Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa bilaabay dadaallo lagu badbaadinayo gogosha Muqdisho keddib markii ay Villa Soomaaliya muujisay dabacsanaan. Warar sugan oo aan ka helnay laba il oo ka tirsan Madasha Mustaqbalka ayaa noo xaqiijiyay in 4ta Galabnimo in Madasha Samatabixinta ay tagayaan Xarunta Qaramada Midoobay ee Xalane, halka Madaxwayneyaasha Puntland iyo Jubaland ay aaladda Zoomka uga qeybqaadanayaan.

Ujeedada kulankan ayaa ah in la qaboojiyo xaaladda, lana socodsiiyo gogosha oo ay haatan shuruudo cusub ku xirayaan qabsoomiddeeda labada Dowlad Goboleed ee Puntland iyo Jubaland.

Xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa gashay weji cusub oo xasaasi ah kaddib markii uu khilaaf xooggan oo ka dhashay go’aanka celinta diyaaradaha hordhaca u ahaa Puntland iyo Jubaland uu halis geliyay qabsaoomida shirka loo madlanaa ee u dhaxayay Golaha Mustqbalka Soomaaliyo iyo Dowladda Federaalka ah.

Dhacdadii Isniintii, 1-da Febraayo ee lagu hor istaagay diyaaradihii siday wafuudda hordhaca u ah Puntland iyo Jubbaland ayaa dhalisay dareen siyaasadeed iyo mid caalami ah.
Waxaa abuurmay jawi khilaaf oo aad uga gundheer kii siyaasadeed ee hore usoo jiray. Waxaa si wayn usoo baxay kala aamin bax siyaasadeed iyo kala-shaki amni oo udhaxeeyay Dowladda Federaalka ah iyo Madaxda jublanad iyo Puntland oo xubno ka ah Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.

Villa Soomaaliya oo u nuglaatay caadidiska Beesha Caalamka

Inkasta oo markii hore DFS si ku talagal ah xayiraad u saartay duulimaadyada ka imaanayay Kismaayo iyo Garoowe, haddana kaddib waxkayar 24 saac waxay maanta oggolaatay in la fasaxo ciidanka ilaalada Axmed Madoobe iyo Siciid Deni.

Sida ay Xildhibaanno ku dhow Madaxtooyada u sheegeen Somali Stream, Villa Soomaaliya ayaa wajahday maalin adag oo siyaasadeed, kaddib markii culayso iyo cadaadisyo caalami ah oo is-daba-joog ah ku qasbeen inay dib uga laabato go’aankeedii hore ee xannibaadda duulimaadyada.

Villa Somalia ayaa si rasmi ah u fasaxday diyaaradihii iyo ciidankii hordhaca u ahaa madaxda JL iyo PL, iyadoo caddeysay in tallaabadan ay tahay mid “shuruud la’aan ah” oo loogu turayo badbaadinta shirka si uusan u burburin.

Go’aanka Puntland iyo Jubaland

Inkasta oo dowladda dhexe ay albaabada u furtay wafuudda, haddana xog gaar ah oo ay ka heshay Somali Stream masuuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Jubaland iyo Puntland ayaa muujinaya in labada Madaxweyne aysan weli gaarin go’aan kama dambays ah oo ay ku imaanayaan Muqdisho.

Sida ay ilaha aan la hadalnay inoo sheegeen labada Madaxtooyo ayaa la filayaa inay miiska la yimaadaan mowqif mideysan saacadaha soo socda. Saraakiisha aan la hadalnay ayaa inoo xaqiijin in go’aanka la faafinayo iyo in lala wadaagayo Beesha Caalamka. Hase ahaate, waxay mas’uuliyiintaas inoo xaqiijiyeen in Puntland iyo Jubaland ay wataan shuruudo cusub oo hor leh kuwaas oo aan la’aantood horusocod la filan karin. Labo shuruudood oo ay wataan ayaa kala ah:

1. Cudur-daar Rasmi ah: In Dowladda Federaalku ay bixiso raalli gelin qoraal ah oo ku aaddan celintii wafuudda, iyadoo aan la aqbalayn wadahadal afka ah oo kaliya oo ay khasab tahay in la faafiyo
ama la mariyo baraha xiriirka dowladeed ee dhinacyada ka dhaxeeya
2. Hakinta Shaqada Dastuurka: In gabi ahaanba la joojiyo dhaqdhaqaaqa iyo dooda wax ka bedelka dastuurka ee baarlamaanka ka dhex socota, taas oo sabatay rabshadaha albaabada u laabay baarlamaanka iyo dhawaaca Xildhibaanada qaybtood, ilaa inta ay madaxdu heshiis kaga gaarayaan miiska wadahadalka ee qorshaysan.

Go’aanka Samatabixinta

Samatabixinta oo garab ka ah Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa dhankeeda wada shirar ay xaalka dalka kaga arrinsanayaan waxayna si wayn u diidan yihiin xaaladaha soo kordhay.

Ilo rasmi ah ayaan ka ogaannay inay doorbidayaan in shirka loo ballansanaa la badbaadiyo, hase yeeshee aan wax tanaasul ah loo samayn Madaxweynaha. Waxay isku raacsan yihiin in la xoojiyo dooda Puntland iyo Jubaland, taasoo ka dhigan inay marka ay ixtiraamayaan waxkasta oo kasoo baxa Garoowe iyo Kismaayo.

Dhanka kale, Villa Soomaliya oo labadeedii ajandaba ee dastuur iyo doorashaba ay fashil ku socdaan kuwaas oo u muuqda kuwa ku dhimanaya gacmaha khaldan ee maamulay ayaa xilligan ku mashquulsan kala doorashada xalalka horyaalla oo ay kamid tahay in Madaxweyne Xasan uu jeediyo khudbad garoowshiiyo ah iyo talo bixin qaran, hase ahaatee xubno kooxdiisa ah ayaa xalka u arka inaan la isu joojin.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qaadanaya saacada adag oo siyaasadeed oo ka dhashay go’aanno aan hore loo odorosin natiijadooda, waxaana uu ka fekerayaa nooca tanaasul ee keeni kara inuusan shirku fashilmin.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More