Madaxweynaha dib xafiiska ugu noqday ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa asbuuciisii koowaad soo saaray tiro amarro madaxweyne ah, kuwaas oo qaybtood ay ahaayeen kuwa jebinaya shuruuc horre, qaar ayaa ahaa kuwa beddelaya xeerar jiray, halka kuwa kalena ay ahaayeen kuwa ka dhashay ballanqaadyadii uu galay xiligii ololaha.
Dalka Maraykanka oo seddex qarni in ka badan lahaa dowlad shaqaynaysa oo ku tiirsan axdi iyo qawaaniin dastuuri ah oo dadka dalkaasi ay heshiis ku ahaayeen, lahaanshaha shuruuc iyo xeer heshiis lagu yahay ayaa loo arkayey inay yihiin kuwa ka dhigayey Maraykanka inuu hormuud ugu yahay dalalka kale ee dunnida habka isxukunka iyo nidaamka dhawrista qaanuunka, dastuurka iyo xeerarka dalkaas ayaa hadda wajahaya khatar kaga immaanaysa Madaxweynaha dib loo doortay.
Trump ayaa bilaabay xilli horraba dhaqangalinta ballamihiisii waqtigii ollalaha uu u qaaday dadweynaha dalkaasi si uu codkooda u kasbado, waxaana uu maallinkiisii koowaadba u muuqday nin oofinaya balanqaadkiisii hore.
Xeerarka uu soo saaray Madaxweynaha Maraykanku oo kor udhaafaya 200 Wareegto Madaxweyne, waxaa kamid ah 7 xeer oo gaar u khuseeya Socdaalka, Xudduudaha, Jinsiyadda, Magan-galyo doonka iyo dal-ku-galka. Dhammaan ammaradan kasoo baxay xafiiska Madaxweyne Trump ayaa saamayn toos ah kuleh dadka iyo dalka Soomaaliyeed.
Trump xil-hayntiisii hore, waxaa uu soo saaray xeer uu ku joojiyey in dal-ku-galka la siiyo toddobo dal oo Muslim ah, oo Soomaaliya kujirto. Amarka Madaxweyne ee xayyiraadda lagu saaray dalalka Muslimka ah ayaa loo yaqaanay Xayiraaddii Muslimka “Muslim Ban.” Inkasta oo uusan Trump soo saarin wareegto middaas hore lamid ah, haddana waxaa uu adkeeyey maalinkiisii koowaadba u safrista dalka Maraykanka, waxaana uu daaqadda ka tuuray qaabka loo waraysto dadka soo codsada dal-ku-galka Maraykanka, iyadoo ay la socoto in waqtiga dalbashada iyo balanta Safaaradaha dib loo dhigo.
Sidoo kale waxaa kujira xeerkan cusub in diidmo la siiyo dadka kasoo jeeda dalalka aan lahayn xasilloonidda iyo dhaqaalaha suggan, taas oo markale Soomaalida ka dhigaysa inay u nuglaadaan xeerarka uu Trump Soo saaray.
Amar kale oo uu Trump soo saaray waa midka uu ku tirtiray xaqa dhalashada iyo helista Jinsiyadda Maraykanka, taas oo markii ugu horraysay ilmaha ku dhasha dalka Maraykanka uu waayi-doono Xaqa Jinsiyada ama dhalashada dalkaasi.
Ka hor 19kii Janaayo ee sannadkan waxaa dalka Maraykanka dhaqan-gal ka ahaa xeerka sugnaanta dhalashada, kaas oo dhigayey inay ilmo kasta oo waalidkiis ku dhalo dalkaas uu yahay muwaadin, xitaa haddii aysan waalidkiisba ahayn Maraykan. Hase ahaatee hadda xeerkaas waxaa laalay Trump. Waana khatar ay lakulmi karaan caruurta ay dhaleen waalidka Soomaaliyeed ee dalkaasi kugalay sharci darradda ama habka loo yaqaan Darbi-ka-boodka, kuwa dhaleen waalidka dalkaasi booqashada ku jooga ama kuwa aan haysan Jinsiyadda rasmiga ah ee dalkaasi.
Dib u celinta qaxootiga iyo magangelyo doonka dalkaasi sharci darrada ku galay ayaa Trump kusoo saaray Amar Madaxweyne kaas oo xili horreba laga billaabay gobollada ay maamulaan Xisbiga Jamhuuriga oo ah kan uu kasoo baxay Madaxweynuhu. Xeerkan ayaa markale ah mid dhib ku noqon kara boqollaal Soomaali ah kuwaas u tahriibay Maraykanka si ay u helaan fursado nololeed oo dhaama kuwa ay dalkoodii uga soo hayaameen.
Isu-geynta todobada xeer ee khuseeya magangelyo doonka, qaxootiga, socdaalka iyo xaqa dhalashada ee dalka Maraykanka ayaa ah kuwa saamayn taban ku leh bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi, waxaana ay xilligan wajahayaan culaysyada ka dhashay wareegtooyinka Trump soo saaray.
Meelmarka Amarada Trump ayaa la kulmaya is-hortaag sharci, waxaana garsoorayaal ku sugan gobollada dalkaasi qayb kamid ahi soo saareen xeerar xakamaynaya inay dhaqan-galaan ammarada Madaxweynahu, Trump ayaana dhankiisaba xilli hore rafcaan ka qaatay go’aammada lagu hor istaagay amarkiisa.