Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku gacan-sayrtay codsi kaga yimid shirkadda diyaaradaha ee Arkia oo laga leeyahay dalka Israa’iil, kaas oo ku saabsanaa oggolaanshaha marinka hawada Soomaaliya.
Shirkadda ayaa shaaca ka qaadday in haddii aan xal degdeg ah la helin ka hor bilowga bisha Febraayo, ay ku khasbanan doonto inay gebi ahaanba beddelaan jihada duullimaadyadooda aada dalka Thailand.
Caqabadan dhanka hawada ah ayaa la filayaa inay keento in diyaaradahoodu maraan waddo ka fog tii hore, taasoo kordhinaysa wakhtiga duullimaadka iyo kharashka shidaalka.
Sida la xaqiijiyay go’aanka Soomaaliya ayaa salka ku hayo xiisadda siyaasadeed iyo diidmada dowladda ee xiriir kasta oo Israa’iil ay la samayso maamullada dalka, gaar ahaan aqoosni iyo xiriir kasta dhex mari kara Israa’iil iyo Somaliland.
Ilaa hadda, maamulka duulista ee Israa’iil iyo diblomaasiyiintooda ayaa dedaal ugu jira sidii ay xal ugu heli lahaayeen arrintan, balse dhanka Soomaaliya looma arko inay jirto calaamad muujinaysa in xayiraaddaas laga qaadayo diyaaradaha Israa’iil xilligan la joogo.

