W/Q: Maxamuud Cali Aadan Hoorri
Gobannimadu waa astaan qaran oo uu qof kasta oo bani’aadam ahi jecel yahay, waana summad mudan in lagu faano, lagu faafeeyo, laguna ilaaliyo naf iyo maalba. Waa qiime ku lammaan jiritaanka ummad kasta, waana tiirka ugu weyn ee ay ku dhisanto karaamada, haybadda, iyo madax-bannaanida qaran. Qof ama ummad aan lahayn gobannimo dhammaystiran waxa ay ku nooshahay hoosaysi, silic, iyo go’aan la’aan, iyada oo masiirkeedu ku xiran yahay cid kale.
Dalalka awoodda iyo karaanka leh waxa ay isku qaddariyaan heerka ay u madax-bannaan yihiin go’aamadooda siyaasadeed, dhaqaale, iyo amni. Sidoo kale, waxa ay ku faanaan sida ay u ilaashadaan midnimadooda, sharcigooda, iyo danahooda qaran. Soomaaliya waa dal xor ah oo leh gobannimo sugan, taariikh fac-weyn, iyo sooyaal qaran oo qiimo iyo mudnaan gaar ah leh, kaas oo ka dhashay halgan dheer iyo naf-hurid ay sameeyeen halyeeyo aan la illaawi karin.
Haddaba, gobannimadu maxay ka dhigan tahay?
Gobannimadu waa:
– In dal leeyahay maamul u gaar ah oo ka dhashay rabitaanka shacabka.
– In sharciga, siyaasadda, iyo dhaqaalaha lagu hago go’aan ay gaareen muwaadiniinta dalka.
– In la dhowro astaamaha qaranka sida calanka, afka, dhaqanka, iyo diinta.
– In go’aamada masiiriga ah ay gaaraan dadka dalka leh, iyada oo aan faragelin shisheeye la aqbalin.
Xorriyaddu waa astaan muujinaysa midnimo, karaamo, iyo madax-bannaani qaran. Waa dhaxal qaali ah oo lagu xusuusto halgankii adkaa ee ay soo mareen halyeeyadii gobannimo-doonka Soomaaliyeed, kuwaas oo naftooda, maskaxdooda, iyo hantidooda u huray in ay ummaddan gaarsiiyaan maalin xor ah.
Marka aan milicsanno taariikhdeenna dahabiga ah, waxa si gaar ah u iftiimaya laba maalin oo lama illaawaan ah:
– 26-kii Juun 1960, markaas oo Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ay ka xoroobeen gumeysigii Ingiriiska.
– 1-dii Luulyo 1960, markaas oo Gobollada Koonfurta Soomaaliya ay ka xoroobeen gumeysigii Talyaaniga, isla markaana labadii gobol ay ku midoobeen dhismaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Labadan maalmood waxa ay saldhig u yihiin jiritaanka qaranimada Soomaaliyeed, waana xusuus qaran oo ku reebtay raad qoto dheer qalbiga iyo maskaxda ummadda Soomaaliyeed.
Dhawaan ayay ahayd markii Ra’iisul Wasaaraha dowladda Israa’iil uu ku dhawaaqay tallaabo uu ku sheegayo aqoonsi uu siiyay goonni-goosadka Gobollada Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya. Tallaabadan waxa ay ahayd mid gardarro ah, sharci-darro ah, isla markaana si weyn u ruxday quluubta dhammaan dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba. Taariikhda 26-12-2025 waxa ay noqotay bar madow oo ku xardhan bogagga sooyaalka ummadda Soomaaliyeed.
Soomaalidu waxa ay tiraahdaa: “Midnimaa dad lagu yahay.” Weedhan qiimaha leh waxa ay muujinaysaa in xooggeenna, sharafkeenna, iyo jiritaankeenna qaran ay ku xiran yihiin midnimo iyo wadajir. Qaranimadu waa qiimaheenna ugu weyn, midnimaduna waa difaaceenna ugu adag.
Gabagabadii, gobannimadu gorgorrin ma leh; waa hanti qaran oo aan la kala gadan karin, lana dhaxlo jiilba jiil. Waa masuuliyad saaran muwaadin kasta oo Soomaaliyeed in uu u istaago ilaalinta, difaaca, iyo horumarinta gobannimada iyo midnimada dalka. Ilaalinta qarannimada iyo sooyaalka fac-weyn ee ummaddani leedahay waa waajib qaran oo aan marna laga tanaasuli karin.
Indhoweyd Gurraasow
Guux baa arlada jirey
Ku salaysan guur iyo
Kolkii loo gabbala-deyey
Netanyaaho Gaalkii
Loo hooyey Gaasira
Talo way gidaaddaye
Gelbiskiyo arooskii
Iyo sacab garaacii
Maqlay gabayadaadii
Goor laysu soo baxay
Aad ka tirisay goobtii.
Goblan talo adduunyoy
Gudcur iyo caddays xiga
Hadhka labada gelin baa
Ruux go’aa habeenkii
Mid dhashaa gadiidkii
Gadaal looma guuree
Ninka damalka geedkiyo
Gaadiidka reerkiyo
Gurgurshaaga dooxow
Golxobkiyo ableydiyo
Yaa godinka kuu tumay?
Gadhwadeenka liicow
Gumaadaha miciinshow
Waxa aadan garan karin
Geli karin kaskaagiyo
Golahaad u madax tahay
Gobanimo gorgorin ma leh
Guluf iyo dagaal iyo
Gamas dhiigle weeyaan
Gurmadkoo is gaadhiyo
Gawrac cadowga weeyaan!
Gundhiggeeda sheekada
Waxaan uga gol leeyahay
Waa horaa guyaal jire
Wuxu yidhi Gadhxiirow
Inkastood gunnaysoo
Ama aad gargaartaba
Gebgebtiisa Ferenjiga
Iyo Gaal-Yuhuudiya
Guul uu ku siiyiyo
Gamba lagama dheefee
Ninka galab Bangoor iyo
Erik gacalka moodow
War yaan gaajo kugu dilin!
Ninka gaatamaayoow
Gobballada galbeed iyo
Gacankii Berbera yimid
Gurbood geela raaciyo
Gabadh adhi la joogtaa
Qarka yey ku gabawarin
Ama goodba kugu cunin
Dhulka meesha godan iyo
Gumarada dhexdoodee.
Ninka gooddinaayow
Raba gobolladaydiyo
Halka gogoshu ii taal
Gaashaandhig adag iyo
Gaadh-hayaha waxaan ahay
Dabka garabka saaroo
Goobaha dagaalkiyo
Halka laysku gawraco
Gallad kala carraaboo
Gantaalaha cadceeddiyo
Ima damaqdo gaajadu!
Gebagebada maansada
Aan ku soo gunaanado
Yamyam gaylankiisii
Ama gabay-ku-dirirkii
Hadal laga guntuu yidhi
“Guun soo jiraan nahay
Qaran iyo gob baan nahay
Lixdankii gumaysiga
Gacantiisa kala baxay
Calan midab u gaariyo
Sumad lagu gartaa tahay
Xiddigtaa shan geeska ah.
Maxamuud Cali Aadan Hoorri waa cilmibaare, qoraa iyo xeeldheere ogaal u leh afka,dhaqanka, fanka, hiddaha iyo suugaanta.

