by; Axmed Sanwilwilo
Diiseenbar 26, 2025 ayay ahayd kolkii Israa’iil aqoonsatay Soomaalilaan, waxa ayna noqotay dawladdii u horraysay ee aqoonsi siisa. Maalinkaa wixii ka danbeeyay waxa ay Soomaali badan ku baraarugeen isbeddellada ka socda geeska iyo dunida, waxaana dhug fiican loo yeeshay arrimaha juqraafi-siyaasadeedka. Waraysigan oo khuseeya arrimahaas waxa aan la yeeshay Abuukar Carmaan oo muddo badan wax ka qorayay mawduucan, waxa aanna wax ka waydiiyay waxa uu yahay juqraafi-siyaasadeedku, xogaha ku gaddaaman Geeska, Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, dalalka ku loolamaya gobolka iyo sida ay Soomaalidu u wajihi karto loolanka ka taagan gobolka.
Abuukar Carmaan oo magaca qalinkiisu yahay Abukar Arman waxa uu ku dhashay Beledweyne, waxa uuna ku koray oo ku barbaaray Muqdisho. Halkaas ayuuna illaa iskuulka sare ka galay. Waxa uuna uga gudbay dalka Maraykanka oo uu yimi dhammaadkii 1979-kii. Abuukar waxa uu illaa iyo hadda degan yahay Maraykanka oo uu jaamacaddiisa illaa heerka labaad ka akhristay, muddadaasna ka soo shaqeeyay. Waxa uuna soo wada noqday ganacsade, ololeeye bulsho, khadiib iyo diblumaasi. Waa falanqeeye ka warama arrimaha Geeska Afrika, Bariga Dhexe iyo Maraykanka, waana qoraa wax badan ka qoray arrimahaa hore, juqraafi-siyaasadeedka dunida iyo amniga. Abuukar waa qoraa muddo dhawr iyo soddon sanno ah wax ka qorayay siyaasadda dunida oo ay u weyn tahay midda Soomaalida, waxa uu daabacay maqaallo aqooneed tira badan, sidoo kale waxa uu wargaysyo dhawr ah ku baahiyay maqaallo aragtiyeed tira badan oo kor u dhaafaya boqol. Meelaha uu wax ku daabacay waxa aan ka xusi karnaa, Al Jazeera, TRT World, Eurasia Review, The Geopolitics, Modern Diplomacy, Islamicity, Huff Post, Africa Prime News, The Cipher Brief iyo meelo kale oo tira badan, waxaana soo raaca bog uu isagu lee yahay oo uu qoraallada ku baahiyo.
Abuukar waxa uu soo noqday ergayga Soomaaliya u jooga Maraykan, waxaana booskan loo magcaabay 2010-kii, waxa uuna xilkaa hayay muddo saddex sanno iyo afar bilood ah. Waxa uuna qayb ka ahaa dhaqdhaqaaqyo dhawr ah oo Soomaalida loogu raadinayay xal ay ooga bixi karaan dhibka dawlad la’aantaee haysta, waxaana ka mid ahaa dhaqdhaqaaqii ISRAACA ee la aasaasay dhammaadkii 90meeyadii soona gaaray 2006. Dhanka kale, waxa uu Abuukar qoray buugga la magac baxay, Broken Camel Bells; Somalia: Age of Terrorism 2006-2022.
Axmed Sanwilwilo: Aan ku bilaabo su’aal hordhac ah, muxuu yahay juqraafi-siyaasadeedku?
Abuukar Carmaan: Waa su’aal aad u wacan. Juqraafi-siyaasadeedka siyaabo badan ayaa loo sharxaa waxa uu yahay, laakiin luuqaddayda aniga oo isticmaalaya, aniga aragtidayda.Horta siyaasadda caadiga ah waa mid dadkoo dhan ay fahansan yihiin oo badanaa dad wada degan oo hal kursi isku wada haysta, siyaasina xisbi furtay kan kalena xisbi furtay oo kuwaas hadhowdii ku loolama, kolba qofkii helana uu kursigaas xalaalaysto, waa siyaasaddii caadiga ahayd oo taas waa la wada yaqaanaa. Caalami ahaanna waa caadi oo dood kama taagna. Laakiin, juqraafi-siyaasadeedka badanaa waxa ay ku xiran tahay,dawladaha waa weyn ee inaga awoodda badan, Illaahaa awood leh e, kuwaasaa badanaa waxay ku fikiraan, kuma eka moorada yar ama xayndaabkaa yar ee loo yaqaano waddanka ee ay degan yihiin, danahooda waddanka wuu ka sii ballaadhan yahay intaas, ha noqdo khayraad ay rabaan in ay ka helaan dawladaha kale ee ay asxaabta la yihiin ama ay si basaraysan oo ka raqiisan ama waxyaabo yaryar ku bedeshaan ay uga helaan ama ayba boobaan, taas waa mid oo waddamo kale ayay siyaasaddooda indhaha ku hayaan badanaa. Sidoo kale, waxaa dhici karto in waddankaas ay isha ku hayaan uusan khayraad lahayn laakiin goob muhiim ah (strategic location) uu lee yahay meesha uu ku yaallona uu yahay meel muhiim ah oo ay iyagu u baahan yihiin,ha ugu baahnaadaan dhinac ciidan ama dhinac ganacsi, iyagaasna mar walba waxa ay rabaan in ay maamulaan oo ay gacantooda soo gasho. Waxaa kale oo jiro oo juqraafi-siyaasadeedka soo galaayo middii amniga, middaan amniga hore looma aqoonin waxa ayse soo shaacbaxday 9/11 [2001] iyo wixii ka danbeeyay, waa kan Maraykan oo ahaa dalkii ugu xoogga badnaa adduunka uu yidhi, waxaan iclaaminnay Global World of Terrorism waxa ay dhahayeen, adduunka oo dhan ayaan meesha aan doono ka tagaynaa anagoo markaa cayrsanayna dad aan u haysanno in ay yihiin argagixiso. Marka kaas ayaa haddana inta la sii siyaasadeeyay shaanbado badan laysugu dhuftay, waxa ay noqotay dawladda Maraykanku tu meel allaale iyo meesha ay rabto in ay tagto tagaysa, dagaal cidda ay rabto ku qaadaysa, bambo ciddii ay rabto ku tuuraysa. Si hadafkoodu ugu hagaago, badanaa dawladaha saas oo kale ah waxa ay sameeyaan, dawlad aagaas ay rabaan degan ayay heshiis la galaan, marna dawlad ahaan ayay ula galaan, marna ashkhaas meeshaas madaxda ka ah ayay la galaan oo gacansaar la yeeshaan, kuwaas oo musuqmaasuq iyo wax la mid ah lagu soo xero galiyo, laakiin hadafka oo dhan uu noqonaayo dantii waynayd ee dawladdaas weyn, sida Maraykan oo aan hadda tusaale u soo qaatay. Sidaas ayay dawlad ula heshiinayaan, inaga dalkeenana way ku dhacday oo waatii 9/11 wixii ka danbeeyay Itoobiya la heshiisay, Itoobiya markaas Maraykan raali kama ahayn qaabkii ay ku yimaadeen, niman markii hore ku yimi waxay ahaayeen qaab jabhad ah, badanaana reer galbeedku jabhadda il gaar ah ayay ku fiiriyaan, si aan joogto ahayna way u ogolaadaan inta ay ku meel gaarayaan, badanaana kuwa jabhadaha way adeegsadaan oo la shaqeeyaan laakiin waligood ma aaminaan.
