Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku bogaadiyey dowladda iyo shacabka Turkiga garab-istaagga hagar la’aanta ah ee ay u muujiyeen midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xusay in Turkigu hormuud u yahay dowladaha difaacaya madax-bannaanida Soomaaliya xilli lagu jiro xaalad adag.
Waxaa kale oo uu sheegay inTurkigu muddo dheer ka shaqaynayey dhexdhexaadinta DFS iyo Somaliland.
“Turkigu waa saaxiib dhab ah oo Soomaaliya u soo gurmaday xilli la joogo xaalad xasaasi ah,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Dhankiisa, Madaxweyne Erdogan ayaa mar kale xaqiijiyey in Türkiye ay mar walba garab taagnaan doonto walaalahooda Soomaaliyeed.

