Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Go’aanka uu qaatay sanduuqa hawlgabka labaad ee ugu weyn dalka Canada ee CDPQ, kaas oo uu ku hakiyay dhammaan iskaashigii maalgashi ee ay la lahaayeen shirkadda DP World, ayaa gilgilay suuqyada caalamiga ah.

Tallaabadan xasaasiga ah ayaa timid kaddib markii ay soo baxeen xogta Iimaylo (Emails) muujinaya xiriir dhow oo muddo dheer soo jiray oo u dhexeeyay Maamulaha Guud ee DP World, Suldaan Axmed Sulaym iyo maalqabeenkii geeriyooday ee Jeffrey Epstein, kaas oo ku caan-baxay dambiyada ka ganacsiga carruurta.

Xogta cusub ee ay baahiyeen waaxda caddaaladda ee Maraykanku ee daaha ka rogtay in Bin Sulaymiyo Epstein ay isweydaarsanayeen farriimo aan habboonayn muddo toban sano ka badan, iyadoo sidoo kale ay jiraan eedeymo sheegaya in magaca bin Sulaym loo isticmaalay qaar ka mid ah dhaqdhaqaaqyada hantida Epstein.

Maaddaama CDPQ ay maamusho hantida dadweynaha, waxay sheegeen inaysan u dulqaadan karin wax kasta oo wax u dhimaya qiyamkooda, taas oo keentay inay dalbadaan baaritaan dhab ah oo banaanka lagu keeno buuxa xiriirkaas, inta ka horreysana ay gabi ahaanba hakiyeen maalgashigii cusbaa.

Go’aankan ayaa dhabar-jab ku ah sumcadda caalamiga ah ee DP World, iyadoo cadaadis xooggan ku saaraysa maamulka sare ee shirkadda inay qaadaan tallaabooyin cad-cad si loo badbaadiyo kalsoonida maalgashadayaasha reer Galbeedka, kuwaas oo hadda aad uga yaaban xiriirka Suldaan Sulaym iyo Epstein.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More