AS: Sidee juqraafi-siyaasadeedku u qaabeeyay Geeska Afrika,muhiimad intee le’eg ayayse lee dahay Badda Cas, yaase ku hirdamaya Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed oo ay Soomaaliyaku taallo?
AC: Hadda, xilligaan la joogo, dawlado badan ayaa isku haysta runtii. Haddii aad xasuusato 2008 illaa 2011 waxaa socotaysheekadii ahayd budhcad badeedda, waa tii la yidhi badihii ayay xirteen oo markabkii meesha marayaba waa kuwan qabsanaya, taas ayaa dhalisay in dawlado badan, sida Maraykanka iyo Midowga Yurub, ay yimaadaan iyagoo ku andacoonaayabadahaas in ay ka ilaalinaayaan budhcadbadeed. Dadka juqraafi-siyaasadeedka fahansan, waxa ayba diidanaayeen aragtida guud oo markii intaas oo dalwadood badda yimaadeen, mid walbana tidhi budhcadbadeed baan ka ilaalinayaa, iyadoo budhcadbadeeddu ahaayeen afar nin oo doomo yar yar wata oo ay dhagaha ka soo qaban karaan, haddii ay doonaan iyaga oo teknoolajiyaddoodana isticmaalaya. Markay intaas isku soo aruursadaan qofka juqraafi-siyaasadeedka yaqaana waxa uu fahmayaa meeshaan in wax ka weyn uu ka socdo oo aan nimankaan yar yar loo socon, marka ay markab qabsadaan oolacag dalbadaan, hal milyan oo kale, ay helicopter meeshooda intay dul timaado u tuurayso. Xilligaa dawlado badan ayaa soo galay badda Soomaaliya oo ay Iiraan ka mid tahay, India ka mid tahay, dawlado badan. Dawladahaas qaar waa ku sii raageen oo waa kuwan Jabuuti gacansaarka la yeeshay oo heshiiska la galay, haddii ay noqoto China, Maraykan, France oo hore u joogi jiray, Japan, kulligood oo illaa toddobo saldhig ciidan ka samaystay Jabuuti. Dalalkaas oo dhan Maraykan ayay ku soo daba gabbanaayeen laakiin ujeedku wuxuu ahaa juqraafi-siyaasadeed. Juqraafi-siyaasadeedkaa dhacaayo haddii aan si fiican u sii tilmaamo waxa waaye; waxaa jirta aragti dhahaysoqarniga 21aad dawladda ugu xoogga badan waxa ay noqonaysaa tan gacanta ku hayso Badda Cas iyo Badweynta Hindiya, waxaa soo raaca Khaliij al-Carabi, labada u muhiimsanse waa kuwaas hore. Badweynta Hindiya maxaa loo lee yahay? Badweynta Hindiya adda muhiimaddeedu ma soo ifbixin, laakiin waa soo dhow yahay, waxaana loogu talagalay dagaalka uu Maraykanku rabo markuu China iyo India, dawaldaha BRICS samaystay, la galayo in uu isticmaalo. Dawladahaas raacay BRICS-ka waa kuwa ay berrito isku dhacayaan, haddii ay isku dhacayaanna waa in Badweynta Hindiya ay Maraakiibta Maraykanku joogaan, waana sida kaliya ee uu ugu soo dhawaan karo, waxan oo dhan waxa aan u xusayaa badahaas oo dhan waa muhiim, waxayna isku lee yihiin; adiga oo aan gacanna ku qabanin waddamadii lahaa badahaas ayaad rabtaa in aad maamusho. Tan ayaa ahna midda keenaysa in laysku qabsado Badda Cas. Maraykan ayaa muddo badan badan joogay illaa dagaalkii labaad ee dunida, laga soo gaaro xilligan Xuutiyiinta, iyagaa maamuli jiray Badda Cas, kama wado halka laga soo galo ee kanaalka Suweys iyo middaan laga baxo ee Baabul Mandabhalkaa kama hadlaayo, waxa aan sheegayaa badda laftigeeda. Awoodda ilaalinaysay, Ilaahay ka sokoo, waxay ahayd Maraykanka, haddana Maraykan hal markab kama joogo, wayna ka durugsadeen maraakiibtoodii, sababtoo ah heshiiska uu Trump la galay [Xuutiyiinta] ayay ku jirtay in ay Maraakiibtooda meesha kala tagaan, haddii kalena ay weerarayaan. Marka waxaa lagu jiraa xaalad sina madow u ah, sinna u adag oo aan si yar loo fasiri karin, waxyaabo badan ayaana isku dhex jiro. Haddii aad si gaar ah ii waydiinayso Badda Cas. Badda Cas dhawr dawladood ayay bad u tahay, baddaas laguu sheegaayona waa 1,200 oo miles, ballaceeduna waa 260, oo yacnii meel wayn oo aan lays gaari karin maaha, waa meel yar oo lays gaari karo, waa lays gaari karaa welibana si sahlan. Baddaas marka, muhiimadda ay lee dahay maaha kaliya in ay waddo tahay oo dhinaca ganacsiga iyo muhiim u ah, laakiin khayraad badan ayaa ku dhex jira oo maanta dhawrkii waddan ee aan sheegnay [Masar, Eretria, Suudaan, Jabuuti, Yaman iyo Sucuudiga] laba waddan oo kaliya ayaa khayraadkaas ka faa’iday. Midi waa Sacuudiga, midna waa Suudaan oo China mar hore u sameeyay in ay badda shidaal kala bixi karaan. Afartaas waddan oo kalena teknoolajiyaddaa hadda malaha. Badda Cas muhiimadda ay lee dahay khayraadkaas ayaa ka mid ah, marinkaa ganacsi ee ay tahay baa ka mid ah, sidoo kale waxa ay muhiim u tahay khidadda ciidan, dhinaca Masar way ka tahay, dhanka kalena waxay ka tahay dhinaca Baabal Mandab illayn saddex badood ayaad u dhow dahay, si sahlanna waxa aad ku gaari kartaa dhawr badood. Intaa kolka laga yimaado, waxaa jira arrin kale oo muhiim ah, waxaa baddan hoos mara cables-kii internate-ka [xargaha khadka] oo loo yaqaano Fiber Optic, si baaxad lehna u mara. Haddii marka dhaawac la gaarsiiyo, Xuutigu waa tii uu mar ku hanjabay in uu weerarayo, haddii ay taasi dhacdo 30% oo adduunka internate-ka ka shaqeeyo ayaa sam dhahaya hal mar. Marka dib ma loo hagaajin karaa oo mala samayn karaa, haa, haa, laakiin dhaawac badan oo weyn oo dhaqaalaha ah ayaa adduunka gaaraya inta la samaynaayo. Marka muhiimaddaas ayay baddii lee dahay.
