Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Sacuudiga iyo Soomaaliya

Xidhiidhka Soomaaliya iyo Sucuudiga ayaa si xawli ah ah kor ugu kacay toddobaadkan, waxaana la filayaa inuu isbeddelka xidhiidh ee dhacay uu baddalo jihada siyasadeed ee gobolka Geeska iyo Gacanka Cadan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaliya, Cabdisalaam Axmed Cali ayaa jooga Riyaad, waxaana ku biiraya Taliyaha Nabad Sugidda ee Soomaaliya, Mahad Maxamed Salaad oo tagaya saacadaha soo socdo. Labada mas’uul ayaa hordhac u noqonaya wafdi sare oo Madaxweynaha Soomaaliya hoggaaminayo kuwaas oo booqasho rasmi ah ku tegaya Boqortooyada Sucuudiga.

Ujeedka safarka ayaa ah in kor loo qaado xidhiidhka Muqdisho iyo Riyaad, laga wadahadlo fulinta heshiisyo hore iyo inay Soomaaliya xaqiijiso ka go’annaanteeda daleed ee taageerada qorshaha isbeddel ee hoggaaminta Boqortooyada Sucuudiga ee khusaysa gobolka Geeska, Badda Cas iyo Gacanka Cadan.

Sida aan xaqiijinnay waxaa meel sare ajandaha kaga jira in Boqortooyadu ay markii ugu horraysay gacan siyaasadeed siinayso Soomaaliya. Waxaa miiska saaran inay Sucuudigu uu ku dhaqaaqayo isku keenidda dhinacyada siyaasadda Soomaalida, taageero rasmi ah siinayo Dowladda Federaalka, fasaxayo mashaariic horumarineed, uuna Soomaaliya siinayo ilaalin iyo galaangal dublumaasiyadeed.

Soomaaliya, ayaa noqotay dalkii koowaad oo taageero u muujiyo hoggaaminta Boqortooyada ee ku wajahan xasillinta dalka Yemen. Sucuudiga ayaa xisaab siyaasadeedka dalka Yemen Todobaadkan gudihiisa dhan kale u rogay isaga oo dalkaas ka saaray ciidankii Imaaraadka, soo afjaray kala-goyntii dalkaas, waxaana uu gogol nabadeed u dhigay dhinacyada ku dagaallamaya Yemen.

Soomaaliya, waxay wajahaysaa khataro Juquraafi-Siyaasadeed oo lamid ah kuwa Yemen. Waxay gacan ka helaysaa dalka Sucuudiga oo uu istaagay badbaadinta Yemen. Haddaba, Madaxda Soomaaliya ma u istaagi doonaan inay ka midho-dhaliyaan fursadan mar la’araga ah ee dalka soo martay?

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More