Sida ay qortay jariidada Times of Islamabad taariikhdu markay ahayd 8-da Febraayo 2026, dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hadda ku jirta weji aad u horumarsan oo wadahadal ah, kaas oo ujeedkiisu yahay in dalka Pakistan looga iibsado 24 diyaaradood oo ah nooca casriga ah ee JF-17 Thunder Block III.
Tallaabadan ayaa lagu sifeeyay mid ka mid ah go’aannadii ugu saamaynta badnaa ee ay Soomaaliya qaaddo tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee 1991-kii, iyadoo doonaysa inay dib u soo celiso maqaamkeedii milatari ee gobolka Geeska Afrika.
Wadahadalladan ayaa helay tixgelin heer sare ah ka dib markii magaalada Islamabad uu booqasho rasmi ah ku tagay wafdi milatari oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliya, Jeneraal Maxamuud Sheekh Cali (Dable Baylood).
Ilaha ay warbixintu xiganayso waxay tilmaamayaan in heshiiskani uusan ahayn oo kaliya iibsi diyaaradeed, balse uu yahay iskaashi istiraatiijiyad ballaadhan leh.
Diyaaradda JF-17 Block III, oo ay wada soo saaraan Pakistan iyo Shiinaha, ayaa ah nooca ugu dambeeyay ee diyaaradahaas (4.5 generation), iyadoo ku qalabaysan tignoolajiyadda radar-ka ee AESA iyo gantaallada riddada dheer, taas oo Soomaaliya u sahlaysa inay si hufan u ilaaliso xuduudaheeda badda iyo berrigaba.
Sida uu qoray bogga Defence Security Asia, dowladda Soomaaliya waxay dooratay diyaaraddan sababtoo ah “waa mid la awoodi karo, casri ah, isla markaana ku habboon baahiyaha ammaan ee hadda jira.” Qiimaha hal diyaarad ayaa lagu qiyaasaa inta u dhaxaysa $25 milyan ilaa $30 milyan, taas oo aad uga jaban diyaaradaha reer Galbeedka, balse bixisa awood milatari oo dhigma.
Sikastaba, xogta ayaa xaqiijinaya in heshiiskan uu qayb ka yahay qorshe weyn oo lagu dhisayo ciidanka qaranka, iyadoo lala kaashanayo saaxiibada sida Pakistan, Sucuudiga, iyo Turkiga. Marka la dhammaystiro, 24-ka diyaaradood ee JF-17 waxay Soomaaliya ka dhigi doonaan mid ka mid ah quwadaha ugu waaweyn ee dhinaca hawada ee Bariga Afrika, taas oo fure u ah xasilloonida muddada dheer iyo la dagaallanka kooxaha nabad-diidka ah.
Kaddib saacado markii warbixintu soo baxday Soomaaliya ayaa heshiis iskaashi milatari la saxiixatay Boqortooyada Sucuudiga si ay uga garab siiso dhismaha ciidanka iyo agabkooda. Sucuudiga waxa uu dhawaan diyaaradahan uu iibiyay dalka Suudaan, waxaana la filayaa inuu heshiiskaas mid lamid ah hadda Soomaaliya miiska uu saaran yahay.

