Maqaal: Qoraa Carbeed– Cabdullaahi bin Bakhiit.
Markaynu eegno taariikhda xidhiidhka Carabta iyo Israa’iil, waxaynu arkaynaa in erey-bixintu ay tahay hubka ugu xooggan ee la isticmaalo. Masar iyo Urdun waxay la saxeexdeen Israa’iil “Heshiis Nabad ah”,balse muddo kaddib ereygii nabadda waxaa lagu beddelay “Caadiyayn” (Tadbiic). Ereygan dambe ee caadiyayn ayaa noqday mid ka adeegsi badan ereyga nabad, waxaana loo qaatay inuu noqdo erey bixinta rasmiga ah ee lagu tilmaamayo heshiis kasta oo nabadeed oo dhex mara Carabta iyo Israa’iil.
Waxaa xusid mudan in ereyga ‘Caadiyeyn’ laga isticmaalo oo keliya nabadda u dhexeysa Carabta iyo Israa’iil. Tusaale, miyaad maqashay dad leh Sacuudiga iyo Iiraan way “caadiyeeyeen” xidhiidhkooda? Maya, dabcan waxaan ugu yeedhnaa “way soo celiyeen”. Sababta “caadiyaynta” loogu gaar yeelay Israa’iil waa si nabadda looga soo saaro xafiisyada dowladda loona geliyo dhiigga iyo dhaqanka shucuubta, iyadoo laga rajo qabo inay dadku u liqaan jiritaanka Israa’iil si dabiici ah.
Laakiin, waxaa caddaatay in “caadiyayntu” ay tahay qolof sare oo aan marnaba gaadhin gunta hoose ee qofka Carabta iyo Muslimka ah, sababtoo ah Is-khilaafka u dhexeeya shucuubta Islaamka iyo Israa’iil wuxuu salka ku hayaa diin iyo taariikh. Isku dayada caadiyeyntu ma aysan awoodin inay beddelaan xaqiiqooyinka taariikhda ama dib u qaabeeyaan diintaasi ay ula jaanqaaddo. Sidaas darteed, markii la qaatay ereyga nabadda Ibraahimiga, waa u guurid laga guurayo arrimaha nolosha maadiga ah sida xiriirka dublumaasiyadeed, furista safaaradaha iyo booqashooyiinka siyaasadeed loona guurayo arrimaha dhaqanka, taariikhda, iyo diinta, sida ay tilmaamayso kalmada (Ibraahiimi).
Maxay ku kala duwan yihiin Nabadda Siyaasadeed iyo tan Ibraahimiga ah?
Ra’iisul Wasaarihii hore ee israaiil, Ariel Sharon wuxuu mar yidhi: “Carabtu waxay aqoonsadeen awooddayada iyo xoogayaga, laakiin ma ay aqoonsan xaqa aan u leenahay jiritaanka. “Tani waa xudunta dhibaatada. Israa’iil waa dowladda kaliya ee caalamka ka jirta ee aan haysan “xaqa daciifnimada”. Dowlad kasta, sida Soomaaliya oo kale, way daciiftaa laakiin ma baaba’do, sababtoo ah waa shacab asal ah oo dhulkiisa leh. Israa’iilna hadday daciifto, jiritaankeeda ayaa meesha ka baxaya maadaama ay ku taagan tahay ookaliya xoog milatari.
Fahamkaas jiritaanka ku dhisan xaqa daciifnimada ama hoos u dhaca oo bulshooyinka iyo dowladaha adduunku maraan awgiis ayaa Israa’iil ku khasbay inay baadi-goobta laba nabadood oo aad ku arki doontid.
waa maxay nabadda ibraahimiga?
Su’aashani ma ahan mid sahlan sida marka aynu ka maqalno warbaahinta Waxay noqon kartaa waydiinta ugu khatarsan ee uu la kulmo qof ah Carab ama Muslim.
Tannina waa cadaynta. Azerbaijan waa dal Muslim ah oo leh xiriirka ugu adag ee israa’iil. Waxay yeesheen Iskaashi istaraatiiji oo milatari, iskaashi ganacsi, iskaashi siyaasadeed xattaa waxay iska fogeeyeen qadiyadda Falastiin. Xiriirka ay la leedahay israa’iil waa mid walaaltinimo oo aan ahayn maslaxad u dhaxaysa laba dawladood. Iyadoo arimahaas oo dhan jiraan, haddana waxaa lagu khasbay inay ku biirto Nabadda ibraahimiga. Maxaa sababay!
Waa inaan fahannaa in nabadda lala galo Israa’iil ay tahay laba nooc oo nabad ah, midkoodna ka sarreeyo kan kale, mana aha hal nabad oo la mid ah tan dalalka kale dhexdooda.
• Nabad aqoonsi (Political Peace): In la qiro inay dowlad jirto (sidii Masar iyo Urdun).