AS: Marka aan tilmaamno Badda Cas muhiimadahaas ay lee dahay, yay noqonaysaa in ay ku loolamayaan muhiimadahaas, Maraykan waad xustay ma jiraa cid kale oo xejinaysa Maraykan oo iyana loolanka ku jirta?
AC: Cid ugu soo dhawaan karta marka ay timaado Badda Cas, Maraykan ma jirto. Bado badan oo lagula loolami karo ayaa jira, laakiin maya Badda Cas, sababtoo ah dawladaha ku yaalla Badda Cas kolka laga reebo Yemen, cadow uma arkaan Maraykanka badidood, oo Sucuudiga iyo Masar oo ah dawaladihii u waa weyn cadow uma arkaan, Eretriya oo kalena waa galab galab marna waa heshiis marna maaha. Kolkaa dawladda ugu maalgashiga badan Badda Cas, waxaa uga socda laba mashruuc oo nus tiriliyan dollars ah haddii aysanba ka badnayn, mid waa middaan la yiraahdo NEOM oo ah tan uu Maxammed Bin Salmaan bilaabay oo Jiddah iyo aagaas mar uu guryo badan xaaqay doonayona in uu dalxiis iyo wax la mid ah ka sameeyo, taasi waa mid. Tan kalena waxa waaye Red Sea Global, labadabana Sucuudiga ayaa wada waxa ayna ku yaallaan Badda Cas, marka haddii la dhoho xidhitaan iyo qalalaase amni ayaa ka dhacaya meesha, dawladda khasaaraha ama dhaawaca ugu weyn gaaraayo waa Sucuudiga, Sucuudiga iyo Maraykankuna waa heshiis oo Maraykan ayuu rabaa in uu meesha u difaaco, sidoo kalena Masar, Maraykanka ayay rabtaa in ay u difaacdo. Haddii la dhahayo China, Ruushka iyo dalal kale rajo maka lee yihiin, jawaabtu waa haa way ka lee yihiin, laakiin xilligaan ma soo dhowa oo tobankan sanno ee soo socda uma soo dhawaan karaan.
AS: Marar dhawr ahna waad xustay, sidoo kale, waraysi aad hore u bixisayna waxa aad sheegtay in Emaaraatku (UAE) uu waji u yahay dalal ay Israa’iil iyo Maraykanku ka mid yahiin, marka nooga waran saamaynta Emaaraatku ku lee yahay Soomaaliya iyo damaciisa ku aadan la wareegista badaha?
AC: Hagaag, dib u noqosho yar haddii aan ku siiyo, bilowga fikraduhu waa muhiim oo dhex lagama bilaabi karo. Dagaalkii lagu qaaday Ciraaq 2003-dii, markii u horraysay Maraykanku waxa uu bilaabay ciidan weyn oo calooshood u shaqaystayaal ahin ay u diraan. Ciidankaas waxaa hogaan ka ahaa ninkiiBlackwater lahaa oo Erik Prince la dhahayay. Erik nin dhalinyaro ah ayuu ahaa, ciidamada Maraykankana kuwa ugu khatarsan ayuu ka mid ahaan jiray, reer wuxuu ka yimid hodon ah. Walaashiis wasiir ayay u ahayd Trump muddo xileedkiisii hore, macnaha dad waxa waaye dhisan oo xagga taariikhadana si fiican u bartay, laakiin muslin nacayb badan uu ku jiro. Ninkaas waxaan u xusayaa, dagaalkii Ciraaq ciidamadiisa ayaa waxay gaysteen danbiyo aad u xun, oo dhab ahaan Maraykanka, xataa qaar ku jira kongereska, ay dheheen ninkaan waa in lagumaxkamadeeyaa falalka uu gaystay, iyaga oo ku andocoonaya in dal ahaan loo adeegsan karo oo argagixiso badan ayaa dhihi karto; war ninkaas xumihii uu sameeyay ayaan maanta ka aargoosanaynaa Maraykan. Si aan mar labaad weerar u dhicin waa in la maxkamadeeyaa.
