Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

W/Q: Ibrahim Mohamed (Ibrahim Ciiro)
Degmadda Galkacyo waa magaalo muhiim u ah Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Mudug, waxayna door
weyn ku leedahay ganacsiga, nabadda, iyo isku xirka bulshada. Sanadihii la soo dhaafay, waxaa jiray rajo
weyn oo laga qabay in golaha deegaanka degmadda Galkacyo ee kusoo baxay doorashooyinkii tooska ahaa
ee qabsoomay, gaar ahaan dhalinyaradda ku jira, ay horseedi doonaan isbeddel dhab ah, hufnaan, iyo
horumar la taaban karo.
Markii hore, golayaasha deegaanka waxaa soo xuli jiray odayaasha dhaqanka, iyadoo nidaamku ku
salaysnaa beelo iyo heshiisyo bulsho. Habkani wuxuu door ka qaatay xasillinta degmada xilliyo adag, balse
waxa uu lahaa caqabado ay ka mid ahaayeen isla-xisaabtan la’aan iyo ku tiirsanaan siyaasadeed oo joogto
ah.
Kadib, markii la hirgeliyay nidaamka xisbiyada badan ee Puntland, Gaalkacyo waxay yeelatay gole deegaan
sharci ah, waxaana lagu soo doortay doorasha dadwayne markii ugu horeesay taarikhda golayaasha
wadanka.
Doorashooyinkii qabsoomay waxaa kusoo baxay gole ay u badanyihiin dhalinyaro iyo haween waxaana
laga filayay ama lagu hanwaynaa inay noqdaan gole firfircoon oo wax ka beddeli doona habkii hore ee
maamulka.
Si kastaba ha ahaatee, muddo gaaban gudaheed, degmada Galkacyo waxay yeelatay duqyo is beddelay,
khilaafyo gudaha ah, iyo go’aan qaadasho liidata. Tani waxay muujisay in golaha deegaanka uusan weli
awoodin inuu noqdo hay’ad mideysan oo si wax ku ool ah u maamusha arrimaha degmada.
Sababaha Keenaya Fashilka Golaha Dhalinyarada U Badan
Waxaa jira dhowr sababood oo waaweyn oo sababaya in golihii doorashada kusoo baxay, oo dhalinyaradu
u badnayd, uusan gaarsiinin heerkii laga filayay:
1. Khibrad Maamul La’aan
Dhalinyaro badan oo golaha galay waxay ahaayeen kuwo ku cusub maamulka, siyaasadda, iyo nidaamka
golayaasha-deegaanka. Waxaa ka maqnaa tababarro ku filan, hagid, iyo waayo-aragnimo la xiriirta sharci-
dejinta, miisaaniyadda, kormeerka fulinta, iyo maaraynta khilaafaadka. Taasi waxay adkaysay in ay gaaraan
go’aan qaadasho tayo leh, isla markaana ay si wax ku ool ah u maareeyaan arrimaha adag ee degmada,
taasoo si toos ah u saameysay waxqabadka guud ee golaha.
2. Kala Qaybsanaan Gudaha Golaha iyo Faragelin Siyaasadeed
Golaha dhexdiisa waxaa ka jira khilaafyo siyaasadeed iyo kala aragti duwanaansho ku saleesan dano
shakhsiyeed, iyadoo ay sidoo kale jireen faragelin ka imanaysay dhinacyo ka madax banan golaha iyo
kooxo dano gaar ah leh. Arrimahan ayaa curyaamiyay wada shaqeynta golaha, hoosna u dhigay madax-
bannaanidiisa iyo awoodda uu u lahaa go’aan qaadasho madax bannaan.
Gunaanad: Aragtida Bulshada iyo Rajada Mustaqbalka
Bulshada Galkacyo maanta waxay muujinayaan niyad jab iyo kalsooni darro ku saabsan
hoggaaminta degmada iyo shaqada golaha deegaanka. Dad badan ayaa dareemaya in
ballanqaadyadii horumarineed aysan hirgelin, adeegyadii aasaasiga ahaa ay liitaan, isla markaana
isbeddelladii hoggaanka aysan keenin natiijo muuqata.
Si kastaba, shacabka wali waxay rajeynayaan in mustaqbalka la helo:
• Gole deegaan mideysan oo si wadajir ah u shaqeeya,
• Hoggaan xasilloon oo leh aragti cad iyo qorshe dheer,
• Nidaam isla-xisaabtan dhab ah oo ka tarjumaya rabitaanka bulshada.
Qodobadan oo la hirgeliyo ayaa ah tallaabada ugu muhiimsan ee lagu soo celin karo kalsoonida
bulshada laguna horumarin karo degmada Galkacyo.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More