Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Magaalada Muqdisho waxaa sare martay xamaasadda siyaasadeed kaddib markii ay Caasimadda soo gaareen hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee Puntland iyo Jubaland, kuwaas oo ay weheliyaan musharaxiinta Madaxweynayaasha ee Madasha Samatabixinta ee ay ku midaysan yihiin Golaha Mustaqbalka.

Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed ayaa saaka soo gaaray magaalada Muqdisho si ugu biiro safka mucaaridka. Imaanshaha xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa ahayd farriin siyaasadeed, iyadoo ujeedkoodu yahay sidii xal looga gaari lahaa caqabadaha horyaalla geedi-socodka siyaasadeed ee dalka.

Inkastoo ay madaxdani u yimaadeen sidii wada-hadal ula geli lahayaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, haddana xaqiiqadu waxay tahay in ilaa hadda uusan jirin wax xiriir ah oo rasmi ah ama ballan xilliyeed oo ka yimid dhanka Madaxweynaha.

Ma jirto waqti loo qabtay kulan dhex mara labada dhinac, waxaana la xaqiijiyay in madaxtooyadu aysan weli wax xiriir ah la soo sameyn Mucaaridka. Madaxweyne Shariif oo kulamadii hordhaca ahaa ka maqnaa oo saaka ku biiray shirarka GMS ayaa la filayaa inuu noqdo shaqsiga fura albaabka xiran ee wadahadalka.

Xaaladdan hubanti la’aanta ah waxay keentay in saacadihii la soo dhaafay ay kulamo xasaasi ah yeeshaan dhinaca mucaaradka, kuwaas oo isku raacay haddii galabta ay dhammaato iyadoo uusan madaxweynuhu la soo xiriirin, inaysan sii sugi doonin xilli dambe balse ay bilaabi doonaan tallaabooyin kale oo ku saabsan danta dalka oo iyagu go’aan gaarayaan. Waxayna ballameen inay markale caawa is arkaan.

Dhanka kale, waxaa soo baxaya warar sheegaya in Madaxweynuhu uu ku jiro qorshe meeraysi ah, isagoo ku hamminaya inuu soo hormariyo safar uu ugu kicitimo magaalada Addis Ababa. Damaciisa ugu weyn ayaa lagu sheegay helista labo qodob kahor la fadhiisiga mucaaridka, inuu marka hore soo dhammaystiro arrimaha dastuurka iyo in la aqbalo shuruudo ay ka mid tahay in shirarka lagu qabto Madaxtooyada Soomaaliya, taas oo u muuqata caqabad hor leh oo ku soo korortay wadahadallada magaalada Muqdisho laga filayay.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More