Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Sida ay horey u baahisay Somali Stream, waxaa isbeddel weyn oo lama filaan ah uu ku yimid jadwaladii siyaasadeed ee dalka.

Shirkii aadka loo sugayay ee u dhexeeyay Dowladda Federaalka iyo hoggaanka Mucaaradka Madasha iyo Dowlad Goboleedyada diiddan hannaanka doorashada ee ku midaysan Golaha Mustqabalka ayaa si rasmi ah dib loogu riixay.

Sababta dib-u-dhaca ayaa lagu sheegay sida aan hore u baahinay safarro muhiim ah oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baxayo magaalooyinka Dooxa iyo Qaahira.

Sikastaba, waxaa hadda xaqiijinay in maanta ilaa caawa fiidkii hore la gaaray xal degdeg ah oo lagu qabtay ballan cusub.

Ballanta Cusub, Cadaadiska Beesha Caalamka iyo Xalka Degdegga ah

Inkasta oo jawigu u muuqday mid cakiran saacadihii hore ee maanta, haddana waxaa si weyn u shaqeeyay cadaadis xooggan oo ka yimid xafiisyada Beesha Caalamka ee Muqdisho.

Kaddib saacado badan oo ay socdeen wadahadallo hoose oo albaabadu u xidhan yihiin oo isugu jiray kuwa xiriir fog ah iyo kuwa toos ah, waxaa ugu dambeyn la isku raacay heshiis cusub iyo xal degdeg ah oo looga gudbayo is-mari-waaga taagan, loona bilaabo shirka.

Beesha Caalamka ayaa u muuqata inay damaanad qaad ka bixisay in shirka soo socda uu noqdo mid miro-dhal ah, wixii kala shaki ammaan ahna ay iyada qaadayso, iyadoo culayska la saaray inaan la lumin fursadda wadahadalka inta aan loo gudbin tallaabooyin dhinac kasta ah oo xaaladda uga sii daraya oo ay Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyadu qaadaan.

Jadwalka Socdaalka Madaxweynaha

Qorshaha cusub ee la isku raacay ayaa waxaa kamid ah  in Madaxweyne Xasan Sheekh uu marka hore soo dhammaysto safarrada saamaynta leh ee uu ku tegayo dalalka Qadar iyo Masar.

Socdaalladan ayaa lagu tilmaamay kuwo muhiim u ah dhammaystirka heshiisyo difaac iyo kuwo dhaqaale oo horay loo bilaabay, iyo sidoo kale gelista iskaashiyo cusub oo looga gaashaamanayo xaaladaha cakiran ee Gobolka Geeska Afrika.

Waxaa la isla meel dhigay in Madaxweynuhu dalka dib ugu soo laabto taariikhdu marka ay ku beegantahay 9-ka bishan, si uu hoggaanka ugu qabto wajiga cusub ee wadahadallada Golaha Mustaqbalka iyo Dowladda.

Tanaasulka Puntland, Jubbaland iyo Caana Shubka Galdogob

Dhinaca kale, waxaa guul weyn loo arkaa in Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ay aqbaleen inay Muqdisho soo gaaraan isla maalinta uu Madaxweynuhu dalka dib ugu soo laabanayo ee 9-ka bishan.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo hadda isu diyaarinaya ka qaybgalka munaasabad weyn oo Caanashub ah oo ka dhici doonta magaalada Galdogob taariikhdu marka ay tahay 8-da bisha, ayaa aqbalay inuu oofiyo ballantaas oo uu Muqdisho yimaado 24 saac kaddib munaasabaddaas.

Tani waxay muujinaysaa in Deni uu diyaar u yahay  heshiis iyo wadahadal si xal loogu helo is-mari-waaga dhinaca dastuurka iyo doorashada.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in Madasha Samatabixinta oo kamid ah Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ay door laxaad leh ka qaateen dhexdhexaadinta iyo isku soo dhawaanshaha dhinacyada is-diiddan.

Madasha Samatabixinta ayaa kulan ku yeelanaysa Hotel Jazeera berri 4ta Galabnimo kaasoo ay warbixin kaga dhagaysanayaan Guddiga Farsamada si looogu diyaar garoobo gogosha 10ka bisha.

Sida aan xogta ku helnay shirka ayaa loo asteeyay inuu ka dhaco Xalane, wixii farsamo amni iyo farsamana waxaa loo dhaafay guddiyo hoosaadkii labada dhinac ee shaqaynayay.

Kaddib marka uu soo idlaado shirka Muqdisho ee bilaabanaya 10-ka bishan, Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu u kicitimo magaalada Addis Ababa 12ka Febraayo si uu uga qayb-galo shirka madaxda Midowga Afrika. Socdaalkaas ayaa ah mid isna isha lagu hayo, maadaama ay taagan yihiin xiisado diblomaasiyadeed oo ka dhashay faragelinta Imaaraadka ee dalka iyo aqoonsiga ay Israa’iil siisay gobolka sheegtay inuu Soomaaliya ka go’ay ee Somaliland.

Si kasta ay ahaataba, kaddib aqbalka dhinacyada ee shirka Muqdisho, dalka  wuxuu hadda galay xaalad “degenaan siyaasadeed” ah inta laga gaarayo toddobaadka soo socda.

Somali Stream waxay diyaar u tahay inay idiin soo gudbiso wixii faahfaahin ah ee ku soo kordha arrimaha shirka iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More