Maxamed Xasan Maxamed (Cirro)
Waxaa 8da Febraayo 2026, magaalada Galdogob ee gobolka Mudug lagu boqray Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali Geesood, oo ah hoggaanka ugu sarreeya madax dhaqameedka Beelaha Tanade Daarood, Leelkase.
Taariikhda Saldanadda Ugaaska oo saddex fac soo jirtay, waxay ku aroortaa hayb ahaan Leelkase, Muumin Aadan, Maxamed Mumin, Reer xaaji. Ugaaska la boqray, wuxuu beddelayaa walaalkii, Alle ha u naxariistee, Ugaas Axmed Ugaas Maxamed oo geeriyooday sanadkii 2014.
Madasha lagu boqray ugaaska cusub oo si qurux badan loo bilay, waxay lahayd haybad iyo muumuus sarreeya. Waxaa ka soo qayb gashay marti sharaf badan oo ay ka mid yihiin madax dhaqameed ka kala timid deegaamada Soomaalida, siyaasiyiin, madaxda maamullada Puntland, Galmudug, Wasiiro iyo Xildhibaanno ka socda Dowladda Federaalka, ganacsato iyo bulsho gudaha iyo dibadda dalka isaga kala timid. Martida kala duwan iyo siyaasiyiinta is diidan ee gogosha wada fadhida ayaa ka dhigtay madasha in ay yeelato dareen ka badan caleema saar iyo dhaqan.
Ugaas Cabdiraxmaan wuxuu ku dhashay magaalada Gaalkacayo qiyaasta 1965tii oo uu kaga baxay waxbarashada Dugsiga Sare,m. Wuxuu heerka koowaad ee Jaamacadda ka qaatay Kuliyadda Dhaqaalaha ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed 1987. Heerka labaad ee Jaamacadda wuxuu ka diyaariyey culuumta horumarinta iyo qorsheynta oo uu kaga soo baxay dalka Jarmalka.
Wuxuu ka soo shaqeeyey hay’ado dowladeed oo kala duwan oo dhinac maamulka maaliyadda iyo qorsheynta. Sidoo kale, wuxuu wakhti la soo shaqeeyey hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gargaarka iyo horumarinta. Wuxuu ka soo hawl galay dalalka Soomaaliya, Kenya, Ghana iyo Netherland, isaga oo si fiican ugu hadla afafka Soomaaliga, Carabiga iyo Ingiriiska.
Ugaas Cabdiraxmaan oo loogu duub xiray hoggaan dhaqan, waxaa caana shubkiisu ku soo beegmay xilli muhiim u ah Beelaha Tanade iyo dadka ku nool guud ahaan gobolka Mudug oo ay daashadeen dagaallo beeleed oo soo noqnoqday oo aan xal loo helin, waxaana looga fadhiyaa Ugaaska in uu raadiyo sidii dadka wada degan Mudug ay nabad ugu wada noolaan lahaayeen.
Beesha Tanade waxay caan ku ahayd qarniyaal barashada iyo fidinta aqoonta diinta Isaalmka. Waxay door muhiim ah ka qaadatay difaaca dalka iyo nabadda gobolka. Awoowga ugaaska la doortay ku abtirsado ee Muumin Aadan wuxuu ka mid yahay culimada iyo awoowayaasha laga soo farcamay ee fara ku tiriska ah ee ka tegey qoraallo taariikheed dhaxal u ah dadkiisa.
Horraantii 1970maadkii Cilmi baarayaal ka socday Akademiyaha Afka iyo Dhaqanka Soomaaliya, ayaa bilaabay safarro ay ku ururinayaan wixii taariikh iyo agab qoraaleed ah ee yaalay Saldanadaha qabiilka, fadhiyada culimada iyo xarumaha dariiqooyinka ee diinta lagu barto. Koox ka mid ah cilmibaarayaashii waxay tageen fadhigii Ugaas Maxamed. Waa Ugaaska hadda la doortay abbihii, waxayna ka codsadeen in uu Akademiyaha ku wareejiyo dhigaallada iyo wixii taariikh qoraal ee uu qoray Muumin Aadan iyo culimadii Beesha, si looga dhigo kayd qaran.