Ninkii isaga ahaa [Erik], oo maalgashiga badan sameeyay Maraykankana qaar kaga xidhnaa oo maal badan galiyay bilyanis bilyanis dollar ah, maaha wax yar oo lacago badan ayaa la galiyay, wuu baxsaday wuxuuna degay Emaaraatka. Markan kama uusan cararayn maxkamad ee waxa uu diidanaa in uu soo hor istaago kongereska oo qofka taga la dhaariyo, haddii uu been sheegano ay sharci ahaan ku qabsanayaan, maxkamadduna halkaa ka bilaabanayso. Emaaraat kolkii uu tagay Erik waxay aad iskula xirteen ninka maanta meesha ka taliya oo markaas aan madaxweyne ahay, walaalkiis oo sariir saaran ayaa madaxweyne ka ahaa, laakiin isagu waxa uu ahaa ku sime, waa Bin Sayid ninka aan sheegayo. Labadoodii aad ayay saaxiib u noqdeen, wuxuuna Bin Sayid heshiis kula galay in uu noqdo qofkii ilaalinaayay kursigooda, waxa uuna yidhi waxa aan kuu keenaayaa, waddankastaba, askariga ugu fiican; Colombia haka yimaado, South Africa haka yimaado, Maraykanka haka yimaado, Israel haka yimaado, ciidan noocaas ah ayaan haystaa oo adiga kursigaagana kuu ilaalinaya, cidnana aanay kugu soo xadgudbayn. Gacansaarkaas ayay yeesheen. Taas markay muddo soo socatay, Maraykan waxa uu lee yahay himmadiisii waynayd ee ahayd ciyaar istiraatiijik (strategic game), micnaha juqraafi-siyaasadeedku waxa uu ku dhisan yahay xeel, adoo iska hab hab leh lama tagaysid waa in aad wax soo go’aansatay, oo aad ka soo fekertay, ka soo baaraan degtay tallaabo walba oo aad rabto in aad qaado, garanaysid yaa waaye ciidanka kaa taageeraaya? Goormaa tagaysaa? Intee sanno kugu qaadanaysaa? Intee lacag ah oo u baahan tahay? Waxaas oo dhan waa qorshe ay dejistaan. Taas iyaga oo maskaxda ku haya oo leh nimankaan saaxiibay [Erik iyo Bin Sayid] sidaan ula shaqayn karnaa, maadaama waxa aan rabno annaga uu yahay dekadahaan oo dhan, dekadahaasna ay iyagu inagala shaqeyn karaan, sidoo kale ama dhanka kalewaxaa u fikiraaya oo Maraykan tartan kula jira aysanna marnaba ka warwarsanayn ama ka baqayn waa dawladda loo yaqaano Israa’iil. Israa’iilna danahaas ayay lahayd, iyaga oo hadafkoodu yahay marna ku gorgortan, marna khayraadka ku dhac oo ah sidii Maraykanku u fekerayay in ay iyaguna u fekeraan, laakiin iyagaas [Israa’iil] waa laga sii jeestaa, mar allaale iyo markay tallaabo ka horraysa waddankaas ay sameeyaan, waa kuwaan hadda ceebtoodu soo baxayso, illayn siyaasiyiinta badankood ayaa jeebka ugu jiro, qaar ay maal ahaan gateen iyo qaar ay asraar badan ka haayaan oo ay ka mid tahay iyagoo falal xun samaynaya ama iyagoo.. si uun, waa waxa loo yaqaan blackmailing, oo ay ka mid tahay middaan hadda soo baxday ee loo yaqaan Epstein File. Dawladda Israa’iilna waa la socotaa in ay sameeyeen nidaam jaajuus ah oo loo yaqaano Pegasus Mo. Haddii aad xasuusato in uu Natenyahu inta uu hor istaagay Qaramada Midoobay, taleefankiisa saan u qabtay [kor u taagay] uu yidhi, “Taleefoonkaan ayaan waddamo ku burburin karnaa, kaliya taleefoonkaan aan gacanta ku hayo.” Wuxuu ula jeeday bahalkaan waxaa loogu talagalay in loo isticmaalo jaajuusnimada, dawlad kasta oo laga gadayna, kaliya maaha in uu xog uga ururinayo meelihii ay rabeen iyagana xog ayuu ka ururinayay. Nimanka lacag ka soo bixiyay oo moodaya in ay rag kale ku cayr cayrsanayaan, Ikhwaanul Muslimiin ama magacyada kale ee ay sheegaan, iyagana xogohoodaa la guranayaa [Waxa uu ka waramayaa qalabka wax jaajuusa cidda adeegsata in iyagana xogtooda la adeegsado, Natenyahuna uusaa ku goodiyay]. Marka, dadkaan heshiis waxay ku noqdeen, 2006 ayaan u malaynayaa in DP World la aasaasay, in la aasaaso shirkaddaa oo mid hore u jiray lagu daray, magacuna saasuu ku baxay baan filayaa haddii aanan khaldanayn, shirkaddaasna shuraako lagu noqdo. Shuraako maxaa lagu noqonayaa? Idinka, idinka waxaan kala jeedaa Emaaraatka, dawladihii aad ka kasban kartaan ama ka iibsan kartaan dekadaha muhiimka ah istiraatiijik ahaan lagala heshiiska, una wada fiirso dhammaan dekedaha ay heshiiska ku wada galeen waa wada istaatiijik, maahanna dekado loo asteeyay ganacsi ahaan oo kaliya, kulligoodna waxa weeye dekedo si uun ciidan ugu xidhan marka aad fiiriso, Boosaaso ha ahaato ama Berbera ha ahaato ama ha noqoto Kismaayo oo ay maanta gacanta kula jiraan, mid walba oo kuwaas ka tirsan navel site ayaa jiro, marka aniga marka aan lahaa sidaa [Emaaraatku waxa uu waji u yahay Israa’iil iyo Maraykan] anigu ulama aanan jeedin teenna oo kaliya.
Mawduucu waa dheer yahay haddii aan soo koobo. Markii la aasaasay DP World 2006, shaqo yarna ay wadeen sannad iyo wax u dhiganta, ayay waan waan la galeen saddex dekadood oo Maraykan ku taala, saddex gobol, ayna ka mid yihiin California, Louisiana aan u malaynayo tan saddexaad New York in ay ahayd haddii aanan qaldanayn, saddexdii dekedood ee ugu waa weynaa in ay dhahaan annagaa imaanayno oo maamulayno. Doodo waxaa jiray waqtigaas ka dhacay kongereeskaMaraykanka oo wixii oo dhan diiwaangashan yihiin, raggii murmaayay marka oo ay ka mid yihiin Congress People oo mid walba shaqaalihiisa qaar badan oo sirdoonka ku xidhan jiraan, qaarkoodna cilmibaadhis ka sameeyaan meelaha qaarkood ee Maktabadda Kongereeska oo kale, dhokumentis badan oo dadka laga qariyona ku wada duugan yihiin. Markay baadhista sameeyeen waxa ay dheheen nimankaan lama aamini karo, nimankaan rag ayay shuraako la yihiin waxaanna waxa weeye xog ururin sirdoon (Intelligence Gathering), hadhowna waxa ka imaan kara ma ogin, waxaa dhici karta dadkii aan annaga cilaaqada la lahayn ka dawlad ahaan in ay halis galaan, wayna diideen oo heshiiskiina waa la burburiyay oo kongereeskaa diiday. Annaga marka [Soomaaliya] maadaama maamulladeenu waxa aan aragno waxa weeye nacfi degdeg ah ayaa inaga soo gali kara, meeshaan haddii la dhiso ama waddo yar laga dhiso Masha Allah, Tabaarakallah, maxaa? Wax xumaan ah oo ay keeneenba ma jiro. Juqraafi-siyaasadeedku siduu u shaqeeyona maaha in uu sidii siyaasadda caadiga ahayd u shaqeeyo, toban sanno gudeheed wixii uu maanta talaashay haddii aad u sacaba tunto waxaa suuragal ah in uu noqdo bahalkii ku cunayay adiga.Waana midda ummadaha badankeed haysata sida kuweena oo kale. Annaga, arag, waa nalagu hareeraysan yahay xaalad walba, dekadahaas oo dhanna waa la wada lee yahay, kulli oo Saylacna hadda ku soo xigto. Taas weeyena waxa aan ugala jeeday hadalkaa soo xigatay, waxaan rajaynayaa in aan jawaab waafiya ka bixiyay.