• Nabadda Ibraahimiga ah (Religious Peace): In Muslimiintu ay diin iyo taariikh ahaan u qiraan inay Israa’iil “xaq” u leedahay dhulkaas.
Nabadda diiniga taariikheed waxay u baahantahay in mid ka mid ah labada dhinac uu ka tirtiro wax ka mid ah diintiisa iyo taariikhdiisa si ay ola jaanqaaddo tan dhinaca kale.
Haddaba, si aan macnaha dhabta ah ee Nabadda Ibraahiimiga ah loola jeedo aan u fahano, waa inaan iswaydiino.
Ibraahimkee baa loola jeedaa?
Ra’iisul Wsaaraha Israa’iil Netanyahu ayaa yidhi, kaddib markii uu xaaladda jiritaankiisa ee ku hareeraysan ku keenay xoog militari: “waxaan beddeli doonnaa dhaqanka.” Iswaydii haddaba, Waa maxaydhaqanka uu doonayo inuu beddelo?
Dhaqanka shacabku waa diintooda, taariikhdooda, caadooyinkooda iyo luuqaddooda. Maxaa xiriir ah oo ka dhexeeya arrintan iyo ka guurista ereyga caadiyeynta, loona guurayo Nabadda Ibraahimiga?
Sidee buu Ibraahim, in ka badan toddobaatan sanno (Muddada Israa’iil jirto) kaddib u yimid si uu Muslimiinta iyo Israa’iil ugu mideeyo nabad aan hore loo arag?
Marka la isticmaalo magaca Nebi Ibraahim (CS), su’aashu waxay tahay: ma Ibraahimkii Qur’aanka baa loola jeedaa, mise kii Tawraad? Alle weyne kor ahaaye, waxa uu Qur’aankiisa si cad ugu yidhi: “Ibraahim ma ahayn Yuhuudi, mana ahayn Masiixi, balse wuxuu ahaa mid Xaniif ah oo Muslim ah.” (Aal-Cimraan: 67). Aayaddani uma baahna fasiraad, mana oggola leexin macne
Ma kan baa Ibraahimka ay rumeysan yihiin Yuhuudda iyo Masiixiyiinta Anglican-ka ah? Mise aqoonsiga (xaqa) Israa’iil u leedahay jiritaanka kuma salaysnaan doono Ibraahimka Muslimka ah sida Qur’aanku qeexay, balse wuxuu ku salaysnaan doonaa Ibraahimka ku xusan Towraadda, kaddibna la aqbalo Cahdiga Ibraahimiga ama Abraham Accord?
Haddaba haddii aysan sidaas ahayn “Nabadda Ibraahimiga ah” ay salka ku hayso kii Tawraad, waxayka dhigan tahay inaan aqbalno (Muslimiin ahaan), “Axdigii Ibraahim” ee sheegaya in Eebbe uu siiyay faraca reer banii Israaiil sida ku qoran Towraad
Genesis 15:18:
“Maalintaas Rabbigu wuxuu la galay Aabraam axdi isagoo leh: ‘Faracaaga ayaan siinayaa dhulkan, laga bilaabo webiga Masar ilaa webiga weyn ee Furaat.”
Markale, Genesis 17:18:
“Waxaan adiga iyo faracaaga kaddib siin doonaa dhulka aad martida ku tahay, dhulka Kancaan oo dhan, si lahaansho weligeed ah, aniguna waxaan ahaan doonaa Ilaahooda.”
Marka la barbardhigo qoraallada Towraadda iyo Aayadda Quraanka ee kor ku xusan, Halkan waa inaan iswaydiinnaa, waa kuwee shacabka ku qasbi doona taariikhdiisa iyo Ibraahimkiisa kan kale?
Heshiiska Ibraahimiga ma ku salaysnaan doonaa Ibraahimka Muslimka ah ee toosan sida Qur’aaku qeexay, mise wuxuu ku salaysnaan doonaa Ibraahimkii Yuhuudda iyo Masiixiyiinta Anglican-ka siiyay dhulka Falastiin afar kun oo sano ka hor?
Iswaydiinta Maanta taagan: Maxaan u sheegi doonnaa ubadkeenna?
Sida la wado haddii aan qaadanno “Nabadda Ibraahimiga ah”, waxaan wajahaynaa dhibaato dhanka taariikhda ah. Markaan dugsiyada tagno, carruurteena ma waxaan u sheegi doonnaa in Salaxudiin Al-Ayuubivuu ahaa geesi xoreeyay Quddus?, mise waxaan oran doonaa wuu qabsaday ilaa ay Israa’iiliyiintu ka xoreeyeen faraciisii?
Si kooban, Nabadda Ibraahimiga ahi ma aha oo kaliya heshiis diblomaasiyadeed, waa isku-day lagu beddelayo aqoonsiga, diinta, iyo xusuusta taariikheed ee umadda Muslimka ah.