Ugaas Maxamed wuu diiday dalabkaasi, isagoo u cuskaday in ay tahay dhaxal muddo dheer ay soo ilaalinayeen oo jiilal badan isu soo dhiibayeen oo aysan gacan kale gelin karin. Waxay ahayd go’aan geesinimo leh, iyadoo dowladdii kacaanka oo awood leh ka taliso dalka ayaa Ugaas Maxamed ku adkaystay in uusan cidna siinayn wax ka mid ah oo dhaxal qoraaleedka loo dhiibay. Tani waxay muujinaysay geesinimada iyo ilaalinta tiirarka bulshada uu Ugaaska u yahay.
Cilmi baarayaashi ka socday Akademiyaha iyagoo fara maran ayey ka soo noqdeen fadhigii Ugaas Maxamed. Akadeemiyada Afka iyo Dhaqanka waxaa sanadahaasi ay ka soo ururisay guud ahaan dalka wax ka badan 300 oo Far Guri, sumado taariikheed iyo qoraallo wakhti hore la qoray, waxayna ku kaydiyeen Akademiyaha. Nasiib darro, waxay kulumeen dhaxalkaasi dagaalladii sokeeye, waxaana caddayd in Ugaas Maxamed uu ku saxsanaa diidmadiisa, arrintani waa tiir muhiim u ah Ugaaska cusub in uu ku daydo aabbihii oo uu go’aankaas oo kale qaadan karo.
Madax dhaqameedku waa udub dhexaadka hab maamuuska gole joog, leh ku hirasho iyo awood la xiriirta xalinta khilaafaadka bulshada, waxayna si madax banaan u maareeyaan arrimaha ka dhex aloosma qabaa’ilka. Madax dhaqameedku waa albaabka laga galo qabiilka. Wuxuu leeyahay duub iyo mudnaan ay la socoto erey xooggan, ismaqal, aamin lagu qabo gudoonkiisa iyo duco la aqbalo. Intii nidaamka dowladdu ka burburay Soomaaliya, madaxda dhaqanka ayaa ahaa tiirka nabadda.
Hogaanka dhaqan ee qabaa’ilka Soomaalidu wuxuu u dhisanyahay hab jaranjaro oo maamul oo sidii silsilad isugu xiran oo u daadegta cuqaasha jilibyada, taas oo u fududaysa isimka in uu hoggaamiyo beesha, hufnaanta go’aamada caddaaladeed ee isimku gaaro waxay u keenta isaga iyo qabiilka uu metelo haybad sarreeysa iyo xushmo dheeraad ah oo lagu soo hirto.
Bulshada Tanade oo ah reer ballaaran waxay leedahay aqoonyahanno waxtar leh oo horumarinta bulshada Soomaaliyeed qayb libaax ku leh. Waxaa kale oo ay leedahay jaaliyaddo dibadeed oo firfircoon. Gudaha dalka waxay ku xooggan tahay ganacsiga iyo dhaqashada xoolaha, waxaase culays ka haystaa khilaaf ka dhex jira siyasadda gudaha qabiilka, waana hawsha kale ee wayn ee hortaalla Ugaasku, loogana fadhiyo in uu mideeyo aragtida siyaasiyiinta beesha, si ay u muujiyaan awoodooda, in deegaanka beeshu helo adeegyadii dowladda iyo xuquuqaha saamiyada siyaasadeed.
Ugaas Cabdiraxmaan wuxuu madax dhaqameed u noqonayaa beel dad iyo duunyo buuxda, balse u baahan hoggaan arrimahooda ururiya, tubta ugu wanaagsan ee ay tahay in uu ku dhaqmowaa in uu raaco dardaarankii awoowayaashii iyo qoraal gacmeedka taariikhda ah ee uu u qoray Muumin Aadan, ugana tegey duriyaddiisa. Waxaan qiyaasayaa in qoraalladaasi oo dhaxal bulsho ah ay dhex yaallaan fadhiga slSaldanadda Reer Ugaas, cuskashada ugu weyn ee dardaaranka aawoowayaashiis waa adkaynta digriga Alle iyo dugsashada diinta Islaamka.
Waxaan ka baryayaa Alle in Ugaaska uu u fududeeyo mas’uuliyadda weyn.
Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) waa Qoraa, iyo Xeeldheere Arrimaha Dhaqanka iyo Taariikhda.