AS: Dabcan, dhankaa Emaaraatka si fiican ayaad uga warantay, dhanka kale sannadihii danbe waxaa moodaa Soomaaliya in ay ku soo xoogaysanayso saamaynta uu ku lee yahay Turkigu. Marka, saamayn intee le’eg ayuu Turkiga Soomaaliya ku lee yahay? Mase la odhan karaa saamaynteeda Soomaaliya in ay bar bilow u tahay loolankan ay Soomaaliya dhexda u gashay ee juqraafi-siyaasadeedka ah?
AC: Turkiga, mar kale ayaan doonayaa in aan tanna nuxur ahaan u soo bandhigo, 2011 markii ay dalka soo galeen, caadifo ma aysan soo galin oo ma ahayn dawlad walaaleheenaa gaajo meeshaan ku haysaa aan u tagno, ma ahayn. Midna aan caddeeyo, wixii wanaag ahaa ee ay sameeyeen, waxa ay noo raaciyeen, ogow waqtigaa xukuumadda ayaan ku jiraa anigu oo aan la shaqaynayaa Maraykanna aan u joogaa, wax badanna waan ka ogahay. Iyaga marka ay imaanaayeen waxa ay ka hadlayeen dad baahan oo gaajaysan abaarna saamaysay in la quudiyo iyo waxaas, laakiin waxa ay dhahayeen waxa aan rabnaa in dawladdiinu nala gasho waxa loo yaqaano Strategic Partnership (Iskaashi Istiraatiiji ah). Marka lagu lee yahay Strategic Partnership waxa weeye, dawladaha adduunka dawlado badan oo saaxiibo ah ayaa jiro aanna wax isku darsan, micnaha garoomadoodaa isku furan, wixii siyaasad guud ahna way ka wada shaqeeyaan, laakiin wax weyn oo ay wada lee yihiin aanu jirin, marka waa wada yeelashada wax weyn. Marka Turki waxa ay dheheen waxa aan rabnaa xidhiidh qotodheer oo aan Soomaaliya la yeelanno oo laakiin Soomaaliya oo midaysan ah, taas ayay ku soo celcelinayeen. 2011 illaa iyo hadda inta uu joogo Madaxweyne Xasan weligood waxa ay iska ilaalin jireen Turkidu in ay Soomaaliya ula tacaalaan sida waddamada kale ee ajnabiga ah ee Xalane ka buuxo ula tacaalaan, way ka dhawrsanaan jireen. Laakiin, waxa ay arkeen markii uu Xasan yimi, eedda Xasan ayaaan saarayaa markan, sababtoo ah maalin walba heshiis cusub ayuu saxiixayay, heshiisyada uu saxiixayayna midi waa mid dhaqaale oo dawladdu sidii ay doonto ayay ka yeeli kartaa midna wuxuu ka hor imaanaabo heshiiskii lala galay Turkey oo ahaa in ay cilaaqadaan noqoto mid Strategic Partnarship ah. Turkiga waxaa ka mid ah heshiiskooda horena uu u soo sameeyay iyo mashaariicda uu hadda faraha kula jiro, waxaana ka mid ah; akadeemiyadii weynayd ee ciidanka lagu tababaraayay, waxaa ka mid ah meeshan dayaxgacmeedka iyo gantaalooyinka lagu samaynaayo, waxaa ka mid ah raadaaro badan oo casri ah, kii saliidda iyo gaaska ayaa ka mid ah, waxaas oo dhanna Strategic Partnership-ka ayay ka mid yihiin. Sidaa darteed, midda aan shakhsiyan anigu uga hor imi, uga hor imi waxaan ula jeedaa laba qoraal oo u danbeeyay ayaan xoogaa ku duray, cadow ahaan uma aanan soo bandhigayn, laakiin waxa aan dhahaayay; qoladaan [Turki] waxa ay aragtay in kuweena [siyaasiyiinta Soomaaliya] cilaaqo oo dhan ay u arkaan middaan raqiiska ah ee ah maalinbaan halkan ka duulay, Ankaran aaday, Istaanbuul baan tagay, madaxdii baan la soo kulmay, waxyar baa lay soo siiyay ama si uun ayaa la ii meeleeyay, dano yar oo aan ka lahaa ayaa la ii fududeeyay, waan soo noqday, khalaas! Cilaaqadiiba waa intaas. Cilaaqadaasina waddanka dan uma ah ee qofkaas uun ayay dad u tahay iyo waxa uu matalo, laakiin waddanka dan uma aha. Marka, Turkigu wuu ka dhawrsanaan jiray, aad ayuu uga dhawrsanaan jiray sheekadaas, hadda laakiin waxa aad mooddaa.., tusaale; middii saliidda iyo gaaska ayaa tusaale fiican ah, markabkii la keenaayay, dawladdii ka dawlad ahaan uma keenin oo shirkad gaar ah ayaa iska lahayd oo cilaaqadaas lagu xidhay, shirkadduna waa mid damac leh, haddii uu kaa dhaadhicin karo 95% aan aniga wixii ka soo baxa qaadanaa, adigana shan ayaan ku siinayaa, aadna dhahdo hagaag, adiga ayaa dhaawacan, ka waddan ahaan, sakhsi ahaan in aanu kuu gaadhin ayaa dhici karto. Marka aniga taas waan ka soo horjeeday. Waxa ayse taasi timi, intaas oo sanno markii Turkigu sugaayay uu lahaa waxaa iman kara wax isla shaqaysta oo walaalo ah ayuu arkay niman aan naxayn oo kolba heshiis saxiixaaya, bidix iyo midig, marka wuxuu yidhi sidii Maraykan hore u yidhi; raggeeda ha loo geeyo, kuwaas hala dhaqmaan. Dawladdii waa jirtaa oo dhinaca waa weyn ayay rabtaa in ay wax ka difaacdo oo ay heshiiska Strategic Partnership-ka la sii waddo Soomaaliya, kuwa ka hoos adeeganaya oo ka shaqaynaya wax aan maslaxo u ahayn Soomaaliyana waa jiraan.
