Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

W/Q: Maxamuud Cali Aadan Hoorri

Gobannimadu waa astaan qaran oo uu qof kasta oo bani’aadam ahi jecel yahay, waana summad mudan in lagu faano, lagu faafeeyo, laguna ilaaliyo naf iyo maalba. Waa qiime ku lammaan jiritaanka ummad kasta, waana tiirka ugu weyn ee ay ku dhisanto karaamada, haybadda, iyo madax-bannaanida qaran. Qof ama ummad aan lahayn gobannimo dhammaystiran waxa ay ku nooshahay hoosaysi, silic, iyo go’aan la’aan, iyada oo masiirkeedu ku xiran yahay cid kale.

Dalalka awoodda iyo karaanka leh waxa ay isku qaddariyaan heerka ay u madax-bannaan yihiin go’aamadooda siyaasadeed, dhaqaale, iyo amni. Sidoo kale, waxa ay ku faanaan sida ay u ilaashadaan midnimadooda, sharcigooda, iyo danahooda qaran. Soomaaliya waa dal xor ah oo leh gobannimo sugan, taariikh fac-weyn, iyo sooyaal qaran oo qiimo iyo mudnaan gaar ah leh, kaas oo ka dhashay halgan dheer iyo naf-hurid ay sameeyeen halyeeyo aan la illaawi karin.

Haddaba, gobannimadu maxay ka dhigan tahay?

Gobannimadu waa:

– In dal leeyahay maamul u gaar ah oo ka dhashay rabitaanka shacabka.

– In sharciga, siyaasadda, iyo dhaqaalaha lagu hago go’aan ay gaareen muwaadiniinta dalka.

– In la dhowro astaamaha qaranka sida calanka, afka, dhaqanka, iyo diinta.

– In go’aamada masiiriga ah ay gaaraan dadka dalka leh, iyada oo aan faragelin shisheeye la aqbalin.

Xorriyaddu waa astaan muujinaysa midnimo, karaamo, iyo madax-bannaani qaran. Waa dhaxal qaali ah oo lagu xusuusto halgankii adkaa ee ay soo mareen halyeeyadii gobannimo-doonka Soomaaliyeed, kuwaas oo naftooda, maskaxdooda, iyo hantidooda u huray in ay ummaddan gaarsiiyaan maalin xor ah.

Marka aan milicsanno taariikhdeenna dahabiga ah, waxa si gaar ah u iftiimaya laba maalin oo lama illaawaan ah:

– 26-kii Juun 1960, markaas oo Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ay ka xoroobeen gumeysigii Ingiriiska.

– 1-dii Luulyo 1960, markaas oo Gobollada Koonfurta Soomaaliya ay ka xoroobeen gumeysigii Talyaaniga, isla markaana labadii gobol ay ku midoobeen dhismaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Labadan maalmood waxa ay saldhig u yihiin jiritaanka qaranimada Soomaaliyeed, waana xusuus qaran oo ku reebtay raad qoto dheer qalbiga iyo maskaxda ummadda Soomaaliyeed.

Dhawaan ayay ahayd markii Ra’iisul Wasaaraha dowladda Israa’iil uu ku dhawaaqay tallaabo uu ku sheegayo aqoonsi uu siiyay goonni-goosadka Gobollada Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya. Tallaabadan waxa ay ahayd mid gardarro ah, sharci-darro ah, isla markaana si weyn u ruxday quluubta dhammaan dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba. Taariikhda 26-12-2025 waxa ay noqotay bar madow oo ku xardhan bogagga sooyaalka ummadda Soomaaliyeed.

Soomaalidu waxa ay tiraahdaa: “Midnimaa dad lagu yahay.” Weedhan qiimaha leh waxa ay muujinaysaa in xooggeenna, sharafkeenna, iyo jiritaankeenna qaran ay ku xiran yihiin midnimo iyo wadajir. Qaranimadu waa qiimaheenna ugu weyn, midnimaduna waa difaaceenna ugu adag.

Gabagabadii, gobannimadu gorgorrin ma leh; waa hanti qaran oo aan la kala gadan karin, lana dhaxlo jiilba jiil. Waa masuuliyad saaran muwaadin kasta oo Soomaaliyeed in uu u istaago ilaalinta, difaaca, iyo horumarinta gobannimada iyo midnimada dalka. Ilaalinta qarannimada iyo sooyaalka fac-weyn ee ummaddani leedahay waa waajib qaran oo aan marna laga tanaasuli karin.

Indhoweyd Gurraasow

Guux baa arlada jirey

Ku salaysan guur iyo

Kolkii loo gabbala-deyey

Netanyaaho Gaalkii

Loo hooyey Gaasira

Talo way gidaaddaye

Gelbiskiyo arooskii

Iyo sacab garaacii

Maqlay gabayadaadii

Goor laysu soo baxay

Aad ka tirisay goobtii.

Goblan talo adduunyoy

Gudcur iyo caddays xiga

Hadhka labada gelin baa

Ruux go’aa habeenkii

Mid dhashaa gadiidkii

Gadaal looma guuree

Ninka damalka geedkiyo

Gaadiidka reerkiyo

Gurgurshaaga dooxow

Golxobkiyo ableydiyo

Yaa godinka kuu tumay?

Gadhwadeenka liicow

Gumaadaha miciinshow

Waxa aadan garan karin

Geli karin kaskaagiyo

Golahaad u madax tahay

Gobanimo gorgorin ma leh

Guluf iyo dagaal iyo

Gamas dhiigle weeyaan

Gurmadkoo is gaadhiyo

Gawrac cadowga weeyaan!

Gundhiggeeda sheekada

Waxaan uga gol leeyahay

Waa horaa guyaal jire

Wuxu yidhi Gadhxiirow

Inkastood gunnaysoo

Ama aad gargaartaba

Gebgebtiisa Ferenjiga

Iyo Gaal-Yuhuudiya

Guul uu ku siiyiyo

Gamba lagama dheefee

Ninka galab Bangoor iyo

Erik gacalka moodow

War yaan gaajo kugu dilin!

Ninka gaatamaayoow

Gobballada galbeed iyo

Gacankii Berbera yimid

Gurbood geela raaciyo

Gabadh adhi la joogtaa

Qarka yey ku gabawarin

Ama goodba kugu cunin

Dhulka meesha godan iyo

Gumarada dhexdoodee.

Ninka gooddinaayow

Raba gobolladaydiyo

Halka gogoshu ii taal

Gaashaandhig adag iyo

Gaadh-hayaha waxaan ahay

Dabka garabka saaroo

Goobaha dagaalkiyo

Halka laysku gawraco

Gallad kala carraaboo

Gantaalaha cadceeddiyo

Ima damaqdo gaajadu!

Gebagebada maansada

Aan ku soo gunaanado

Yamyam gaylankiisii

Ama gabay-ku-dirirkii

Hadal laga guntuu yidhi

“Guun soo jiraan nahay

Qaran iyo gob baan nahay

Lixdankii gumaysiga

Gacantiisa kala baxay

Calan midab u gaariyo

Sumad lagu gartaa tahay

Xiddigtaa shan geeska ah.

Maxamuud Cali Aadan Hoorri waa cilmibaare, qoraa iyo xeeldheere ogaal u leh afka,dhaqanka, fanka, hiddaha iyo  suugaanta.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More