Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

W/Q. Maxamuud Cali Aadan Hoorri

Magacaygu waa “geedkii la quursaday”. Waxa aan ahay geed ku hagaasay dhibka iyo belaayada ku habsatay. Waxa aan u baahanay hiil qaran iyo hoo waayeel. Mar kale ayuu ii soo dhowaaday, oo si faq ku jirto iigu yidhi: “Gaagaabsi haddii aan kuugu sheego waxa ka guuxaaya dubaaqayga iyo damiirkayga, waad qalbi jabaysaa”. Ogow! Dhibka iyo cabashadaba waxa u keenay markii dusha laga saaray baco, qashin, daasado iyo reeryo culus oo ka samaysan maryo calal ah, tenegyo miriray; iyo qori-jab ayuu waayey bilicdii iyo quruxdii Eebbihii uumay uu ku manaystay.

Geedkani waxa uu noo sheegay in culays saaran yahay, uuna jecel yahay inuu ku noqdo maruun sidiisii dabiiciga ahayd iyo waayihiisa farxadda. Baco iyo maryo calal ah ayaa hareeraha ka lusha; kuwa kalena waaba hareeyeen. Oo yaabaye, miyuusan u ekayn Masraxa Golaha Jamciyadda Guruumaha ka dhexaysa marka loo eego waxa ka lusha? Haa, boqollaal bacood oo midiiba cayn tahay ayaa ka laad-laada.

Geedku waxa uu deris la yahay goob caafimaad “cusbataal”. Weliba, waxa uu ka soo horjeeday xilligaa qaybta arrimaha degdegga ah loo yaqaan (emergency department); taasina waa sheeko kale oo mudnaanteeda leh. Qashin iyo cudur ayaa deris la ah goobta caafimaadka; bugto iyo saro ayaa hor fadhiya xarunta caafimaadka.

Meesha aan ka hadleynaa waa SOOMAALIYA ee maaha adduunyada kale.
Haa, waxa aan rajaynayaa inaad i fahantay nuxurka iyo mucda sheekadan. Laba koob oo shaah ah ayaan ka dalbanay makhaayad yar oo ku taalley kadinka cusbataalka; taa soo kaa qabaneysa dhanka midigta marka aad geleyso gudaha cusbataalka—shaahu waxa uu ahaa dhaka-jebiye, filfil, sinjibiil, hayl iyo qorfe ayaa markiiba na qaatay. Shaahii markii aan ka laacnay ayaan is weydiiney xiriirka ka dhexayn kara goobta caafimaadka iyo geedka noocan ah! Maalinkaasi waxa uu ahaa maalin aannu geedka wax badan iska weydiiney. Xiriir iyo wax kaleba kama dhexayn; waxa keliya oo noo muuqday ayaa ahaa in dayac iyo darxumo geedka iyo goobtaba la soo deristey. Ujeedka aannu meesha u joogney waxa uu ahaa wiil ayaa iigu dhashay cusbataalka—waana Alle mahaddii. Jaalle Maxamuudna si joogto ah ayuu ii soo booqan jirey maalin kasta, isagoo xaalkayga la socdey, mar kastana iga waraysan jirey caafimaadka hooyada iyo wiilkeeda yar.
Xusuus iyo sheekaba aan kaa dabageeyee, jaalle, meeshaa waxa aan ka curiyey maanso kooban, soo na gudbinaysa sheeko na dhex martay aniga iyo geedkii dhibbanaha ahaa. Ciwaanka maansadu waxa uu ahaa “GEEDKII LA QUURSADAY”. Haa, weydiin iyo warcelin ka dib, afka ayaa juuqda gabay. Iminka garan maayo sida uu u egyahay qasriga (daarta) laga dhisay bogcaddii (booskii) uu ku yaalley geedku.

Hilaaddii 2021-kii ayaan weydiiyey saaxiibkay Maxamuud (Mohamoud Everyday) inuu geedkii weli nool yahay ama uu meeshi ku yaal. Waxa uu ii sheegay in mar hore cagta la mariyey geedkii, oo weliba meeshii (bogcaddii) laga dhisay aqal aad u qurux badan.

Marka aan soo gunaanadno illaawga iyo sheekada geedka, waxa inoo caddaanaysa inuu cabasho xoog leh muujiyey; midab-door iyo rafaad ayaa ka muuqday dushiisa. Daasado mirir leh iyo qashin ayuu gacan ka taagey; mar qura ayuu jeclaystay inuu sidiisii hore ku noqdo oo laga dejiyo bacaha, haylaha, gorofyada iyo caagadaha guudka ka daboolay.