AS: Marka mala odhan karaa heshiisyadaas iyo saamaynta uu Turkigu Soomaaliya ku lee yahay waxa ay bar bilow u tahay loolanka hadda ka taagan geeska?
AC: Way u noqon kartaa, waxaa ka mid ah midda aan hore u xusnay ee Badda Cas. Sannad iyo xoogaa ka hor waa tii xukuumadda Soomaaliya maraakiibta Turki u saxiixday in ay noqdaan kuwa xeebahaas ilaaliyo oo badaha inoo ilaaliyo, Badweynta Hindiya, Gacanka Cademeed illaa iyo afka hore ee Badda Cas, halkaasna ka shaqeeyaan. Arrinkan Maraykan waa diidanaa, sannooyin badan ayuuna diidanaa. Turkigu 2011 ayay rabeen in intaa loo saxiixo, Maraykan ayaana hortaagnaa. Maraykan wuxuu ogolaaday ku dhawaad laba sanno, sannad iyo badh ka hor. Maxaa ogolaysiiyay? Waxaa ogalaysiiyay waxa weeye Xuutiyiintii oo badda xirtay, halis badanna u keeni karto Maraykanka, khaasatan maraakiibtooda waa weyn ee diyaaradaha qaado. Marka waxa ay is tusiyeen in dawladda kaliya ee meeshaas ka wada shaqayn karaan oo ku aamini karaan, aaminaad buuxda maah ogow, oo laysku danaysanaayo [in ay tahay Turki] waxa ay ogolaadeen in Turkiga loo saxiixo. Sidaas ayuuna Xasan Turkiga ugu saxiixay in maraakiibtu badahaas ilaaliyaan. Maraykan xujada uu ku xidhaayo waxa ay ahayd, waxaan in aanay joogto (permanent) noqonin, halka Turkigu uu awal rabay joogto, laakiin Maraykan waxa uu ku adkaystay toban sanno, toban sanno kaddibna uu heshiiskaan dhammaaday. Waxayna ula jeedeen tobanka sanno waa inta arrinka Xuutiyiintu dhan u dhacayso, iyaguna ooga soo noqonayaan Badda Cas, markaasna waxa ay lee yihiin Turki looma baahno oo annagaa meesha ka atooraynayna. Saas ayayna u shaqaysaa juqraafi-siyaasadeedku, rag fikiraaya ayaana ciyaari karo jartaas, kuweena badanaa waxaa la soo hor dhigaa meel yar oo uu muraad ka lahaa, wiil uu dhalay oo ganacsi leh iyo wax kale.
AS: Turki iyo Emaaraat marka laga yimaado aan u nimaadno arrinkii aqoonsiga. Aqoonsiga ay Israa’iil siisay Soomaalilaan maxaa hadda ku soo beegay? Saamayn intee le’eg ayayse ku keenaysaa xaaladda Soomaaliya?
AC: Su’aasha ugu khatarsan tan waaye. Xilligaan, adduunka juqraafi-siyaasadeedka marka aad fiiriso wax badan ayaa isbeddelaaya, isbeddel kaliyaa maaha e, weligeed ayuu isbeddel dhacayay e, sida xawliga ah ee isbeddelku uu ku socdo ayaa yaab leh. Caawa ayaa seexanaysaa, berritaa soo toosaysaa wax cusub baa ku soo saa’iday dunida. Meel walba ayaa qas ka socdaa, xilliga lagu jirona xilli sahlan maaha, madaxda innaga meelahaa inoo joogtana xilligoodii lama joogo, waxaa loo baahnaan lahaa dad fikiraayo oo fahamsan sida ay waxaan u shaqeeyaan, haddii kale innaga oo sidaa u taagan oo Soomaali isku haysana ayaa layna dardaraayaa oo khatarta ugu badan innagaa ku jirno … Aqoonsigan Soomaaliland la siiyay, saamayn dawladnimo ma yeelanayso, sababtoo ah waad aragtay Golaha Amniga iyo intii joogtay meesha ay ka istaageen midnimada, markaa kulli hal dhinac ayay ka wada istaageen xataa Maraykanka oo sheegay in aanay waxba iska bedelin ra’yiga ay ka qabeen Soomaaliya, wuxuuna ula jeeday madaxbannaanida [Soomaaliya] waan aqoonsannahay. Taas iyada oo ay jirto ayaa haddana lagugu dul shaqaysan karaa oo saad og tahay Taiwan ayaa jirto, Kosovo ayaa jirto, waddamo noocaas ah ayaa jiro oo aqoonsi la siiyay, laakiin ka waddan ahaan looma siin waase dawlad jirtoo lala macaamili karo, qoladii ay doontona heshiis la gali karto, laakiin waddan la yaqaano oo xuduud ilaashado oo kursi ku leh Qaramada Midoobay maaha. Sida ay dhahaayaan ee ah Republic of Somaliland [Jamhuuriyadda Somaliland] in ay jirayso aqoonsi ahaan ma u haystaan, jawaabtu maya waaye. Inkasta oo ay wax walba isbeddeli karaan dhanka juqraafi-siyaasadeedka, laakiin anniga waxa hadda noo muuqda ayaan sheegaa, tii Ilaahay gooni waaye, waxa noo muuqdo jawaabtu waa maya, aqoonsi buuxa ma heli karto. Sida kaliya ee ay ku heli karto waxa weeye, haddii ay dariiqii saxa ahaa oo loo soo maray Eretriya, South Sudan iyo dawladihii saas oo kale u jiray kana go’ay dal, waa in dawladdaas madax bannaanida gacanta ku haysa ay ogolaato oo waan waan la gasho, wixii shuraakada lagu ahaana la meeleeyo.
AS: Israa’iil maxay ka doonaysaa Soomaalilaan, siyaasaddeeda juqraafiyadeed in ay saldhig ku yeelato Berbera muxuu ka caawinayaa?
