Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Geeska Afrika waxa uu dhacaa bogcad ka mid ah kuwa ugu muhiimsan caalamka, isagoo ah buundada isku xirta qaaradaha Afrika, Aasiya, iyo Yurub. Juqraafi ahaan, gobolkani waxa uu gacanta ku hayaa marinnada halbowlaha u ah ganacsigaadduunka sida Badda Cas iyo Bab al-Mandab, taas oo ka dhigaysa xarun istiraatiijiah oo ay ku hardamayaan quwadaha caalamiga ahi. Ahmiyaddan baaxadda leh eeay goobtan leedahay ayaa ka dhigtay xarun loollan oo ay ku hardamaan quwadahacaalamiga ah iyo kuwa gobolka, kuwaas oo isha ku haya dhaqdhaqaaq kasta oodhuleed iyo mid badeed si ay u ilaashadaan danahooda amniga, dhaqaalaha, iyosiyaasadda.

Danta Israa’iil iyo Istiraatiijiyadda Sirdoonka ee Badda Cas

Marka si qoto dheer loogu kuurgalo falanqaynta siyaasadeed, aqoonsiga ay Israa’iilsiisay Somaliland ma aha mid ka dhashay rabitaan loo muujinayo Hargeysa amamuhiimad dublomaasiyadeed oo ay deegaankaasi leedahay. Taa beddelkeeda, waadhabbe cusub iyo qorshe fog oo ay Tel Aviv u jeexatay si ay u dabooshobaahideeda amniga qaranka. Israa’iil waxay Somaliland u aragtaadaaqadistiraatiiji ah oo ay kala socon karto dhaqdhaqaaqa Badda Cas, gaar ahaankhataraha uga imaanaya Xuutiyiinta Yemen iyo saamaynta sii kordhaysa ee Iran ay ku leedahay gobolka. Ka faa’iidaysiga Somaliland, oo leh xeeb dheer balse kamaqan yahay aqoonsi caalami ah, waxay u oggolaanaysaa Israa’iil inay halkaas kadhisato saameyn sirdoon iyo mid ciidan oo kharash yar ku fadhida.

Doorka Maraykanka iyo Halista Loollanka Quwadaha

Waxaa muuqata in Maraykanku uu ku jiro tijaabo istiraatiiji ah oo dadban, isagooadeegsanaya Israa’iil si uu u ilaaliyo danihiisa fog ee Geeska Afrika. Washington waxay Somaliland u aragtaa goob muhiim u ah ilaalinta marinka Bab al-Mandab, xakamaynta saamaynta Shiinaha, iyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada. Tani waxay Somaliland gelinaysaa khatar baaxad leh, maadaama ay u muuqatoinay noqonayso deegaan loo adeegsado tijaabada siyaasadeed iyo tan ciidan eequwadaha waaweyn halkii ay ka noqon lahayd lammaane madax-bannaan oo lehgo’aan masiiri ah.

Khasaaraha Amniga iyo Burburka Midnimada Bulshada

Saamaynta ugu xun ee tallaabadan waxay si toos ah u taabanaysaa amniga iyojiritaanka bulshada Soomaaliyeed. Somaliland waxay khatar ugu jirtaa inay noqotobar-tilmaameedka ugu nugul ee ay ku dul hardamaan Israa’iil iyo Iran, taas oodeegaanka u horseedi karta dagaallo wakaalad ah. Waxaa intaas dheer, tallaabadaniwaxay keenaysaa in Somaliland ay luminayso taageeradii dalalka Carabta iyokuwa Islaamka, iyadoo isla markaana dhex dhigaysa bulshada Soomaalida kala qaybsanaan aragtida jirtaanka, diimeed iyo mid siyaasadeed oo hor leh. Ugudambayntii, aqoonsigan waxa uu sii fogeynayaa rajadii laga qabay wadahadal dhabah iyo xal Soomaaliyeed oo laga gaaro khilaafka gooni-u-goosadka, isagoocarqalad ku ah midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Loollanka Gobolka: Saaxiibada iyo Cadawga Midnimada

Loollanka quwadaha gobolka ayaa u kala qaybsan dano is-khilaafsan oo saameynku leh mustaqbalka Soomaaliya. Turkiga iyo Sucuudiga waxay si adag u garabtaagan yihiin midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, iyagoo u arkafaragelinta Israa’iil mid khatar ku ah amniga gobolka iyo danahooda istiraatiijigaah. Dhanka kale, Masar waxay ka walaacsan tahay saamaynta ay tani ku yeelankarto amniga Badda Cas, halka Imaaraadku uu mudnaanta siinayo isbahaysidhaqaale iyo mid amni oo uu la yeesho Israa’iil iyo Somaliland. Itoobiya ayaaiyaduna isha ku haysa inay ka faa’iidaysato daciifinta dowladda dhexe si ay u hesho marin badeed.

Badbaadada Qaran: Doorka Dowladda Federaalka

Sida ku cad xeerarka dalka iyo shuruucda caalamiga ah, Dowladda FederaalkaSoomaaliya waa hay’adda kaliya ee sharciga ah ee mas’uuliyadi ka saaran tahayilaalinta madaxbannaanida dalka iyo ka badbaadinta Soomaaliya in loo beddelogaroon ay ku loollamaan dano shisheeye. Midnimada Soomaaliya ma aha oo kaliyahalku-dheg siyaasadeed, balse waa istiraatiijiyadda kaliya ee macquulka ah ee laguxaqiijin karo badbaadada, amniga, iyo mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed eeGeeska Afrika.

Talooyin: Jidka loo maro Xasiloonida

Si loo yareeyo saamaynta taban ee ka dhalan karta tallaabooyinkan, waxaa daruuriah in Dowladda Federaalku ay qaaddo tallaabooyinka soo socda:

In la xoojiyo isbahaysiga istiraatiijiga ah ee lala leeyahay quwadaha gobolka sidaTurkiga, Masar, iyo Sucuudiga si looga hortago saameynta Israa’iil.
In si joogto ah looga hortago milataraynta Somaliland, iyadoo loo marayodacwadaha heer caalami iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
In la dardargeliyo wadahadallada gudaha ee u dhexeeya DFS iyo Somaliland silooga hortago in fursad laga helo daldaloolada siyaasadeed ee dalka.
In la dhiso istiraatiijad warbaahineed oo heer qaran ah si bulshada loogawacyigeliyo khatarta ay leedahay in dalka loo gacan geliyo quwado shisheeye.

Ugu dambayntii, badbaadada Soomaaliya waxay ku xiran tahay isku-duubnidadadkeeda iyo feejignaanta madaxdeeda si looga gudbo loollanka adag ee ka socdamid ka mid ah marinada ugu muhiimsan dunida.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More