Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Wararka laga helayo ilo wareedyo ka tirsan madaxtooyada iyo garsoorka ayaa xaqiijinaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu amar ku bixiyay in laga laabto waarankii qabashada ee Axmed Madoobe, ee 27kii Noofembar, 2024, si loo fududeeyo imaatinkiisa Muqdisho.

Go’aanka Maxkamada oo markii hore ahaa mid siyaasadeed oo ku yimid rabitaanka Villa Somalia, balse loo xidhay shaati sharci, ayaa hadda wajahaya caqabad kaga timid isla madaxdii amartay.

Garsoorayaasha ayaa la sheegay in ay ka meermeerayaan burinta waaranka, iyagoo sheegay inaysan jirin sabab sharci oo ay hadda u cuskadaan ka laabashada eedeymihii cuslaa ee “Khiyaano Qaran”.

Axmed Madoobe wuxuu Muqdisho imaanayaa isagoo guul siyaasadeed wata, halka dowladduna ay ku qasban tahay inay sharcigii ay gacanteeda ku qortay hadda ku tirtirto rabitaan siyaasadeed awgiisi. Tani waxay meesha ka saaraysaa kalsoonidii lagu qabay nidaamka caddaaladda, waxayna muujinaysaa in sharcigu yahay mid ku shaqeeya danta xafiiska sare.

Sikastaba, hab-dhaqankan ayaa fashilinaya madax-bannaanida garsoorka dalka, maadaama loo isticmaalay sidii “hub siyaasadeed” oo markii la doono lasoo saaro, markii la doonana la iska dhigo.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More