AC: Wax badan ayuu ka caawinayaa, wax badan. Horta Berbera waa dekaddii la dhisay waagii uu jiray dagaalkii qaboobaa, marka taasi waa diyaar oo haddadaan haddii ay damcaan in ay ka weeraraan Xuutiga, waa tusaale ahaan, way ka weerari karaan. Waxa ayse u badan tahay in aanay iyagu diyaarado iyo isku dayi karin, sababtoo ah way baqanayaan, haddii ay diyaarado bilaabaan in lagu soo tuuro gantaalihii dheeraynaayay oo khasaaro badan iyaga ka soo gaaro. Laakiin midda ay qorshaynaayaan waa uun ciidan oo kumaandoos ah oo weeraro meelalahaas, baddaasna in ay iyagu gacanta ku dhigaan oo ah meeshii laga galaayay Badda Cas, ayna noqdaan kuwa ugu xoogga weyn, Maraykankuna waxba kama qabo, ka waddan ahaan kama waddo, ka Trump ahaan ayaa sheegayaa, labada waa kala duwan yihiin, dadku in ay fahmaan weeye. Trump siyaasaddiisa waa gooni, Maraykanna siyaasaddiisa waa gooni. Maraykan maanta, ka dawlad ahaan, uma arko in maslaxaddoodu ku jirto in Yuhuud iyo ay meeshaas tagto oo qaabkaas; caadifad qabiileed iyo mid ciidan iyo cadaawo hore oo dadka dhex martay dib loo soo kiciyo dan uguma jirto, laakiin Israa’iil dan waa ugu jirtaa. Sababtoo ah meesha ayay ku cusub yihiin oo cilaaqo hore oo toos ah ma leh, kuwii xanaaqaayana ha xanaaqaan, kuwii qabiil ahaan ama diin ahaan isku soo abaabulaya ha isku soo abaabulaan, siday doonaan ha yeelaan oo shaqadooda maaha. Laakiin danta Maraykanka kuma jirto taa. Marka su’aashaadii ahayd maxay ka faa’iidi karaan meesha [maxay ka doonaysaa]; xuutiga ayay ka weerari karaan, kaddibna waxa ay ku andacoon karaan badahaan annagaaxaalkeeda dejinay oo dawladihii maanta khasaaraha badan ka soo gaaray ganacsigaas oo aanan marayn Badda Cas, maxsuulkuna yahay si ay u maamulaan maraakiibta maraysa macluumaadna u siiyaan. Sidoo kale, Iiraan ayay ka weerari karaan. Sidoo kale, waxa ay samayn karaan in ay bases-kii ay Soomaaliya ka dhisteen [Turki] ku adkeeyaan. Waxyaabo badan. In dagaal gudaha bilaabaan oo dhahaan qaybtan maamulka Waqooyi Bari ayaan soo celinaynaa, iyaga oo dhahaya waa qayb Soomaalilaan ka mid ah, iyaga oo adeegsanaya calooshood u shaqaystayaal ama ciidamadooda. Waxaas oo dhanna waa suuragal.
AS: Waxa ay dad badan xusaan in aan midnimada dalka la ilaalin karin, iyada oo aanay jirin dawlad iyadu sharciyadda iyo iskuhaynta dalku aanay ka dhab ahayn. Marka, sidee u aragtaa xaaladda ay Soomaaliya hadda ku sugan tahay adoo u eegaya mudda xileedka sii dhammaanayaa iyo khilaafka saamilayda siyaasadda Soomaaliya, ma tahay mid looga jawaabi karo midnimada iyo loolanka gobolka?
AC: Aniga ma qabo in midnimo iyo wax noocaas ah in lagu ordo, sababtoo ah meeshaas waxaan u haystaa in uu yahay heshiis burburiyaha koowaad, waana asbaabaha uu wadahadalku ku dhinto ayay ka mid tahay. Waa run, marka uu qofku ku yidhaahdo yaan la midoobaa? Ma Xasan baan la midoobaa? Anigaan waan dhihi lahaa haddaan booskooda joogo maya, sababtoo ah ma arko qof dhab ah (serious), ma arko xukuumad ay dhab ka tahay, dhammaan. Laakiin, in la middoobo waa lagama maarmaan. See loo midoobayaa marka? Sida loo midoobaayo waxa waaye, dhab u heshiisiin in uu dhaco waaye. Dhab u heshiisiin ka bacdi weeye in midowgu dhoco, laakiin haddii midowgu ka soo hormaro wada hadalkii, sidee loo walaaloobaa? Sidee loo heshiiyaa? Wixii na kala gaaray sidee isku cafinaa? Haddii aan laga wada hadlin waxba ma toosaayaan, cid is aaminaysana ma laha. Kan xilka haya haddii uu yimaado oo dhaho xilligii waa ii dhammaaday oo mid isaga ka duwan la keeno, muxuu bedelayaa ii sheeg? Yaa waaye ninkaas? Muxuu inoo sheegay illaa iyo hadda uu ina yidhi saanaan wax u bedelaa? Siyaasi kasta ha noqdo ama haka yimaado Waqooyi, Bari ama Koonfur meeshuu doono, anigu ma kala jecli kulligood. Marka midnimadu waa hadaf la rabo in la gaaro, waxaana ka soo horraysa sidee ku tagaysaa oo geedi socod ayaa ka horreeya, illaa aad ka gaaraysid waxa aad u socoto, qaabkii aad ku tagi lahayd iyo aaladdii aad isticmaali lahayd waa in laga wada hadlaa, lagamana wada hadlin.Midnimadu iskama imaanayso, rag meel fadhiistay oo dhahaya aan midowno oo midoobay ma jirto. Midnimo waxaa ka soo horraysa is aaminaad, adiga mala midoobi lahayd qof aanad aaminsanayn? Waaba tuhunsan tahayba qofkaas in uu luggooyadaada adiga u socdo. Cid la midoobaysa ma laha. Sidoo kale, Soomaali goboladaas go’ay ha ahaadeen, ama maamul goboleed ama shakhsiyo siyaasiyiin ah, midkoodna ma midoobaayaan, mana midoobi karaan, inta aysan is aaminsanayn. Is aaminaadduna waxa ay immaanaysaa, marka meesha laga helo dhab u heshiis, waa marka uu dhab u heshiisiin dhaco, markaas ayaa is aaminaad bilaabanaysaa, markaa ka dib ayaana la helayaa midnimada.
AS: Aniga oo tixraacaya jawaabtaadan u danbaysa, waxa aad marar badan ku soo celcelisay Soomaalidu waxa ay u baahan tahay dib-u-heshiisiin dhab ah, sidoo kale, mar arrinka Shabaab wax lagaa waydiiyayna waxa aad tidhi, “Shabaab in si gaar ah loola heshiiyo anigu maqabo, laakiin Soomaali in ay heshiisaan qabaa, Soomaali ayayna qayb ka noqon kartaa.” Marka, door intee le’eg ayay dhab u heshiisiintu ka gaysanaysaa midnimada dalka, mase qabtaa in Soomaalilaan si gaar ah loola heshiiyo?
