Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Sida aan hore u tebinnay, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa aqbalay soo jeedinta qayb kamid ah saaxiibadiis, waxaana uu ka codsaday qayb kamid ah Xukuumadda in la qaban-qaabiyo kulan martisoor ah oo ay Dowladdu u fidiso Mucaaridka. Kulanka oo markii hore la isku afgartay inuu habeen laga dhigo ayaa dib looga noqday, wuxuuna goor dhaw ka furmayaa Decalr Hotel.

Maxaa laga wada-hadlayaa?

Sida ay inoo sheegeen ilo wargal ah, kulanka ayaa Madaxtooyada ujeedo gaar ah ka leedahay oo aan ahayn heshiis kaasoo ah in ay culayska iskaga dejiso, muujisana inay diyaar u tahay xal, gogoshuna ay wali taallo Villa Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa wata sidii usii wadi lahaa qorshihiisa, waxaana uu rabaa inuu ku qanciyo Madaxda Puntland iyo Jubaland inay kusoo noqdaan Golaha Wadatashiga Qaran.

Dowladda Federaalka ah ayaa weli diidan doorashadii Jubaland, 2024, waxayse ogashahay Madaxtinnimada Axmed Madoobe oo lamid tan Dowlad Goboleedyada kale. Ilo ku dhow Villa Soomaaliya ayaa inoo sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh diyaar u yahay inuu fuliyo soojeedin kasta oo ka timaada Siciid Deni iyo Axmed Madoobe, waxaase ku xidhan inay kusoo noqdaan Golaha Wadatashiga Qaran.

Maxay Mucaaridku doonayaan?

Inkasta oo hore ay uga dhigteen ajandaha ugu wayn Mucaaridka ka hadalka doorashada federaalka, haddase waxaa soo baxaysa in Mucaaridka ay qodobka Ibo-furka u noqonaya wadahadalka uu yahay in meel la saaro Doorashada Dowlad Goboleedyada.

Qayb kamid ah Mucaaridka Soomaaliya ayaa dhankooda diidan sharci ahaanshaha madaxda 3-da Dowlad Goboleed ee ku safka ah Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxayna rabaan shaqada koowaad laga dhigo ka hadalka xilhaynta Cali Guudlaawe, Axmed Qoorqoor iyo Cabdicasiis Laftagareen.

Wax ka baddalka Dastuurka iyo heshiis kasta oo ay galeen Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeele wixii ka danbeeyay 2023 ayay mucaaridku isku raaceen inay yihiin waxba kama jiraan, maadaama ay 3-da Hoggaamiye aysan sharciyad haysan.

Si kastaba, doodda ugu xoogan ee Mucaaridka intiisa badan gole keeneen ayaa ah in Madaxweyne Xasan lagula doodo inuu xukunka ku hayo madax aan sharciyad haysan, oo aysanba aqoonsanayn lana fadhiisanayn.

Madaxda xilkooda la isku haysto iyo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhankooda weli halka ay wax ka bilaabayaan caddayn, kulanka maanta qabsoomaya wixii ka danbeeya ayayna furmaysaa dooddan ugubka ahi.

Maxaa xigi doona kulanka Maanta?

Ma cadda in Madaxtooyad diyaar u tahay in kulan kale oo degdeg ah ay diyaar u tahay. Madaxweynaha ayaa raba wadahadalka kasta uu la gelayo mucaaridka uu ogolaansho iyo aqbalaad ka haysto madaxda ku safka ah ee Baarlamaanka iyo Dowlad Goboleedyada. Waxaa ay u badan tahay inaan wadahadal heshiis lagu galaa uusan Madaxweyne Xasan diyaar u ahayn ilaa Tanaasul ka yimaado dhanka Mucaaridka ama Ajandihiisa siyaasadeed uu meel marsado.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More