Sida ay xog ku heshay Somali Stream bishan bilowgeedii, waxaa qabsoomay wada-hadallo telafoon oo dhexmaray Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta qaarkood.
Xogtan oo aan ka helnay ilo wareedyo ku dhaw Madaxtooyada Somaliland, ayaa xaqiijinaysa in Wasiirrada labo dal ay khadka taleefonka kula soo xiriireen Madaxweynaha Somaliland si ay u hordhigaan qorshayaal cusub oo ku saabsan xaaladda gobolka.
Sida ay xaqiijinayaan saraakiisha aan xiriirka la samaynay, Madaxweynaha Somaliland ayaa si cad u diiday inuu wada-hadal ka galo arrinta ku saabsan aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland.
Cabdiraxmaan Cirro waxa uu Wasiirrada u sheegay in xiriirka Israa’iil uu yahay go’aan qaran oo xirmay, isla markaana aanu ka mid ahayn qodobbada loogu talagalay in laga gorgortamo.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland ayaa Wasiirrada u caddeeyay mowqifka adag ee Hargeysa ee ku aaddan wada-hadal kasta oo mustaqbalka dhacaya. Waxa uu hoosta ka xariiqay in cid kasta oo doonaysa inay la hadasho Somaliland looga baahan yahay inay marka hore u aqoonsato sidii dowlad madax-bannaan oo buuxda, isagoo meesha ka saaray in Somaliland loola macaamilo sidii qayb ka mid ah Soomaaliya.
Wada-hadalladan oo qayb ka ahaa dadaallada Sucuudigu hormuudka u yahay ee lagu doonayo in lagu dhex-dhexaadiyo Soomaalida, si looga hortago in saameyn ciidan oo Israa’iil leedahay ay soo gasho dhulka Soomaaliyeed, ayaa ku soo dhammaaday is-faham guud oo ah in mar kale la isku soo laabto.
Xogta ayaa intaas ku daraysa inay dhinacyadu ku ballameen wada-hadallo kale oo dambe si loo sii ambaqaado wadahadalka ku saabsan xasiloonida gobolka iyo Badda Cas.
Xidhiidh aan la samaynay dhanka Dowladda Federaalka ah si aan wax uga waydiino halka ay marayaan dedaalka Sucuudigu ayaa xoojiyay inay socdaan dedaal gobol oo Somaliland lagu qancinayo.

