Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Tan iyo markii ay Soomaaliya qaadatay xorriyadda sannadkii 1960-kii, himilooyinka qaranku waxay ku dhisnaayeen helitaanka caddaalad iyo dhowrista karaamada bini-aadamka.

Muddadii lagu jiray nidaamka dimuqraadiga ah ee lixdanaadkii, inkasta oo ay jireen dadaallo dastuuri ah, haddana laguma guulaysan hay’ad qaran oo u madax-bannaan ilaalinta xuquuqda aadanaha. Xaaladda ayaa sii xumaatay wixii ka dambeeyay 1969-kii, markaas oo dalku galay nidaam ciidan oo meesha ka saaray mabaadi’dii xuquuqda aadanaha iyo dastuurkiiba, taas oo horseedday in muddo ka baddan 50 sano ah (iskudarka xukunkii Milatariga iyo burburkii) uu dalku dhex maquurto colaado iyo burbur baahsan oo saameeyay xuquuqdii asaasiga ahayd ee muwaadinka.

Dadaalladii Dib-u-kabashada 1993 ilaa 2025-kii

Wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe, Soomaaliya waxay soo martay marxalado kala duwan oo dib-u-dhis ah. Muddo dheer, arrimaha xuquuqda aadanaha waxaa gacanta ku hayay guddiyo ku-meel-gaar ah (Task Forces) iyo hay’ado caalami ah, maadaama aysan jirin hay’ad qaran oo sharci ku dhisan.

Markii ugu horraysay Qaramada Midoobay ayaa sannadkii 1993 usoo magacowday Soomaaliya Ergay kormeera xaaladda xuquuqul Insaanka dalka. Dedaaladii kala dambeeyay ee dowlad dhiska Soomaaliya, waxaa barbar socday koritaanka iyo waxka qabashada xaaladda aadanaha Soomaaliya.

Markii uu dalku ka baxay kumeelgaarka, waxay Wasaaradda xuquuqul Insaanku ay sannadkii 2013 horgaysay Barlamaanka xeerka abuurista guddi kormeer oo lasocda xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya, kaas oo noqday bar bilowga dhismaha hay’adaha qaran ee Xuquuqul Insaanka dalka.

Isbeddelka dhabta ah ayaase yimid markii Golaha Xukuumadda Soomaaliya uu 25kii Sebteembar ee 2025 uu soo magacaabay Guddiga Madaxabannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, taas oo horseeday in la qaado tallaabooyin is-xigxiga oo lagu dhisay guddiga.

8-dii Oktoober ee isla sannadkaas, Golaha Xuquuqda Aadanaha ee QM ayaa shirkoodii si rasmi ah Soomaaliya ugu soo wareejiyay maamulka iyo u madax bannaanta hawlaheeda xuquuqda aadanaha. Waxay ahayd hiigsi qaran oo muddo soo jiitamayay, kaas oo ku dhammaaday in 10-kii Disembar 2025, si rasmi ah loo dhaqan-geliyo sharciga Guddiga Qaranka ee Xuquuqda Aadanaha.

Tallaabadan ayaa ahayd guul taariikhi ah oo dalka u horseedday inuu markii ugu horreysay yeesho hay’ad dastuuri ah oo leh awoodo baaris, cilmi-baaris, iyo wacyigelin, taas oo ka madax-bannaan faragelinta fulinta.

Halista Cusub iyo Curyaaminta Guddiga

Nasiib darro, rajadaas laga qabay Guddiga ka kooban 9-ka xubnood ee ay hoggaaminayso Dr. Maryan Qaasim Axmed, oo la doortay 4tii bishan Febraayo 2026, waxaa soo wajahay halis hor leh, taas oo khatar ku ah sii socoshada shaqada Guddiga. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa billowday qorshe nidaamsan oo lagu curyaaminayo madaxbannaanida Guddiga.

Madaxtooyada oo ka careysan in murashaxii ay wadatay looga adkaaday doorashadii Guddoonka ayaa Guddiga hordhigay dhawr jdigooyo oo isxigxiga oo ay u dambaysay warqad loo qoray Safaaradaha Beesha Caalamka

Sida ay inoo sheegeen ilo xog ogaal ah Madaxtooyada ayaa soo gudbisay in haddii Guddoomiyihii Guddiga looga adkaaday in dhankeeda la siiyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda, iyadoo doonaysa in booskaas loo adeegsado sidii ay saamayn ugu dhexyeelan lahayd shaqada Guddiga. Sababta ay Madaxtooyada jagooyinkaas u doonaysay ayaa lagu sheegay in go’aanka xubnaha ay saamayso oo aan wax ka dhan ah aysan kasoo bixin.

Xubnaha iyo maamulka hay’adda oo fahamsan doonista Villa Soomaaliya ayaa fuliyay shardigii magacaabista Agaasimaha Guud, hase ahaate lama siin dhanka Madaxtooyada. Kaddib markii xubintaas la magacaabay, oo ay wayday Madaxtooyadu shaqsigii ay u rabtay, waxay u gudubtay inay khilaaf ka dhex kiciso xubnaha guddiga. Waxaa loo adeegsaday Murashaxii looga guulaystay tartankii guddoomiyenimada iyo saddexdii xubnood ee kale oo codkooda siiyay, kuwaas oo hadda bilaabay inay caqabad ku noqdaan hoggaanka Dr. Maryan Qaasim, iyagoo ku doodaya inaysan Guddoomiyuhu xaq u lahayn magacaabista agaasimaha iyo hoggaaminta maamulka.

Warqad ay maalinkii 10-ka bishan ay xubnaha taageersan Murashaxii laga guylaystay u direen danjirayaasha beesha caalamka waxay ku eedeeyeen guddoonka cusub mid qabyaalad, kicin iyo xagjirnimo ka shaqaynaysa ayna sidaas darteed ay shaqadii Guddida Xuquuqal Insaanka noqotay mid aan socon karin oo horusocod ahayn.

Haddaba, xaaladdan murgaysan waxay keentay in hay’adaha xuquuqda aadanaha ka taageera Soomaaliya iyo Safaaradaha reer Galbeedka ee fadhigoodu yahay Muqdisho ay dareemaan walaac xooggan. Waxay si cad Dowladda Federaalka uga codsadeen inay joojiso faragelinta tooska ah ee ay ku hayso guddiga, iyagoo tilmaamay in curyaaminta miisaaniyadda iyo kicinta khilaafaadka guduhu ay meel ka dhac ku tahay sharcigii lagu asaasay guddiga iyo nidaamka caalamiga ah ee ilaalinta xuquuqda aadanaha.

In kasta oo Soomaaliya ay markii ugu horreysay taariikhda yeelatay hay’ad qaran oo xuquuqda aadanaha ilaalisa, haddana faragelinta Madaxtooyada waxay halis gelinaysaa in guddigu noqdo mid magac u yaal ah.

Haddii aan Guddiga laga joojin faragelinta, waxaa lumaya fursaddii ugu weynayd ee lagu ilaalin lahaa xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed, taas oo dib u celinaysa guulihii laga gaaray dib-u-dhiska dowladnimada tan iyo 1991.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More