Meertada 39aad ee Shir madaxeedka Midowga Afrika ee ka socda magaalada Addis Ababa waxaa si wayn uga dhex muuqda loollan diblomaasiyadeed oo weyn kaasoo hormuud u yahay Sucuudigu.
Sucuudiga oo muddo badan aan faragalin amuuraha Afrika, marka laga reebo marinka diblumaasiyadeed iyo xiriirka laba geesoodka ah ee dalalka kala dhaxeeya ayaa sannadka si wayn uga dhex muuqda kulan weynaha guud ee qaaradda.
Warbixin ay faafisay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa bannaanka keentay in tartan u dhexeeya dalalka Sacuudi Carabiya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ee ka jira Geeska Afrika uu saameyn wayn ku yeeshay shir madaxeedka Midowga Afrika ee ka dhacaya magaalada Addis Ababa.
In kasta oo hoggaamiyeyaasha Afrika ay isku dayayaan inay ka fogaadaan ku milanka loolankan, haddana khilaafkan oo markii hore kasoo billowday dalka Yemen ayaa hadda ku baahay hareeraha Badda Cas iyo gobollada ay colaaduhu ragaadiyeen ee Geeska.
SAAMEYNTA IMAARAADKA IYO ISBAHAYSIGA SACUUDIGA
Sanadihii u dambeeyay, Imaaraadku wuxuu noqday dillaal iyo quwad saameyn weyn ku leh Geeska Afrika – isagoo adeegsanaya maalgashi balaayiin doollar ah, diblomaasiyad xooggan iyo taageero milatari oo qarsoodi ah.
Dhanka kale, Sacuudi Carabiya ayaa hadda bilowday inay dhisato isbahaysi ay ka mid yihiin Masar, Turkiga, iyo Qatar. Warbixinta Reuters ayaa muujinaysa in Sacuudigu uu hadda “soo toosay” kaddib markii uu dareemay khatarta ah inuu lumin karo saameynta Badda Cas, isagoo markii hore ka gaabinayay dhaqdhaqaaqyada uu Imaaraadku ka waday gobolka.
DIIDMADA GOONI-GOOSADKA SOOMAALIYA IYO GO’AANKA SACUUDIGA
Sida ay muujinayso baaritaanka cusub ee Reuters, taageerada ay Abu Dhabi siiso damaca gooni-goosadka ayaa ku khasabtay Sacuudi Carabiya inuu si toos ah u taageerto midnimada Soomaaliya. Riyaad ayaa hadda u aragta “khad cas” isku day kasta oo lagu kala jarayo dhulka Soomaaliya, waxayna Imaaraadka ka dalbanaysaa inuu ka laabto damaca lagu kala qaybinayo dalka, haddii ay kale ay guran doonto miraha ay kahesho dagaalka Sucuudiga.
Arrintan ayaa keentay in Soomaaliya ay xiriirka u jartay Abu Dhabi, kaddib kaalinta Imaaraadka ku leeyahay falalka lagu wiiqayo madax-bannaanida dalka. Tan iyo xilligaas, Soomaaliya waxay heshiisyo dhanka difaaca ah la saxiixatay dalalka Qatar iyo Sucuudiga, halka uu Turkigy uu diyaarado dagaal u soo diray Muqdisho si loo muujiyo cudud milatari oo looga jawaabayo faragelinta Imaaraadka ee Soomaaliya.
XALADDA SUUDAAN IYO DOORKA ITOOBIYA
Dagaalka Suudaan ayaa isna qeyb ka ah loolankan, iyadoo labada quwadood ee Khaliijka lagu eedeynaa inay kala taageerayaan dhinacyada isku haya dalkaas. Imaaraadka ayaa lagu eedeeyay inuu taageero dhanka saadka ah siiyo maleeshiyada RSF, halka dalalka xulafada la ah Sacuudiga ay si weyn u garab taagan yihiin Ciidanka Qaranka Suudaan (SAF) iyo Dowlada sharciga ah ee Suudaan.
Dhanka kale, baaritaan ay samaysay Reuters ayaa lagu ogaaday in Itoobiya ay martigeliso saldhig ku yaal galbeedka dalkaas oo lagu tababaro dagaalyahannada RSF, iyadoo Itoobiya ay si toos ah uga faa’iidaysato taageerada maaliyadeed iyo midda milatari ee Imaaraadka. Sucuudig ayaa laba maalin ka hor u diray Addis Ababa Wasiirka Arrimaha Dibadda si loo gaarsiiyo farriin ah “ma ogolin la shaqaynta RSF, haddii kale waxaad la kulmaysaan dagaalkeena.”
Gobolka oo dhan, Sacuudi Carabiya waxay inta badan ku dhaqantaa inay adeegsato xulafadeeda iyo wakiilladeeda halkii ay si toos ah u faragelin lahayd. Iyadoo Midowga Afrika uu ka hadlayo dhibaatooyinka kale ee qaaradda, haddana loolanka quwadaha shisheeye ee Geeska Afrika ayaa u muuqda mid xaaladda sii murjinaya.
Waxaa jira walaac weyn oo laga qabo in Geeska Afrika uu u kala jajabo garabyo iska soo horjeeda, sababo la xiriira xafiiltanka quwadaha shisheeye iyo saaxiibadooda Afrikaanka ah ee u adeegaya danahaas, taas oo khatar ku ah xasilloonida muddada dheer ee gobolka.