Mudane akhriste, waxa suurtagal ah inaan is weydiino: burburka iyo qashinku ma walaalaa? Mise qaran-jabka ayaa hagaaska iyo dib-u-dhaca wata? Dal burburay, dadkiisuna ma la burburaan? Warcelinta su’aalahani waa hubaa inay tahay mid murugsan oo ku adag qof damiirkiisu noolyahay. Hilaaddu waxa ay ahayd bishii August 2015-kii; maansaduna waxay leedahay sidatan:

Gallad waliba ehelkeed
Guul waliba dowgeed
Gego waliba luuqdeed
Gocor waliba sebankii
Guurti waliba doodeed
Gammaan waliba orodkii
Geel waliba socodkii
Gidir waliba xoorkii
Gurgurshaa minqaadkii
Geed waliba hooskii
Garaad waliba dhimirkii
Garashona yagleelgeed
Waxaan uga golleeyahay
Geed la quursadaan ahay
Gabayaa af kala qaad
Geeraarshihiiyoow
Maadigaa halkaagii gabay?
Mase waa gartaayoo
Wax ku gaasiraa jira?
Maya, waa gardaranahay
Saryan gees xun baan ahay
Geenyo hebeda loo dhigo.

Afartaa geddaydiyo
Dheha gocashadaydii
Geed la quursadaan ahay.

Aan galab-carrownee
Owrka gibilka noo saar
Waa guri la gubayoo
Bahaluhu ka guuxaan
God xun baan u hoydaa
Garangoorri lagu gubay
Dulinkuna gun iyo baar
Guunyada ku cirib tiro.

Gafanaan la deris ahay
Aan wada sar goynee
Ila garo geddaan rabo
Sida webi ganaanoo
Geesaha u kala baxay
Gufaacooyinkii mari
Ama dir gu’ hooroo
Dhowr godol irmaanaa
Guulaama roob kici.

Gedda kale waxay tahay
Gurboodkiyo dhallaankiyo
Ganbooleyda dumarkiyo
Garcaddaale odayada
Gaarsii sidaan ahay.

Gaagaabsi ugu sheeg
Inaan ahay gasiin dhaba
Xilli gaajo badan tahay
Geydhadu dul guban tahay
Giiradu silloon tahay
Adhigana la gowracan
Dadku waygu gaataan.

Gabannaa i haybsada
Miraa layga guran jiray
Maantana waxaan gudo
Ama hiil waxaan galo
Miyaad garan kareysaa?

Afartaa geddaydiyo
Dheha gocoshadaydii
Geed la quursadaan ahay.

Gudbi oo ka sii soco
Giraangiri waxaan rabo
Adigoo garaaddo leh
Garta meel ka wada goy
Gacalkana la haasaw
Garashadana igu hubi
Gaagaabsi ugu sheeg
Bir ma geydo inaan ahay
Inaan ahay gabbad dhaba
Guunyadu ku hiratee.

Gedda kale waxay tahay;
Hoorriyow gef baa dhacay
Garangari ma roor baa?
Geyllan dumar ma doogaa?
Gaaggaxo ma darar baa?
Geelwaaq ma daran baa?
Geeraar ma gabay baa?
Guuroow ma hees baa?
Gayradaac ma subax baa?
Gowricis ma nolol baa?
Garwaansigu ma gaajaa?
Gardho geel ma suuf baa?
Galtinnimo ma diid baa?
Gelbis dhacay ma reen baa?
Galoof geel ma ramag baa?

Ini Hoorri Gacan-yare
Xiddiggii galgaalbaa
Galowkooma keenee
Gabbal dhiciyo waaberi
Gocashaan ku suganahay.

Ninna gaar igama hayn
Ninna godin igama dayn
Ninna qodax i gama gurin
Hayeeshee bal googgaa?
Hal-xiraale gaammuray
Gacalka aan u sheegnee
Iga gunud u jeeddada.

Geedyohow bal geeloo
Geedyogow la gaasiray
Geedyohow la dhaawacay
Geedyohow la quursaday
Geedyohow la eersaday
Geedyohow la agab tiray
Geedyohow hu’gii dhigay
Geedyohow gadoodsani
Oraah gaammuraa tidhi;
Gujoo laysu qariyaa
Gacma daalis weeyaan
Aan kuu garaabee
Garta aan ku siiyee
Gebigeed adduunyadan
Guryasama laga degay
Gundhigeeda xaajada
Ninba geyi ha sheegtee
Ama gobol ha joogee
Geesaha markaan dayey
Garashana gun uga dhigay
Miisaanka gabaygiyo
Milgihiisa gocashada
Anigoon ka gaaggixin
Ama godol-macaan tirin
Adigana ku garab marin
Dadku waa gun badatiyo
Gob yaraatay weeyaan.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More