerada Janaraal Gordon ee Muqdisho iyo cabashada ay ka qabtay hufnaanta maamul ee dhaqaalaha ay bixinayeen, ayaa ballan qaaday inay dib u bilaabayso haddii wax ka baddal lagu sameeyo maamulka Wasaaradda Gaashandhiga.
Ballanqaadkaas ayaa degdeg u fulay, inkastoo soo afjaridda khilaafka Jubaland iyo Madaxtooyada Soomaaliya uu yahay shardi kale oo muhiim u ah sii ambaqaadista kaalmada dhaqaale ee Imaaraatka ay ku bixinayaan taageerada Dowladda oo xilligan wajahayso culeysyo dhaqaale.
Hase yeeshee, isbaddalka Maamulka Wasaaradda Gaashaandhiga kuma koobno tabashada Abu Dhabi oo kaliya ee waxaa jiray in Dowladda Mareykanka ay iyadana hoos u dhigtay wada shaqeyntii ay la lahayd Wasaaradda Difaaca, sidaas darteedna ay sii lala laabtay in Madaxweynuhu qaato qaraar uusan ku farxsanayn oo ah in Wasiirkii ugu dhawaa hoostiisa lagala baxo.
Mudnaansiinta Xidhiidhka Tukriga
Arrinta kale oo u baahan in fiiro gaar ah loo yeesho ayaa ah isla akhrinta Baaqii Ankara ee lagu heshiiyay Soomaaliya iyo Itoobiya, booqashadii Abiy Axmed ee Muqdisho oo warmurtiyeedkii laga soo saaray lagu caddeeyay in dhismaha kaabayaal dhaqaale ay labada dowladood iska kaashanayaan, xaqiijintii Wasiiru Dowlaha Arrimah Dibadda Cali Cumar (Balcad) ee ahayd in Itoobiya dekad laga siinayo Badweynta Hindiya iyo haatan oo Wasaaradda Dekedaha loo soo wareejiyay Wasiir gacansaar la leh Dowladda Turkiya.
Maadaama kulamo kale oo farsamo ay Soomaaliya iyo Itoobiya u ballansanyihiin taasoo lagu dardargelinayo Baaqii Ankara, isdhaafsiga booqashooyinka ee Madaxweyne Xasan iyo Ra’iisul Wasaare Abiy iyo doorka dammaanadeed ee Turkiya ayaa ka dhigan in galkan ay wax un ka dhaqaaqi doonaan usbuucyada iyo bilaha nagu soo food leh.
Ankara ayaa hore horumarin iyo dib u dhis ugu sameeyay Dekedda iyo Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waxaana la filan karaa in Wasiirka cusub uu soo jiidi karo kalsooni ay Turkiya mar kale ku horumarin karto dekedo kale oo ay ugu horreeyaan meelaha ay haatan Itoobiya danaynayso sida Dekadaha Garacad iyo Hobyo oo istiraatiiji ahaan u dhaw Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.
Saami Qaybsiga Beesha Shanaad iyo Haweenka
Qodobada kale oo u baahan in il gaar ah lagu eego waa sida Xukuumadda ay xil ka qaadis ugu sameeysay Wasiirka Duulista Hawada Marwo Fardawso Cismaan Cigaal oo ku biiraysa haween badan oo ay dowladdu xilalkooda ku abaal marisay rag taasoo hoos u dhigaysa mataalada dumarka ee hay’adaha fulinta Dowladda.
Waxaa hore buuq siyaasadeed u dhaliyay in Jananka ugu sarreeya Ciidamada Qalabka sida Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe) loo dhiibo Wasaaradda Haweenka oo ay qof dumar ah ka geeriyootay. Tani waa tallaabo kale oo lagu wiiqay in haweenka wax laga siiyo miisaska lagu gorgeeyo talada.
Dhinaca kale, saami qeybsiga Beesha Shanaad ayaad moodsaa inaysan Xukuumadu ahmiyad siinin keddib markii Wasiirkii Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Barre Maxamed xilkiisa loo magacaabay Maxamed Cabdulqaadir Cali oo ay isku saami qeybsi hoose yihiin Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji.
Wasiirka cusub ayaa sidoo kale xidid la ah qoyska Madaxweynaha, taasoo sii xoojinaysa eedeymaha la xiriira xigteysiga iyo qaraabo kiilka ee mar kasta loo soo jeeediyo Madaxtooyada Soomaaliya.
Dhamaystirka isku-shaandhaynta
Waxaa kale oo ay Somali Stream ogaatay in isku shaandheyn kale oo taabanaysa Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Arrimaha Gudaha, Amniga Gudaha iyo Macdanta iyo Batroolka la filayo toddobaadyada soo socda taasoo Wasiirkii hore ee Batroolka Cabdirisaaq Cumar Maxamed dib loogu soo magacaabayo Wasaarad kale.
Dib u magacaabistan la filayo usbuucyada nagu soo food leh ayaa loo aaneynayaa inay ku timid wadaxaajood ay garwadeen ka ahaayeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe, Ku Xigeenkiisa Koowaad Sacdiya iyo Habdhawraha Nuux oo dhammaan saaxiibo dhaw la ah Wasiir Cabdirisaaq, ayna heshiisyo hoose kula galeen Madaxtooyada in taas baddalkeeda ay ilaaliyaan inaan Xukuumadda wax culays ah uga iman Golah Shacabka.
Haddaba, maadaam ay Madaxtooyadu qaadatay siyaasadda qancinta cid kasta, hal dhagaxna dhawr shimbirood ku dishay sida qancinta Imaaraadka, dhawrista xidhiidhka Turkiya iyo ka jawaabista culeysyada Xukuumadda uga iman lahaa Golah Shacabka, sidee Madaxweyne Xasan Sheekh ugu hayn doonaa hal dambiil/sallad Taliyaha Nabad Sugidda Cabdullaahi Sambalooshe iyo Wasiirkii hore ee Batroolka Cabdirisaaq Cumar?