Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Ilo-wareed mas’uul ah oo ka tirsan Madaxtooyada Masar ayaa shaaca ka qaaday in Qaahira ay xog muhiim ah oo dhanka sirdoonka ah u gudbisay Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Xogtan ayaa khusaysa dhaqdhaqaaqyada iyo qorshayaasha Imaaraadka ee dalka Yemen, waxaana loo arkaa tallaabo Masar ay ku doonayso inay dib ugu hagaajiso xiriirka kala fogaaday ee kala dhexeeyay Riyaad.

Maxay ka koobnayd xogta la helay?

Sida ay baahisay warbaahinta MEE oo heshay Xogtan sirdoon ee Masar u gudbisay Sucuudiga ayaa la sheegay inay ka koobnayd

1. Dhaqdhaqaaqa Badda kasocday iyadoonDabagal lagu sameeyay maraakiibta Imaaraadka.

2. Codad la duubay, Isgaarsiinta mas’uuliyiin Imaaraati ah oo ku saabsan ujeeddooyinka ay ka leeyihiin Yemen iyo isku-xirka ay la leeyihiin Golahii Ku-meel-gaarka ah ee Koonfurta (STC).

Xogtan ayaa Sucuudiga la gaarsiiyay wax yar ka hor inta uusan bilaabin hawlgallo ka dhan ah xoogaggii STC-da ee Imaaraadku taageerayay.

Isku-soo-dhawaanshaha Riyaad iyo Qaahira

Wada-shaqayntan dhanka sirdoonka ah ayaa kusoo aadday xilli Sucuudigu uu kordhiyay cadaadiska uu ku hayo xulafada Imaaraadka ee Yemen.

Tallaabadan ayaa keentay inay hoos u dhacdo awooddii Golahii Ku-meel-gaarka ahaa ee goonigoosadka ahaa, halka dowladda caalamku aqoonsan yahay ay dib usoo ceshatay gacan ku haynta magaalada Cadan iyo deegaanno kale oo koonfurta ah.

Cabsida Masar iyo Digniinta Imaaraadka

Dowladda Masar ayaa xiriir toos ah ka dhex aragtay doorka Imaaraadka ee Yemen iyo taageerada ay siiyaan xoogagga hubeysan ee Suudaan (RSF), taas oo Qaahira u aragto khatar toos ah oo ku wajahan Amniga Qaranka Masar.

Dhanka kale, Sucuudiga ayaa ka codsaday Masar inay u diyaargarowdo dhanka badda si loo jaro marinada saadka ee u socda kooxda gooni-u-goosadka ah ee STC.

Tallaabadan ayaa ka careysiisay Abu Dhabi, waxayna ka digtay inay wax u dhimi karto danaha guud ee labada dal. Si kastaba ha ahaatee, Masar waxay ku adkaysatay mowqifkeeda ku aaddan ilaalinta midnimada Yemen iyo diidmada dhaqdhaqaaqyada gooni-u-goosadka ah, iyadoo xoojisay isbahaysiga siyaasadeed iyo midka amni ee ay la leedahay Sucuudiga ee ku aaddan arrimaha Yemen, Suudaan, iyo amniga Badda Cas.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More