Magaalada Davos ee dalka Switzerland, waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqay dhismaha isbahaysi cusub oo loogu magac daray Golaha Nabadda (Board of Peace), kaas oo uu madaxweynaha Mareykanka Donald Trump u saxeexay xeerka aasaaska (Charter).
Golahan, oo Trump uu u yahay guddoomiyaha rasmiga ah, waxaa loo qorsheeyey inuu noqdo madal caalami ah oo looga arrinsado xallinta khilaafaadka dunida iyo dib-u-dhiska deegaannada dagaalladu saameeyeen.
In kasta oo casuumado ka mid noqoshada loo diray ku dhowaad 60 wadan, haddana waxaa la xaqiijiyey inay ilaa hadda saxeexeen ama ay go’aan ku biiritaan gaareen ku dhowaad 35 wadan.
Dalalka saxeexay ama aqbalay waxaa ka mid ah: Mareykanka, Israel, Sucuudiga, Imaaraadka, Masar, Urdun, Turkiga, Qatar, Baxrayn, Marooko, Pakistan, Argentina, Kazakhstan, Uzbekistan, Hungary, Indonesia, iyo waddamo kale oo ay ka mid yihiin Belarus, Armenia, Azerbaijan, Vietnam, iyo Paraguay.
Dhinaca kale, dhowr wadan oo xulufo dhow la ahaa Mareykanka iyo quwado waaweyn ayaa muujiyey walaac ama si cad u diiday inay ku biiraan. Faransiiska, Norway, iyo Sweden ayaa si cad u diiday casuumadda, iyagoo ku dooday in golahani uu wiiqayo doorka Qaramada Midoobay. Canada ayaa iyaduna diiday inay bixiso lacagta $1 bilyan ee looga baahan yahay xubnaha rasmiga ah si ay u helaan kursi joogto ah. Sidoo kale, dalalka Shiinaha, Jarmalka, Talyaaniga, Hindiya, iyo Japan ayaan ilaa hadda bixin wax jawaab rasmi ah, halka Madaxweynaha Yukrayn Zelensky uu iska diiday inuu la fariisto Ruushka oo tixgelinaya ku biirista golaha.
Shaqada u taal Golahan Nabadda ayaa lagu sheegay mid ballaaran, iyadoo xoogga lagu saari doono maamulka iyo dib-u-dhiska Gaza, taas oo qayb ka ah hirgelinta wejiga labaad ee qorshaha nabadda.
Sida bayaankooda ku cad Goluhu wuxuu u shaqayn doonaa sidii madal ka baxsan Qaramada Midoobay oo lagu xalliyo dagaallada caalamiga ah, isagoo awood u leh inuu ururiyo dhaqaale loogu talagalay horumarinta iyo xasilloonida goobaha colaaduhu ka jiraan. Xeerka golaha ayaa sidoo kale siinaya Trump awood weyn gaar ah oo uu ku soo saari karo go’aanno hal dhinac ah, isagoo Golaha xubno ka saari kara ama ku soo dari kara sida uu u arko inay danta ku jirto.