AC: Hadda wixii dhacay, 26-kii Diiseembar kaddib, xukuumadda joogta si uun in ay ula hadasho Soomaalilaan ama odayaal matalo ama aqoonyahanno dad iskudhafan oo la aamini karo ah, in ay wax uun isku dayaan, ama wadaadadii xataa, waa lagu qasbanaanaa oo ma kala aamusnaan karaan. Si uun in ay u wada hadlaan waa qasab anniga saan u arko. Dib u heshiisiintuna laba nooc waaye, midda hadda taagan waa mid deg-deg ah, iyagaasna aanay u madax bannaanay, wadahadalkooda xataa uma madax bannaana, waxaan ka wadaa Xasan Sheekh iyo Cabdiraxmaan Cirro oo kale hadda, labadaas in ay wada hadlaan, laba walaal oo go’aansan kara caawa aan wada hadalno, Isniinta danbe aan wada hadalno, ma’aha. Waa raran yihiin, khaasatan Cirro, go’aamadoo dhan waxa ay ka soo baxaysaa, dabcan dadkii siiyay oo magacooda khatarta galiyay, magac fiican awalba ma lahayn Israa’iil, waxaanse ula jeedaa ka dawlad ahaan. Marka Israa’iil oo leh sumcaddeenaan laynka soo dhignay iyo Emaaraat oo maalgalinta waddo, labadaas dawladood uma ogolaanayso Cirro in uu go’aan iska qaato. Uuna yidhaahdo berito Xasan aa ii imaanaayo oo aan halkan kula shirayaa. Markaa heshiiska qaabkan ah waxa uu ku imaan karaa, iyaga oo toos u wada hadla maaha e, dad in ay hawsha ka soo shaqeeyaan.
AS: Aan dib kuu celiyee, adoo ku salaynaya khibraddaadi marka aad ahayd ergayga Soomaaliya ee Maraykan, si guud, Soomaalidu sidee u wajahaysaa loolanka juqraafi-siyaasadeed ee Gobolka?
AC: Waa su’aal aad iyo aad u fiican, waxaanna rajaynayaa in ay jiraan dad ka shaqeeya siyaasadda guud iyo midda dibadda, sidaa aad su’aasha hadda ii waydiisay ka fadhiista oo ka fekera. Khataro badan oo annaga nagu soo wajahan ayaa jira. Annaga hadda dawlad yar oo daciif ah ayaan nahay, dawlad aan is masruufi karin ayaan nahay, dawlad aan xuduudeheeda ilaashan karin ayaan nahay, xaqiiqada marka loo wada hadlo, waxaan nahay dawlad dhexdeedii tafaraaruq badan ka dhex jiro, saasaa xaqiiqadu tahay. Juqraafi-siyaasadeedka marka laga hadlayona waxaa muhiim ah in aad haysato wax adiga lagugu xurmeeyo oo aad dhahaysid; war adiga kanaa ii samaynee, aniguna kanaan kuu samaynayaa, oo aad isdhaafsataan. Hadda, innagu waa qabnaa si dabiici ahaan ah, waxaana ka mid ah goobta aan ku naal, taas haddii aan ku ekaado oo aanan khayraadka sii aadin, gorgortan fiican ayay saacadahaan ku siinaysaa, xilligaan adduunka meesha uu maraayo. Tusaale, dawladda China iyo Maraykan ayaa is haya oo shaki weyn kala qaba, marna saaxiib waaye, marna cadow ayay isku yihiin. China maanta haddii ay hesho Berbera, sheekada waa dhammaatay oo Maraykan awooddiisii iyo waxaas iyaga ayaa kala wareegay, marka Soomaaliya waxaa laga rabaa in ay ka midaysan tahay tabta noocaas oo kale ah iyagoo iska dhigaayo inay China wixiiba ku wada wareejiyeen, si ay Maraykan u soo dabciyaan danahoodana uga gaaraan. Ama dhahaya Ruushka ayaan ku sii darnay iyo dawladaha waa weyn ayay soo magcaabi karaan oo dhihi karaan qolo hebel ayaan keensanaynaa. Taasna cid samayn karta malaha oo haddii maanta Xasan ku dhawaaqo, inta aan la gaarin maamul goboleedyada, wasiirada kuwa u ah ee maanta hortiisa taagan ayaa qaar ka mid ah diidayaan, weliba si toos ah (public). Marka waxa aan ugala jeedaa dad aan midaysnayn, dad aan is aaminsanayn, dad walaaltinimada magac ahaan u wato ‘Soomaali baan ahay’, xaqiiqaduse waa in aynaan ahayn dad is aaminsan oo hal dhinac ka soo wada jeeda. Cadowgeenuna waa og yahay intaa, innagaan is aqooninse. Iskuna haysana weli dadkii hore. Dadkii hore ma nihin, dad ka duwan ayaan nahay. Marka illaa laga helo dawlad yar oo dad maskax leh oo Soomaalinimadii ku danbayso, diin yar oo xarko ku haysana haysto, oo aan ahayn qof gacantaas uun hoorsanaya, illaa taa laga helo, wax aan ka qaban karno juraafi-siyaasadeedka malaha. Laakiin, Ilaahay carab iyo qoraal ayuu ina siiyay, adigu wax waad ka qaban kartaa, anigana waa suuragal in aan wax ka qaban karo. Waxaan ugala jeedaa, dadka xorta ka ah dawladda oo nalkaas ku shidi karo cadow walba oo iskudaya in uu waddankaas halaag u soo jiido ama la wareego, ama dhaqankoodii iyo diintoodii dhaawac gaarsiiyo, kuwaas marka in ay nalka shidaan waaye. Xukuumaddase gorgortan ay haysato maanta malaha oo kalsooniba ma haysto, waxayse noqon kartaa hal mid oo ay uga hortagi kartaa hadda xaalku sida uu yahay, in ay si daacadnimo leh ay Turkiga u tidhaahdo adiga hogaamiye noo noqo, dhanka juqraafi-siyaasadeedka. Qaab ahaan way tahay hadda, laakiin uma aha si toos ah (official) oo Xasan waa ninkan marna Itoobiya u boodaya maalinna Masar, maalinba meesha uu doono ayuu ka dhacaa. Dad is khilaafsan, dad asxaab ah, dad is diidan, dad kala didsan, wixii oo dhan ayuu rabaa in uu isku wada wado, taasna ma shaqaynayso.
AS: Aad ayaa u mahadsanid tahay, Abuukar.
AC: Adaa mudan, Axmed.

